gabadha wax jecel

astaamaha lagu garto gabadha wax jecel!!

finanka wajiga

SIDEE LOO SAWEEYA FINANKA WAJIGA

MOBILE DATA

sidee loo yareeya lacagta aad mobileka ku isticmaalayso

XANUUNKA SHUBAN BIYOODKA{CHOLERA}

Xanuunkan sidee looga badbaada loogana hor tagaa

FAAIIDOOYINKA TIMIRTA

timirta iyo faaiidooyinka faraha badan ay leedahay wax ka ogow

Maxay Dadka Kale Guul U Gaadhaan Balse Anuu Aan U Gaadhi Waayay? Xalkeedi Ka Faidayso Halkan.

Ma guul ayaad raadinaysaa?

Ma waxaad doonaysaa inaad ku guulaysatid waxbarashadaada? Mise shaqadaada? Mise ganacsigaaga? Mise riyooyinkaaga? Mise kasbashada quluubta dadka? Mise wax kaleba?
 Ma waxaad hiigsanaysaa nolol qurux badan? Mise aakhiro qurux badan?
Waa maxay hawsha aad guusha ka raadinaysaa amba ku raadinaysaa? Hadaf (ujeeddo) ma u samaysattayse?
Ma hammi guul ayaa kaa guuxaya mise hadaf guul? Miyaad rajaynaysaa inaad guulaysatid mise waaba ujjeeddaada dhanba?
Wali ma is waydiisay tallaabada koobaad ee ugu saxsan inaad qaaddo si aad u guulaysatid?

Tallaabada koobaad ee looga baahanyahay inuu la yimaado si uu guusha uu doonayo u gaadhaa waa hadaf iyo ujeeddo uu ka lahaado hawshaas uu gudanaayo.
Maxaa hadaf looga baahanyahay haddii aan hammigii hayo?
Farqi aad u wayn ayaa u dhaxeeya qofka hammiga qudhaata leh iyo qofka isku darsaday hammi iyo hadafba. Qofka hammiga qudhaata hayaa waxa uu la mid yahay qof wax rajaynayaa, waxa uu rajaynayaa meeshaa uu ku hammiyaayo inuu gaadho, hawshaas uu ku hammiyaayo inuu qabto. Wax la rajeynayaana waa 50% oo ay ku khasaari karto iyo 50% ay ku suurtoobi karto. Marka uu qofku rajo leeyahay waxa uu raali kaga yahay goor kasta oo ay u hirgashaba rajaadaasi, waayo wuu rajaynayaay uun markii horeba!
Kuguma filna inaad wax rajaysaa si aad ficil dhab ah ula iman lahayd. Kuguma filna inaad wax rajaysaa si aad go’aan dhab ah ula iman lahayd. Rajadu marna way yaraataa, marna way korodhaa. Rajadu marna way tagtaa marna way soo noqottaa. LAAKIIN go’aanku marna intuu laabto marna masoo noqdo. Go’aanku marna inta uu yaraado marna ma saa’ido, ee barta uu ka bilaabo ayuun buu ku dhammaadaa haddii uu mid dhab ah yahay. Rajadu ma keensatto in uu qof la yimaado ficil dhab ah ee go’aanka weeyaan ka keensadaa. Hadafkuna waxa uu yimaadaa go’aan ka dib. Go’aankuna waxa uu keenaa hadaf. Laakiin go’aanku waxuunbuu ka dhashaa marka lala yimaado hammi dhaafay heerkii rajada kadib.
Waa maxay Hadaf?
Hadaf waa ujeeddo shay/hawl/nolosha laga leeyahay oo loogu talo galay in waqti xaddidan lagu dhammays tiro.
Hadafka saxda ahi waxa uu ku siinayaa go’aan dhab ah, go’aanka dhabta ahina waxa uu ku siinayaa hadaf sax ah. Hadafka saxda ahi waxa uu ku siinayaa qorshe ballaadhan, waxa uu ku siinayaa ficil dhab ah, waxa uu kugu keenayaa is beddel dhab, waxa uu kuu siyaadinayaa doonitaan dhab ah.
Hammi + Rajo/Doonitaan = Rajo
Hammi/Rajo + Go’aan = Ficil (Sax amba Qalad ah)
Hammi/Rajo + Go’aan + Hadaf = Ficil Sax ah = Guul

Marka aad hadaf leedahay natiijada inaad heshid ma sugaysid uun ee waqti ayaad u cayyintay. Waxaad qiimaynaysaa naftaada, ficiladaada, tallaabooyinkaaga, qorshahaaga iyo wax kasta oo ku shuqul leh natiijadaas gaadhisteeda. Marka aad hadaf leedahay waxaad xisaabinaysaa naftaada, waqtigaaga iyo horumarkaaga. Marka aad hadaf leedahay ugumaad talo galin inay wax qaldamaan, waayo haddii xattaa ay wax qaldamaan qorshe labaad ayaad u haysaa oo aad ku baddashid wixii qaldamay. Markaa aad hadaf leedahay natiijada aad doonaysid mooyaanee wax kale lagama yaabo inaad raali ka noqotid oo aad ku koobnaatid. Hadafkaaga oo xaqiijisma mooyee xal kaleba ma aragtid waana dariiqa ugu saxsan ee lagu gaadho guul qurux badan.
Taallaabada koobaad ee ku sugaysa inaad saxdaa waa inaad hammigaaga hadaf u baddashaa, rajadaada go’aan u baddashaa, fadhigaaga ficil u beddeshaa.
Bini aadamku waxay ay xayawaanka kaga duwanyihiin waa caqliga. Bini aadamka gabigiisuna waxay kusii kala duwanyihiin waa hal hadaf, waa ujeeddada laynoo abuuday ee ah inaynu Allah swt cibaadadiisa la nimaadno; taasaa laba u kala jabisay bini aadamka (Gaal iyo Muslim). Hadaba gaalku waxa qudhaata ee uu xoolaha kaga duwanyahay waa ujeeddooyinka uu addunka ka leeyahay, waayo haddii aakhiraba aanuu aaminsanayn, oo aanuu ujeddaadii aduunka loo keenay saxin xoolo ayuun buu ahaan lahaa, laakiin waxa qudhaata ee ka badbaadisay waa ujeeddooyinka iyo ahdaafta uu adduunka ka leeyahay, wax qabadyada iyo is beddelada iyo dedaalkda uu la imaanaayo inta uu addunka joogo. Hadaba Muslimiineey, in badan oo inaga mid ahi ujeeddooyin iyo ahdaafba ma lihin kaas Rabbi swt inoo sameeyay mooyaanee. Bal adigu waxaad is waydiisaa, ka warran haddii halkaas u jeeddana kaa maqnaa ma la mid ahaan lahayd xoolo? Waayo ujeeddo intaas dhaafsiisanba ma lihidee?
Muhiimadda ujeddeeda iyo hadafka waxa caddayn u ah inaan Ilaahay swt bilaa ujeeddo kuu abuurin! Ee bal ADIGUNA bilaa ujeddoo ha noolaanee hadaf samayso!!!!

 By Dhiiriye Magazine

AHMIYADA AY LEEDAHAY JOOGTEYNTA BEEDKA/UKUNTA


ugu horey waad salaamantihiin mahadoo dhan waxa iska leh allah (swt) marka xigta waxa mahadle
akhristayaasha sharafta badan ee ku xidhan shabakadan dhiiriye magazine maanta waxaan ka hadli doona 
ahmiyada ay leedahay cunida beedku/ukun ee ka faidaysi wanaagsan zaaxiipayaal

Dad badan ayaa isweydiiya beedka iyo muhiimadda caafimaad ama khatarta uu keeni karo, waxa kale oo aalaaba dadka madow ka gala in uu jiro xaddi u cayiman in aanu qofku ka badin beedka uu cunayo, haddaba sida ay sheegayso qormo lagu daabacay shabakadda Brights side oo arrimaha caafimaadka wax ka qortaa beedku waxa uu leeyahay faa’idooyin badan oo caafimaad, waxa aanay talada dhakhaatiirtu tahay in qofku uu maalintii cuni karo laba xabbo oo beed ah. Weliba ay fiican tahay in cuntada maalinlaha ah ee qofka ugu yaraan hal mar uu beed ku jiro.
Faa’idooyinka caafimaad ee beedkana waxaa ka mid ah:

1. Maskaxda: Curiyaha kiimikaad ee Fosforos oo xaydh ama dufan leh ayaa uu Alle ugu talogalay in ay caawiyaan isku xidhnaanta unugyada maskaxda, waxa aanu ka kooban tahay maadadda kiimikaad ee Choline oo beedka laga helo. Waxa aanu cilmigu caddeeyey in Faytamiinkan ama maadaddan kiimikaad uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan dhisidda maskaxda.
Sidaa awgeed in maalintii uu qofku cuno laba xabbo oo beed ahi, waxa ay damaanad qaadaysaa in jihdku uu helo maadaddan Choline oo haddii ay jidhka ku yaraato saamayn taban ku leh awoodda xusuusta qofka.
2. Maadadda Lutein: Cilmibaadhiso cusub ayaa daahfuray in beedka digaaggu uu hodan ku yahay maadadda Lutein oo si weyn u caawisa caafimaadka indhaha iyo aragga. Haddii ay maadaddani jidhka ku yaraato waxa ay isbedello burburin ah ku keentaa nudaha aragga, waxa aanay dhaawacdaa aragga.
3. Faytamiin D: Beedku waxa uu qani ku yahay  faytamiin D  in kasta oo ay khubaradu sheegayaan in xaddiga Faytamiinka ah ee laga helayo beedku ay ku xidhan tahay hadba nooca cunto ee ay digaagaddu quudato. Faytamiin ‘D’ waxa uu caawiyaa Kalshiyaamtu ay jidhka gasho iyo in lafaha iyo ilkuhu xoogaystaan.
faytamiin D
4. Wadne Xanuunka: Cilmibaadhiso cusub ayaa muujinaya in Kalastaroolka beedka ku jiraa uu ku dheellitran yahay Fosforoska dufanaysan ee ku jira, sidaa awgeed aanu wax dhibaato ah u geysanayn caafimaadka qofka, isla markaana uu ka hortagayo in jidhku uu soo saaro Kalastarool dhibaato leh.
Beedka waxaa ku jira maadadda Omega3 oo yareeya heerka dufanka saddexan, kana hortaga in qofka ay ku dhacaan xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.
5. Miisaanka: Saynisyahanno Maraykan ah ayaa baadhitaanno ay sameeyeen ku ogaaday in qofka oo ay ku kulmaan cuntooyin ay ku yar yihiin Kaloorisku iyo laba xabbo oo beed ah oo uu subax kasta cunaa ay dhaqso u ridayso miisaanka dheeraadka ah, maadaama oo qofku aanu cunto badan cunayn beedka oo dhereg badan dareensiinaya awgeed.
6. Kansarka: Maadadda kiimikaad ee Choline oo aynu hore uga soo warannay in ay beedka ku jirtaa waxa ay lagama maarmaan u tahay maskaxda iyo shaqadeeda, waxa aanay si aad ah uga hortagtaa in maskaxda uu ku dhaco cudurka Kansarku. Sida lagu ogaaday cilmibaadhiso la sameeyey, dumarka marka ay da’da koritaanka ku jiraan si joogto ah u cuna beedka waxaa aad ugu yar in uu ku dhaco cudurka kansarka naasaha.
7. Da’da: Saynisyahanno u dhashay dalka Holland ayaa cilmibaadhis ay sameeyeen ku ogaaday in dumarka da’doodu u dhexeyso 35 illaa 40 ee joogteeya cunista beedka ay boqolkiiba 87 ay ku yaraadeen baraha iyo calaamadaha kale ee da’da muujiya, maqaarkooduna uu giijismay oo cood-coodh aanu yeelan.
Marka ragga laga hadlayana waxa ay daraasaddu muujisay in cunista beedku ay qudhooda si aad u muuqata uga yaraysay coodh-coodhka indhaha hareerahooda ku samaysma.


soxigasho: daryeel magazine                                                          DHIIRIYE MAGAZINE

RAALI GALI QOFKAAD JECESHAHAY

Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaantiimba saaxiibayaasha ku xidhan dhiiriye magazine, kuna soo dhawaada qormo gaar ah oo aan todobaadkaan diiradda ku saarayo  dhambaal raali galin qof aad jeceshahay, ama qofka uu idiinka dhaxeeyo xiriirka saaxiibtinimo,marka uu khilaaf idiin soo kala dhex-galo maadaama isku-dhaca uu qeyb ka yahay nolol maalmeedka dadka ama lamaanaha.
Qof waliba waxuu jecelyahay nolol leh farxad joogta ah,haddana waxaa laga yabaa in aysan sidaas mar waliba suuragal aheyn.
In wax laga barto sida loo xalliyo ama loo qanciyo lamaanahaaga waa cilmi dheer oo u baahan daalacasho badan, si looga bad-baado kala tag deg deg ah intiiba suuragal ah.
Kibirka ama is-adkeysku waa mid ka mid ah wadooyinka loo maro guul darrada.
Ceeb iyo wax xun toona maahan in aad u jillicsanaato qofka aad xiriir wadaaga tihiin,waxaase sidookale muhiim ah iyo ixtiraamka uu ka yimaado labada dhinac.
Sida caadiga ah dadku waxay ku kala duwanyihiin aragtida iyo garashada,qof walibana waxaa uu xaq u leeyahay inuu cabirro dareenkiisa haddii aysan wax u dhimeynin Diinta iyo Dhaqanka.
Sidookale waa lagu kala duwanaan karaa aragtida, waana dabciga aadamaha oo dhan.
Aragtideyda, qodobadan waa qeyb ka mid ah sida loola hadlo lamaanahaaga,marka uu dareemo xanaaq ama xumaan,sidooakle muhiim maahan in aad is-adkeyso xitaa hadddii lagaa khaldanyahay, waayo xalka mararka qaar waxuu hoos galaa in aad adiga qaadato dambi aadan laheyn.
Waxaa laga yaabaa in Telfoonka laguugu damiyo, oo xitaa aan laguu ogolaanin wax hadal ah,fadlan haka daallin inaad fariin qoraaleed u dirto lamaanahaaga,si aad u muujiso in aad la dareemeyso xanuunka hayo,taas ayaa xal noqon karta.
Qodobaddan waa qaar ka mid ah qaabka loo maro raali gelinta lamaanaga,waa laga yabaa in aad adigane fikir kale heyso.
1-Qalbigeygu wuu dilaacay, dhiig ayaana ka socda, lagasoo bilaabo illaa xilligii aan waxyeelo kuu geystay oo aad weysay farxaddaada,fadlan duug godadka ka qodmay qalbigaaga, kuna dabool cafis naxariis leh.
2-Waxaa ii farxad ah inaad noqoto lamaanaheyga,wehelka nolosheyda,kamana daali doono inaan kugu dhaho Sorry ”raali noqo” oo i cafi, xiili kasta,Lamaane.
3-Waxaan dareemayaa inaan wax u dhimay aaminaadaada,waxaan sidookale musiibo geliyay oo murugo u sababay nafsadeyda,laakiin haddana waxaan xaqiiqsanahay in jaceylkaaga oo dhan uu ka buuxo qalbigeyga, waan ka xumahay tacadigeyga
4- Ogow xaq ayaad u leedahay inaad carooto,haddana ha hilmaamin in anigane aan farxad dareemi doonin ilaa aad iga aqbasho raali-gelinteyda,
5- Waxaan ku eedeynayaa nafteyda xanuunka aan u geystay noloshaada,waxaan haddana diyaar u ah inaan sameeyo wax kasta oo aan kugu raali gelin karo,aadna ku farxi karto,waxaan doonayaa inaan baabi’iyo farqiga inoo dhaxeeya oo dhan,
6- Waxaan kugu sababay xanuun,waan kaa oohin siiyay,waan ku dhaawacay,waan kaa xanaajiyay,dhacdadaan darteed waxaan eedeynayaa nafteyda,si weyn ayaan ugu murugeysanahay in aad farxad la,aan noqoto,waaan ogahay waxii aan sameeyay waa wax aad u xun,lakiin marnaba ujeedadeydu ma’aheyn inaan ku xumeeyo,waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa.
7- Waxaan doonayaa in waqtiga nolosheyda oo dhan aan adiga kula qaato,kumana fikiraayo inaan daqiiqad ku waayo.
8- Kama xishoonaayo inaan ku jeclahay,kamana weyni inaan ku raali geliyo,taas waa sababta aan u go’aansaday in aan nolol kula wadaago.
9- Waxaad tahay fallaarta ugu iftiinka badan nolosheyda oo dhan,xanaaqaaga waxuu iga dhigaa mugdi,fadlan waxaan sugayaa jawaabtaada,waxaan xaqiiqsanahay in aad i aaminsantahay.
10- Waxaad u dhadhameysaa sida malabka oo kale,waxaad u nuureysaa oo aad u dhalaaleysaa sida dayaxa oo kale,fadlan aqbal raali-gelinta,anigane waan qaadanayaa dhamaan khaladka aad tabaneyso.
11- Waxaad leedahay oo Alle kugu manneystay muuqaalka ugu wanaagsan ee uu noole yeesho,mana jirto cid lagula simo oo dunida joogto.
12- Ma aqaan waxii igu dhacay,waan ogahay sidaan sameeyay in ay aheyd wax laga xumaado,waxaan ahay naf ku jecel,diyaarna u ah noloshaada.
13- Fadlan xiriirkeena aan kusoo celino sidii hore,sidaas waxaa ku jirta danteena,waxaa ku jira hormarkeena,waana farxadda qof waliba oo naga mid ah.
14- Waan seexan waayay,mana awoodo inaan cunto cuno,waxaan dareemayaa dhibaato xoggan,waxaan aaminsanahay in dhibaatadaan oo kale ay daawo u tahay farxaddaada,Lamaane ii dhoola caddey iina sheeg in aad ii faraxsantahay.
15- Waxaan u soo dirayaa farrintan inaan ku qanciyo oo aan muujiyo sida aan ugu murugeysanahay dhibkaaga,waad qaadan kartaa ama ka tagi kartaa raali-gelintan,lakiin haddii aadan qaadanin waxaan kusoo diri doonaa farriimo kale oo badan illaa aan ka dareemo farxadaada.
16- Waxaad tahay qofka ugu macaan uguna quruxda badan,waxaan ogahay inaad sameyn doonto qaab kasta oo aad igu cafineyso,waan hubaa waad I cafin doontaa,miyeysan sidaas aheyn??
17- Waxaan dareemayaa inaan ahay qofka ugu xun dunida,si dhab ah ayaan xanuunsanayaa,waxaan kaa ballan qaadayaa in arrintan aysan dib u dhici doonin.
18- Waxaad tahay saaxiib qaali igu ah oo ay adagtahay in la,aantiis ay farxad dareento niyadeyda.
19- Haddii aan ka fogaan karo waxii dhacay waan sameyn lahaa,lakiin maadaama aan sidaas sameynin waxaan diyaar u ahay inaan bixiyo raali-gelinta buuxda.
20- Ma garaanayo waxaan dhaho,lakiin raali-gelinta ayaa ah dawada khalad la sameeyay,waxaan rajeynayaa inaad eegi doonto wanaaga ka dambeyn doona xanaaqa,waan ku jeclahay,cafintu waa dawada ugu wanaagsan ee uu leeyahay xiriirka saaxiibtinimo.
21- Waqtiga iyo da’duba way socdaan lakiin jaceylka aan kuu qabo wuu sii jiri doonaa haddane sii xoogeysan doonaa.
22-Waxaan jeclaan lahaa in maalintii oo dhan aan kugu qaado dusheyda,kuguna haayo gacamheyga,waxaan hubaa in aan marnaba dareemi doonin daal, qofkii ku helaa nasiib leh.


W/Qo: Maxamed Cisman Xabiib

WAX KA BARO KALA DUWANAANSHAHA JACAYLKA RAGGA IYO DUMARKA

       
     marka  hore waad salamantihiin dhamaan akhristyaasha ku xidhan boggan   dhiiriye magazine
     maanta  waxan ka hadli doona kala dawanaashaha kala duwanashaha jacaylka ragga iyo dumarka


  • ninku jacaylkiisa u horeeya wuu ilaawi karaa laakiin gabadha suurto gal maaha inay ilowdo
  • gabadhu waa cadaabta jacaylka balse ninku waa jacaylka cadaabta
  • gabadhu ninkay jeclaato waxay ku bilowda hadal balse lkn ninku gabadhu jeclaado eray kulama dhaco
  • markay gabadhu wax jeclaato waa sida gool hilib haysata lkn ninku waa sida guduudane adhi haysta
  • ninku jacaylka ma qarsan karo mudo ka badan 1 sano, laakiin gabadhu waxay awooda inay waligeed qarsato

W/Q: HAMZE SULEIMAN HASHI


                      BY: DHIIRIYE MAGAZINE

WAA MAXAY CUNTOOYINKA KOBCIYA CAQLIGA?


Cuntada uu qofku qaato ayaa saamayn weyn ku leh, koritaanka qofka, iyo caqligiisba. Cuntada uu ku badan yahay Karbonhaydrate ayaa qofka ka caawisa in si caadi ah oo firfircoon u qabtaan.
Cilmi baadhis ay sameeyeen khubaro kala duwan ayaa lagu cadeeyay in koritaanka maskaxda Aadamigu  ay wanaagsan tahay cuntooyinka ay ku jiraan madada Zink.
Waxa kale oo ay sheegeen , in sonkorta , hilibka digaaga, toonta, iyo caanuhuba ay maskaxda koritaankeeda ka qayb qaataan.
Maadada la yidhaahdo colin oo laga helo beedka iyo beerka ayaa muhiim u ah koritaanka caqliga banii’aadamka, kuwaasi oo ay ku badan yihiin Vitamn B,  C  E.

Dhamana cuntooyinka nafaqada leh oo dhami waxay kor u qaadaan caqliga oo u baahan in si gaar loo ilaaliyo madaama uu yahay kan xukuma jidhka intiisa kale.


                                                    BY: DHIIRIYE MAGAZINE

FAAIIDADA JIMICSIGA!

Daraasad ay dhowaan soo saareen khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa lagu sheegay in qofka oo jimicsadaa uu ka caafimaad bato qofka aan jimicsan,gaar ahaana dhanka maskaxda,iyaga oo intaasi ku daray inuu sidoo kalena ka da’ yaraado dadka kale ee aan jimicsan.
Khubaradan ayaa sheegay in uu qofka jimicsiga joogteeyaa ka badbaado xanuuno badan oo maskaxda ku dhaca,isaga oo sidoo kalena ka da’yaraada dadka aan jimicsan 10 sanno,kana xusuus wanaagsanaada.
Kooxdan daraasada samaysay oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Miami University ayaa sheegay in ay jirto xidhiidh ka dhexeeya caafimaadkiisa guud ee qofka iyo sidoo kalena caafimaadka maskaxda ee qofkaasi.
Waxaanay baadhitaankooda ku sidkeen baadhitaano daraasadeed oo hore loo soo sameeyey,kuwaas oo ay soo sameeyeen kooxo hore,waxaana tijaabada daraasadahan marka laysu geeyo ka qayb galay dad gaadhaaya ilaa 876 kooxood,kuwaas oo da’ahaan gaadhaayey ilaa 71 sanno jir.
Kooxahan ayaa markii tijaabadu dhamaatay eegaayey dhanka xusuusta iyo sidoo kalena dhanka maskaxda,iyaga oo sidoo kalena eegaayey caafimaadka guud ee dadkaasi,waxaanay sheegeen in ay dadkaasi ahaayeen kuwo caafimaad ahaan aad u sareeya,waxaana la mariyey tijaabooyin kala du duwan.

Tijaabooyinka socodka ayaa lagu sameeyey meelo beero ah,kuwaas oo marna la ordaayey marna la soconaayey,halka mararka qaarkoodna la guclaynaayey,waxaanay khubarada daraasdan waday sheegeen in ay ogaadeen in dadka aan jimicsani ka hor gaboobaan dadka jimicsada,sidoo kalena ka xanuuno badan yihiin.

UBADKAAGU WAY KU EEGANAYAAN!!

                           kusoo  dhawaada barnaamijka xasuus qor dhakhtar ilkood  

                                     DRS HIBAAQ C.RAXMAAN BUUBAAL

                                                kusoo dhawaada barnaamika  


                                                             dawasho wacan


                                                      riix halkan si aad u daawato

XAQ MAW LEEYIHIIN HABALAHA WAX BARTAY INAY SHAQAYSTAAN!!

Kal hore ayaan maalin adeeg u doontay xafiis Hargeisa ku yaala oo ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha tilifoonada. Markaan galay waxan arkey ilaa 20 shaqaale ah, oo u adeegaya ilaa 40 macmiil ah. 40 ka macmiisha ah ee meesha taagnaa waa rag iyo dumar isku jira. Balse, 20 ka shaqaalaha ah ee adeegayey, wada rag ayay ahaayeen. Waxan isweydiiyey, tolow maxey sidan wax uugu dhacdey? Waxa an gaar ahaan isweydiiyey, maxaa ganacsigan u ogolaadey in dumar yimaadaan oo ay macmiil noqdaan, balse u diidey, in dumarku muraayadda dhinaceeda kale ka maraan oo ay adeegayaal noqdaan.


Inan shaqaalaha ka mida ayaan adeeg weydiistey, waxaanu ii tilmaayey inan kale oo dabaqa sare ka shaqeynayey. Dabaqii sare ayaan fuuley, waxaanan ku arkay, tiro intii leeg oo rag iyo dumar leh, oo macmiil ah, iyo tiro intii ku dhow oo shaqaale ah oo wada rag ah. Laba maalmood oo kale ayaan isla shirkaddaa adeeg uuga baahdey oo an tegey xafiisyo ay ku leedahay meelo kale oo magaalada ah. Sawir kii hore mid la mid ah ayuunbaan meelahaana ku arkey. Rag uunbaa shirkadaa ka shaaqeynaya oo dumarba kuma jiraan shaqaalaha, inkastoo ay macmiishu dumar iyo ragba yihiin. Adeegii an uuga baahdey,  intii goor ee aan  booqdeyba, si wanaagsan ayaa la iigu qabtey. Shirkadani waxa ay ka mid tahay shirkadaha waaweyn ee dalka ka jira. Waxa kale oo ay ka mid tahay shirkadaha shaqo geliyey tiro aad u badan oo wiilasha wax bartay ah. Waa shirkad qeyb weyn ka qaadatey kobcinta dhaqaalaha dalka markii hore iyo iminkaba.

Isaga oo yaabkaasi igu taaganyahay, ayaan maalmo ka dib tegey shirkad kale oo ka mida kuwa dalka uugu weyn oo xawaalad ah. Sawirka meesha ka muuqdaa waa kii maalintii hore an arkey mid la mid ah. Xafiisyadeedu waxa ay u eekaayeen naadi rag ku kulmaan. Wax dumar ah kumaan arag shirkaadda xawaaladda ee an booqdey, maan sheegin haddaaney meel kale ku qarsooneyn qaar.

Shirkaddaha tilifoonada iyo xawaaladuhu dumarka waa la heshiis marka ay ganacsi noqoto. Waa macmeeshooda uugu weyn ee lacagtooda lagu shaqeeyo. Shirkaduhu iyagaa dumarka iyo raga u yeedha oo xayeysiiska meel kasta ka sheega si adeegooda loo isticmaalo. Dumarka la’aantood shaqadoodu ama wey istaagayaan, ama wax weyn ayaa ka dhacaya. Haddaa maxaa shirkadahan ka qaldan? Aragtideydani waa sanad ka hor waaney dhici kartaa in mudadii sanadkaa aheyd ee ka danbeysey wax is bedeleen. sawirka noocan ihi kuma eeka uun tusaalahan an soo qaatey, balse waa mid ku baahsan shirkadaha dalka ka dhisan ha noqoto mid qalab dhisme ka ganacsata ama ha noqoto mid raashi ka ganacsatee.

Saddexdii sanadood ee u danbeeyey waxa madaxweynuhu darajooyin siiyey saraakiil badan oo ciidanka ah oo dadku aad uugu farxay. Nasiib darro kumey jirin wax dumar ihi. Waa laga yaabaa markaad qoraalkeygan akhriyeyso inaan hadalkeygan u aragto inu yara degdegayo. Balse, degdeg maaha ee waa xaqiiq. Haddii dumarku askar noqdeen oo ay weliba askar wanaagsan noqdeen oo aan muran ka joogin, miyaaney noqon karin saraakiil. Takale, ciidanku dagaal uun kama shaqeeyo ee waxa jira qeybo badan oo ciidanka ah oo maamul iyo hawlo kale lagu shaqeeyo. Miyaaney dumarku noqon karin saraakiil ka shaqeysa waaxda socdaalka (immigration), ama nabadsugidda. Maxaa marka ay shaqo hoose hayaan sida askarinimo caadi ka dhigey, marka madaxtinimo laga hadlayana la yaabka ka dhigey.

Intan ogahay, ma jirto gabadh agaasime guud ah. Waxa ad moodaa iney distoorka ku taalo inu nin uun agaasime guud noqdo oo aaney gabadhi malaha noqon karin. Bal horta inta aan la faaleyn, waxa ka horeysa, ma lagu eegey. Imisa shaqo oo madaxtinimo ayaa dumarka lagu eegey oo ay ka soo bixi waayeen? Waa midna! Balse iyaga oon cidiba ku eegin ayaa marka talo halkaa soo gaadho faalo la wada gelayaa. Faaladana dumarka ay khuseysaa kuma jiraan, ee rag ayaa sii faaleynaya oo ka sii talinaya waxa ay dumarku qaldi doonaan. 

Hey’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawl galaa qeyb weyn ayay ka qaateen horumarinta iyo shaqo gelinta hablaha. Muran kama jiro iney aad kor uuga qaadeen xagga shaqo gelinta waayo sharcigooda ayaa ah iney shaqaaluhu kala badh ay dumar noqdaan. Xiligii shaqooyinka kale ee dalka ay raggu isku koobeen, hey’aduhu waxa ay ahayaan isha keli ah ee u furan hablaha, inkastoo ay mararka qaarkood iyaga laftooda wareerkooda lahaayeen oo waxa marar badan sawir qaldani ka soo bixi jirey barnaamijyada dhiirigelinta dumarka ee ay wadaan, oo dadka qaar u fasiri jireen ajende shisheeye oo malaha dhaqanka lagu bedelayo. Hey’adaha qaar ayaan iyaga oon iska soo shaandheyn oon ku soo fadhiisin dhaqanka la iman jirey mashaariic dumarka wax loogu qabanayo, taaso marar keeni jirtey hadalo ka dhan ah mashaariicda hey’adaha iyo hablaha guud ahaanba. Hey’adaha ka soo jeeda dalalka Carabto ama kuwa wadaniga ah ee dhaqaalaha ka hela Carabta, iyagu shaqo siinta habluhu kama muuqato. Shaqooyinkooda waxa ay ku koobaan uun, dad soocan oo ah rag ay xusheen, balse qofka caadiga ah ee suuqa jooga si dhibyar shaqo uugama helo.

Maalin dhaweyd ayaan ka qeyb galay Bandhigga Buugaagta oo ka jirey Hotel Guled. Waxan fadhiistey kursi safka hore ah. Nasiib wanaag waxa soo gashay Marwada koowaad, marwo Amina Weris iyo marwo Raaqiya Xaaji Ducaale oo ah gabadh taariikhda ku suntan oo ahaan jirtey Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaliya xiligii dawladdii hore.

Labada marwo waxa ay ka warameen halgankii ay habluhu u soo mareen iney iskuulo galaan oo ay wax bartaan. Waxa kale oo ay labada marwo ka warameen sida ay uuga go’antahay iney taageeraan tacliinta hablaha iyo shaqadaba. Wejiga marwada koowaad waxa iiga muuqdey xamaasad badan iyo iney arinkaa daacad ka tahay, oo ay hablaha la jeceshahay iney guuleystaan iyo iney inta itaalkooda ah u halgami donaan in hablaha dalkani guuleystaan oo aaney marin dhibaatadii ay iyagu ka soo mareen tacliinta 50 sanadood ka hor. Intii hadalka labada marwo socday, sacab badan ayaa u dhacayey oo ay tumayeen dad u riyaaqsan hadaladaa meesha laga sheegey. Waxan isweydiiyey, tolow hey’adaha dawladda sida wasaaradaha iyo shirkadaha gaarka ah ma la qabaan hadalkaa marwooyinku ku hadleen.

Dhibaatadan dumarka iyo shaqooyinka sharafta leh kala heysataa ma wax inagu cusub baa, mise hore ayay u soo jirtey? Berigii hore, dadka badankiisu miyiga ayay ku noolaayeen, dhaqaaluhuna uu iska liitey. Markaa dadka iskuulada galaa wey yaraayeen. Xiligii horena waxa inta badan wax lagu soo baran jirey islkuulada hoyga ah (boarding schools) si markaa caruurtu u hesho meel ay seexato iyo wax ay cunaan. Ha iska tiro yaraadeene, hadana hablaha ay u suuro gasho iney wax bartaan, mujtamucu uu soo dhaweyn jirey oo si dhakhso ah ayay uuga muuqan jireen goobaha tacliinta, maamulka iyo hoggaaminkaba. Inan wax baratey oo wax hoggaamineysa cuqdad lagama qabin. Raggii xiligii hore, hablaha waxbartey wey u ogalayeen sadkooda, xilna waa loo dhiibi jirey.  Hablihii u horeeyey ee iskuulada galay ee wax bartey haddaad dib u raacdo, kuligood waxa ay wada noqdeen dad nolosha iyo shaqadaba ku najaxay.


Bal eeg Adna Adan iyo halka ay maanta joogto iyo halka ay ka gaadhey Soomaliya iyo hey’adaha caalimaga ah ba. Bal Raaqiya Xaaji Ducaale eeg. Bal Marwo Amina Weris eeg. Bal Amina Basbaas (AHUN) taariikhdeeda dib u raac, Deeqa Colujoog wax qabadkeedii aqooneed wax maka ogtahay, Professor Aamina Xaaji Yaaxeen warkeeda doon. Luul Adam (AHUN), Hablaha Ilma Meykal Mariano. Raaqiya Omaar caalamka ayay wax la qeybsatey. Hablihii danbe ee ay ka mid tahay Sacdiya Muse waa tusaale aqoonta ehel u ah. Hablahaa an sheegey iyo asxaabtoodii kale ee badneydba waxa ay ahaayeen muunad mujtamucu eegto. Mid kasta goonideed ayaa guulaheeda buugaag looga qori karaa.  Mid kasta oo heshey fursad shaqo xagga kale ayay uuga baxdey. 

Manta ayaynu ka aqoon badanahay xiliyadii hore oo ay inoo soo baxeen kumanaan gabdho ah oo wax bartey. Haddaa maxaa dib inoo wada ee aynu hablaha u siin weyney fursado shaqo oo sharaf leh. Waa su’aal u baahan in jawaabteeda si cilmiyeysan loo baadho. Jawaabta u weyn se, iyada waa la garanayaa. Marka ay dheefta meel taala yartahay, waxa loo kala hor boobaa sida loo kala xoogweynyahay. Kaasi waa sharciga xayawaanka u dhigan oo aynu inaba ka midka nahay. Neef xoolo ah haddii habar dugaag dilaan, libaaxa ayaa qeybta u weyn cuna, markaasaa xayawaanka kalena wixii uu ka  tegey midba wax ka boobaa, ugu danbeyntana shinbiraha ayaa feenfeenta lafaha. Markii dalka la soo galay shaqooyinka dalka yaaley aad ayay u yaraayeen waxaana qaatey rag. Shirkadaha dalka ka dhismeyna waxa ay intooda badani shaqaaleyn jireen, dhalinyaro rag ah oo ahlu diin ah oo ay hantidooda ku aaminaan. Maadama shaqooyinkii dawladda iyo kuwii ganacsiga ay rag miidhani qaateen, dumarku waxa ay u beydheen meelo kale oo aanu raggu xilligaa ku soo donaneyn ama raggu ay ka khashaafayeen.

Arintii sidaa aheyd ee ay sababta u aheyd shaqo yaridii berigaa dalka ka jirtay, waxa ay iminka u eegtahay iney noqotey distoor iyo sharci ay dad badani si muuqata ugu daadifeeyaan xuquuqda hablaha. Shaqooyinka dalkii yaalla oo yar iyo dadkii shaqodoonka ahaa oo tiro batay awgeed ayaa keeney in wax lakala riixdo. Taasi waa wax la garan karo haddii habalaha loo garaabo. Balse kala riixashadii sida aheyd ayaa waxa ad maqleysaa dadka qaar dhibaatadan qiil u sameynaya. Qaar waxa ay u dhigaan, sidiiyoo shaqada hablaha iyo dhaqankeenu is diidanyihiin. Qaarkood meel kale ayay u riixaan oo diinta ama wax diinta u eeg ayay ku sheegaan. Qaar waxa ay ku doodayaan in shaqooyinka maanta jiraa aaney dumar ku habooneyn oo wareer iyo is xagxagasho badani ay ka jirto goobaha shaqada. Inta buugaagtii beri hore meel la iska dhigey ee boodhku fuulay oo dhan la soo qaadey, oo boodhka laga tumey ayaa waxa laga dhex raadinayaa qiil kasta oo ku qornaa oo dumarka lagu riixi karo.

Qolyaha dooda ka dhigta dhaqanka Soomalida iyo iney habluhu guryaha ku eekadaan, ayaan marar ka fikiraa iney kelmadan dhaqanka maqleen uun, balse aaney arag meel dhaqan yaalo. Waxa fiicneyd in la yidhaa orda oo banka tuuyo ama Qadowga iyo Alla Ibadey taga, ama Ceelka Ceynabo asbuuc soo jooga, oo soo eega hawsha ay habluha iyo dumarku hayaan. Dumar guri fadhiya oo caruur uun koriyaa dhaqankeena weligeed hore uumey jirin iminkana ma jiraan. Gabadh kastaa iyada oo caruurta korisa oo ilmeheedii xanbaarsan, ayay waaberiga illaa cishaa’iga shaqeyneysaa. Waxa ay ka shaqeyneysaana maaha guriga ee xoolaha ayay ka shaqeyneysaa oo xaabadda ayay doonaan, beeraha ayay ka shaqeeyaan, oo dhaanka ayay wadaan, gurigey dhisaan. Afkuun baa dadka qaarkii ka qabsadee, ma jiro qof arkey dumar guryaha fadhiya oo inta halkaa lagu masruufo loogu soo rawaxo.

Dadka ku dooda dumarku guryaha ha fadhiyaan, waxay u muuqdaan inaaney la socon halka dalku marayo. Sanadihii 1991 illa 2001, waddankeena 90% bariiska guryaha lagu cuno dumar ayaa soo shaqeyn jirey waayo raggu shaqo mey heyn. Iminkadan la joogo, waxan odhan kara kala badh waxa reeraha loo kariyo dumar ayaa soo shaqeeya, ama ha noqdeen qaar dalka ka shaqeeya ama ha noqdeen kuwa barafka yurub ka soo shaqeeya ee reerohooda biilka u soo dira.

Tiro  rubuc malyuun caruur ah ku dhow oo badhkood hablo yihiin ayaa iskuulada iyo jaamacadaha dhigta. U maleyn mayo inuu jiro aabo iyo hooyo maanta ku tabcaya wiil ama gabadh ay dhaleen oo iskuul iyo jaamacad kula dedaalaya oo ay niyadda kaga jirto marka ay inantaadu dhameysato tacliinta, gurigeeda ha fadhido. Kuwan sidan u doodaya ayaa naftooda hoos kala shawraya oon hubaa inaan in badani ku talo gelin iney hablohoodu guryaha u dhex fadhiyaan.

Aragtida ah in dumarku jilicsanyihiin oo looga naxayo shaqada ama aaney ragga is barbar dhigi karin xagga shaqada, waa dood aad u weyd ah. Isbitaalka Adna wuxu ku jiraa meelaha uugu maamulka wanaagsan dalka. Yaa maamula? Edna waxa ay maamushaa rag iyo dumar nooc kasta leh oo qaarkood wasiiro ahaayeen, qaarkood dhakhtaro yihiin oo intuba rumeysan iney tahay hoggamiye wanaagsan. Waa ayo ninka ragga ah ee maamuli karaa 3 nin oo jaadle ah? Bal ina Gaafane eeg! waxa ay maamushaa waxa nin jaadle ah ee daadsan min Dirdhaba illaa Jigjiga iyo Hargeisa, ilaa Burco ilaa Badhan iyo Hadaaftimo, oo hadana ay shaqadeedu intaa u socotaa. Marwo sahra Halgan miyaaney gabdh aheyn oo iyada oo shakhsigeeda taagan oon cid kaashan mujaahidad noqon oo aaney siyaasad gelin oo aaney iminkana ganacsi laheyn. xil miyaaney qaban karin ooney dad hoggaamin karin!

Diinteena iyo shareecadu waa waxa ina haga, waana muqadas mana gasho muran iyo inu qofba sida ay la tahay u fasirto. Balse waxa waajib ah, inaan loo adeegsan hab tafaariiq ah oo dan gaar ah lagu fushado. Ganacsiga ama wasaaradda dumarka u yeedhey, oo xafiiskoodii uugu yeedhey, oo miiska u dhigtey, oo dumarka saf soo geliyey, oo si farxad leh nin inta uu dumarka u soo hor fadhiisto lacagta kaga qaadayo, oo uu rasiidhka u goynayo oo uu isaga oo faraxsan nabadgelyo ku leeyahay, maxaa xaaraan ama sharci daro ka dhigaya iney inantu miiska dhiniciisa kale soo fadhiisato, oo ay iyadu lacag qabato, oo ay ninka iyo gabadhaba rasiidhka u jarto. Markey bishu dhamaatana mushahar xalaal ah ka qaadato oo ay kaga farxiso dhowrkeeda caruurta ah ee iskuulada u dhigta. Maxaa in dumarka lacagta laga qaado sharci ka dhigey ee iney iyadu lacagta qaadana sharci daro ka dhigey.

Dumarka cawska ku iibinaya seyladda ee digada adhiga dhex fadhiya arki meysid cid diidan ama dood ka qabta shaqadooda. Caana diiqda caanaha kala soo lugeysa miyiga ee magaalada keenta weligeedna cidi dood kamey keenin. Islaanta dhididsan ee beerka ku dubeysa istaanka basaska cidi kama doodo shaqadeeda la iskumana diidana. Dumarka gooladda jigjiga yar jaadka ku iibinaya ee qiiqa basaska iyo iskurogooyinku ku dhacayaan maalin oo dhan cidi kama hadasho doodna lagama galo. Balse, mar allaale iyo marka gabadh waxa baratey oo iyada oo qurux badan oo asturan ay madaxa la soo kacdo oo ay damacdo iney shaqo sharaf leh qabato ama lala damco, ayaa dadka qaarkii hadal ka Keenan ama faaleeyaan.

Diblomaasi Sucuudi ah oo an kal hore wada casheyney ayaa iigaa sheekeeyey sida dalkiisu uugu hawlanyahay sameynta isbedel bulsho iyo dhaqaale si ay uuga nabadgalaan kacdoonka ka socda bariga dhexe. Waxa uu si gaar ah u xusey iney ku hawlan yihiin in sharciyada dabraya xoriyadda dumarka ay fududeynayaan. Waxa ay iminka ogolaadeen in dumarku shaqeeyaan, waxaaney ku guda jiraan iney sharciyo badan bedelaan oo ay ka mid tahay iney dumarku si xor ah u dhoofi karaan iyo iney baabuurta Wadi karaan. Kaftankii ayaa waxa an ku idhi, 100 sanadood ayaad dalka ku heyseen qeynuun dumarka ku adag oo doodiinu aheyd inu shareecada waafaqsanyahay. Hadaba ma markii hore ayaa waxan ad ku dhaqmeyseen aanu shareeco aheyn, mise shareecadii ayaad iminka ka guureysaan. Uu qosley. Qosolkiisiina waxa an u fasirtey inu u jeedo, tey doonto ha noqotee, xaqiiqda jirtaa ah inaanu Sucuudiga dumarka sidii hore uula macaamili karin. Hoggankii Sucuudiga waxa ay maanta u taagantahay “wax bedel intaan adiga lagu bedelin” 


Waxa dhici karta inad rumeysantahay in dadka wax bartey ee aqoonta lihi ay u furfuranyihiin shaqo siinta hablaha wax bartey, oo kuwa aan aqoonta laheyn ee dhaqanka ku adagi ka soo horjeedaan. Haddad ainga oo kale aheyd oo ad sida rumeysneyd, aad ayaad u qaldantahay. Bal maalin ka lugee baatroolka Cajab oo suuqa sii dhex mar illaa ad ka gaadho dawladda hoose. Waxa ad arkeysaa kumanaan rag iyo dumar ah oo is dhex socda, qaar is dhex fadhiyaan oo ganacsanaya. Qaar jaad ayay iibinayaan, qaar khudrad, qaar sariflayaal, qaar hoodheydh ayay iibinayaa, qaar kutub iyo tusbaxyo ayay iibinayaa, qaar dalaayad yar ayay shaah ku hoos iibinayaan. Cidi isma eegeyso ee nin iyo gabadh kastaa waxa ay meesha u fadhidaa iney 50,000 oo LAAN aha meesha ka hesho si masaariifta beri looga dhigto. Ragga iyo dumarka sariflayaasha ah ee dhinac fadhiya dukaanka Daarasalaam haddii ad sheekadan an ka hadlayo ee shaqo siinta hablaha wax ka weydiiso, kuma fahmayaan. Ma nin ama gabadh bacadkaa fadhida ayaa fahmi karta habluhu miyey shaqeeyaan mise guriga ayay joogaan. Adigaagan weydiinaya ayay nin waalan kuu qaadan. Noloshoodaba raga iyo dumar bacadkaa ayey uugu soo gashay uuguna dhamaaneysaa.

Sheekooyinkan dumarka in la riixa waxa ay ka dhex socotaa dad kooban oo intooda badan yihiin dad waxbartay, u badan dad da’da dhexe ah iyo dhalinyaro badankoodu ay soo korisey hooyo aan guri lagu soo dhex masruufin ee u soo dhididey. Waa dadkii ay aheyd iney la qiiroodaan duruuftii hooyadood ku soo korisey oo ay hablaha la qiiroodaan oo ay u heeliyaan. Waa kuwa rumeysan in inanta wax baratey ama shaqeysaa ay dhaqanka iyo diinta ka fogaaneyso balse gabadha jaadleyda ah caadiga u heysta. Shaqada dhibka badan iyo ta duliga ah, dumarka wey la ogolyihiin. Marka ay timaaddo fursad dumarku hore uugu marayaanna, sharci kale ayay la soo baxaan. Dumarka mujtamaca waa ka badh, xaqna waxa ay u leeyihiin in dheeftana ay badhkooda helaan maadaama tacabka iyo dhibtaba ay ka badhyihiin.


Dhowr talo ayaan soo jeedin lahaa oo kala ah:
1. Dawladda manta dalka ka jirtaa waxa ay dhiirigelisay kor u qaadista tacliinta. Waxa dalka meel kasta laga furmey dugsiyo iyo jaamacado iyo machadyo wax lagu barto. Balse si ayaad u moodaa in marka ay timaado shaqo siinta dhalinyarada, gaar ahaan hablaha ay gaabis uuga tahay. Bilowgii wax wanaagsan ayaa laga arkey. Waana muhiim in dawladdu dedaalka kordhiso oo ay hablaha xilal muuqda oo sharaf leh u dhiibto. Hablo sharciga bartey ayaa jira oo garyaqaano sare noqon kara. Haddii laga tegi waayo waxa ay si fiican u noqon karaan  karaan guddoomiyayaasha maxkamadaha arimaha qoyska oo ay iyagu ragga uuga faro dhuudhuubanyihiin. Qaar ayaa ah aqoonyahano dhakhtaro ah, ingineeraa jira, qaar xisaabaadka ku takhasusey oo agaasimaal guud noqon kara ayaa jira.  Madaxtooyada lafteeda xilal ayay ka qaban karaan, oo la taliyayaasha madaxweynaha ee xagga qoyska iyo xagga caruurta ayay noqon karaan. Marka muddo la sii joogana, siyaasadda iyo hoggaminta ayay si mug leh uuga qeyb qaadan karaan.

2. Waxa darajo la siiyey saraakiil aad u badano oo cidanka ka tirsan, balse nasiib darro, dumar kumey jirin, waana fariin si qaldan u bixi karta oo hablaha uuga dhigi karta inaan gabadhi sarkaal ciidan noqon karin. Kuma doodayo maxaa saraakiisha kala badh looga dhigi waayey dumar. Taasi waa heer aan weli waayuhu ina gaadhsiin. Balse waxaas oo saraakiil ah miyaa la waayey hal gabadh korneyl noqota? Xabsiyada dalkeenu waxa ay leeyihiin qeybo dumar lagu xidho. Miyaan halkaaba loo magacaabi karin Taliyaha Hogganka Dumarka ee Xabsiyada Soomaaliland, illeyn dumarku iminkaba wey ka shaqeeyaan xabsiyada e.

4. Waa muhiim in shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo ganacsataduba ay shaqo geliyaan habalaha wax bartey. Taasi waxa ay kor u qaadeysaa horumarka dalka, dhaqaalaha wey kordhineysa, wada noolaashaha bulshadana kor ayay u qaadeysa. Marka uu dumarka dakhligoodu kordho, waxa korodha nafaqada caruurta, caruurta dugsiyada dhiganeysa ayaa badaneysa, waayo dumarka waxa soo galaa caruurta ayuu toos u galaa. Ka sakow waxtarka shaqo, waxa ay shirkadaha ka bixineysaa sawir waanagsan oo ka xijaabaya xumaan ka sheega iyo si qaldan wax u fasirka.

5. Shrikadaha isgaadhsiinta iyo shirkadaha xawaaladaha waajib gaar ah ayaa saaran. Waxa ay si toos ah uugu xidhanyihiin bulshada, waana halka uugu badan ee la macaamisha hablaha iyo dumarka guud ahaanba. Iyaga waa ku qasab iney dib u eegaan siyaasadooda shaqo qorista. Haddii laga tegi waayo, waa muhiim iney marka hore sameeyaan adeegyo dumarka u gaar ah oo meesha 10 daaqadood ku yaalan ugu yaraan ay 4 u qoondeeyaan dumarka.

6. Gabdhuha eedda waxbey ku leeyihiin. Kuwoodii fursadda heley ama madax dawladeed noqdey, iyaga uunbaa isku filnaadey. Waa muhiim in intooda fursadda heshey is abaabulaan oo ay nooleeyaan rajada habalaha. Waa iney sameeyaan gudiyo la xisaabtama dawladda iyo ganacsatada oo ku qanciya shaqo siinta hablaha. Hablaha wasiirada ah waajib ayaa ka saaran in wasaaradaha ay mas’uulka ka yihiin xilal muuqda u dhiibaan dumar karti leh. Waa in hablaha hormoodka ihi ay la kulmaan wasaaradaha iyo hey'adaha oo ay qiimeeyaan sida ay dumarka u shaqo geliyaan, soona bandhigaan ajende ku saabsaan arintaa. 

7. Wasaaradda Shaqadu firfircooni cusub ayaa ka muuqata. Waa muhiim inaan shaqadoodu ku eekaan dawladda un, ee ay xoogga saaraan hey’adaha iyo shirkada gaarka ah oo ah halka uugu ballaadhan ee shaqooyinka bixiya. Waa iney xidhiidh wada shaqeyn la yeeshaan wasaaradda ganacsiga oo liisamada ganacsiga lagu daro qodobo sharci ah oo ganacsadaha ku qasbaya inu dadka aqoonta leh dhiirigeliyo, wiilal iyo gabdhaba. Ganacsigii laga dareemo inu arintaa ku xad gudbayo, waa inaan loo cusbooneysiin Liisanka illa inta uu ka soo saxayo qaladka.


8. Dawladda iyo warbaahintu waa iney sameeyaan barnaamijyo la taaban karo oo lagu dhiirigelinayo wada noolashaha iyo wada shaqeynta rag iyo dumarba, si meesha ay uuga baxdo fikirada lidiga ku ah horumarinta habalaha wax baratey. Iyana waa muhiim in la hirgeliyo oo dadka la baro sharciga iyo nidaamka dawladnimo ee dalka u yaal, si looga baxo in laga doodo ama ra’yiyo kala duwan looga heysto sida dawladnimadu u shaqeyso. Waa muhiim in dadka laga dhaadhiciyo in si kasta oo ad fikir u heysato ama ad mabda' u rumeysantahay, inu ka sareeyo sharciga iyo distoorka iyo xeerarka shaqaalaha ee dalka u yaala, kaasoo ah ka keliya ee la raacayo.

                               BY:DHIIRIYE MAGAZINE

QISO JACAYLA OO DHABA!

Qisadaani waa qiso jaceyl ah oo ay ku dhacdey gabadh soomaaliyeed inakstoo ay magaceeda naga codsatey in aan la sheegin ayadoo inoogu soo dirtey email ahaan haddaba ayadoo ka hadleysa waxey ku bilaawdey sida tan waa adinka iyo sheekada ka bogasho wacan..
Asc salan kadib waxan ahay gabar somaliyed magaca nadar waxan kudhashay wadanka somali gar ahaan muqdisho sanadka marku ahaa 1986 waxan wax basasha kuso qatay dugsiga hoyga xamar waxaan is baranay wiil lagu magacabo c/ shakuur sheekh maxamed waxaan u qaday jacayl baxaadle asne sido kale habeen habenada kamid ah ayan waxan kuriyoday c/ shakuur oo mel aad uqurux badan joogo canug yarna haysta ana an leyahay keen aan qabtee riyo ahaanta aniga madhalin canugta subaxdi ayan ushegay riyadi c/ shakuur aad ayuu uqosoley waxaan sidaas ahaano c/ shakur ayaan habeen habenada kamid ah wacay
mobeyl kiisa waana marki igu horeysay on waqtigaas okale waco waxaa iga qabtay naag waxan kuiri igu dhiib qofka lahaa tellka waxay iweydisay waxan karabo iyo qofka aan ahay waxan ku iri waxan ahay walaashis wax dhib ahna majiran e igu dhiib waxan ogaday iney wax jiran wan kudamiyey tellka markaan ku damiyey tellka ayey iga soo daba gashey oo isoo wacdey ayadoo igeysatay aflagado waxan ku iri adigaaba nasiible oo c/shakur agtada jiifa e inaad labada dhaban kashumiso ee iseexo niyadane qeyr usheeg
intii aan wada soconay c/ shakur ima usan shegin inuu xaas leyahay xataa wan weydiyey wuxuuna igu yiri malihi xaas almuhim c/ shakuur imasoo wicin malinta iyo malinta xigtayba waan ka ahaan wayey malintii sadexad waan wacay gacaliyaheygii iqayaanay waxaa dhacday inaan aniga raali geliyo sababtoo ah aad ayaan u jeclaa
c/shakur wuxuu iishegay malintas inu xaas leyahay iyo hal canug owna iishegay cunugta yarna ay tahay midi an kuriyoday dhalashadeedii
markaan arkey xaalada meesha ay mareyso oo jaceylna igu jabey qalbigeygana uu usocda dhanka c/shakuur wadnaheygii ayaa ka ahaan waayey waxaan noqdey qof maqane jooge ah waan ka ahaan waayey jaceylkeygii uu isiiyey waxeyna danta igu kaliftey inaan qalbigeyga dhiso jaceylkii uu siiyeyna aan sii wato

waxaan meshi kawadanay jacaylki waxan dhexgalnay marxalad aad u macan waxan kuheshinay guur
haben habenada kamid ah ayaa waxa ii yimid c/ shakur iyo laba wiil o saxibadiisa ah aad ayan u soo dhaweyay waxan fadhiisiyey qolkii martida c/ shakurne qolkisi qaaska ahaa waxa iga go ay adeegi martida inkasto suuqa inaga fogaa waxan donay adeegi anigo aanan ushegin c shakur inan bananka aday marki an kuso labtay gurigi ayan waxan arkay martidi o kaso baxeyso ilinkii guriga aad ayan u naxay waxan kuiri maxa dhacay waxayna dhehen waxba walaal waxan so abaray qolki c shakuur waxan arkay c shakur o asne tagan qolki iridisa waxan ku iri marka hore fadhiiso waxan arkay inuu careysan yahay waxan ushegay halka an aday waxan kacod saday inuu martida so celiyo iga raali ahado hadi ow qalad iga fahamay c/ shakur waxu hadal igu yiri wan baxa asago careysan aad ayan ubaryay waxan ushega jacaylka an uqabo iyo inaan dana kale ubixin ilaa tan martida maahane almuhim c shakuur meshi ayuu iga tagay anigo ilmeynayo meshi ayan kumiir dabolmay muda kadib ayan soo baraarugay waxan wacay c shakuur nasiib daro igama qaban telki subixi ayan wacay waxana ila soo dirsay murugo aad uweyn iyo anigo anan waxba sameyn inuu mel cidla ah iga tago gacaliyahaygi owna ogyahay jacaylka aan uqabo iyo herka an kajogo mudadi gurkane lajogo inu waxan micno lahayn igaga tago almuhiim subaxdi ayan wacay waxan kacod saday inuu ishego wixii sababay kalatagii xalay ee murugta lahaa wuxuu igu yiri anaa kuso wacaayo
markale ayaan wacay anigo wax natiija ahna kahelin waxaa dhacaday inuusan iso wicin hadaan wacane wuxuu ileeyahay anaa kuso wacayo oo been ah waxaan galey xaalad aad u xun waxaan ku aruuray sariir
mudo dhowr bilood kadib ayaa maalin maal maha kamid ah ayuu isoo wacay c/shakur salan kadib wuxuu isheegay inuu xaskii furay aad ayaan uga naxay arintaas canaan kadib c/shakuur horay wuu umaqlay inaan ad u xanusaday una qalbigeyga dhib u geystay asaago tii iga raali galinaayana ayaan go.aan ku gaarney inaan halkii kawadano jacaylki
aniga aad ayaan ujeclaa asigane waa qawda maqashi waxna ha uqaban mararka qaar wuxui ileeyahay hadalo niyad jab ah iyo adiga wad gabantahay hadii an kahadlo xageyga magabni waxaan ahay dhex dhexad lakiin asaga dhirirkisa ayaa saa,id ah ana waxay igu noqotoy cuqdad waxan arkaa mararka qaar dad igu dhahaayo adaa iga dheere iso qabo waxaas waan layaba waxaan isku qaatay inaan adunka ugaa banahay xataa hadan arko dad an kadherahay ma aaminayo almuhiim waxaan galay nolol tii uxumeyd waxaa arinti maqlay hooyadey oo joogta wadanka sacudiga waxayna ii dalabtay fiiso waxaan imid wadanka sacudiga markan imid wadankan xaladeydi way kadartay markan maalmo joogay ayan wacay
c/shakuur anigo ka go,ay wax kasta oo qof kunoolaado anigoo hadalkisa kadhiganayo dawo alaa daawo hayee
waxaan ilaah kacod saday inuu qalbigeyga katiro c/shakuur waxan badiya salaatu-leylka iyo ducoyinka wuuna iga aqbalay ilaahey subxaanahu watacaala
waxan go,aan kugaray inaan jacayl iska daayo anigoo og inuu raga isku mid aheyn
balse ana go,aan gaaray
waxaan kula talinayaa dhamaan dhalinta soomaliyeed iney marka hore bartaan qof ay naftu rabto wiil iyo gabadhba waayo qalbigu waa qaali marka hore qofka dabeecadihiisa waa inaad barataa adigoo ka baaran dagaayo mustaqbalkaaga
waxaana halkaan ku eg qisadii jaceylka aheyd
DHAMBAAL: Raali Galin Qof Aad Jeceshahay

Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaantiimba saaxiibayaal, kuna soo dhawaada qormo gaar ah oo aan todobaadkaan diiradda ku saarayo  dhambaal raali galin qof aad jeceshahay, ama qofka uu idiinka dhaxeeyo xiriirka saaxiibtinimo,marka uu khilaaf idiin soo kala dhex-galo maadaama isku-dhaca uu qeyb ka yahay nolol maalmeedka dadka ama lamaanaha.
Qof waliba waxuu jecelyahay nolol leh farxad  joogta ah,haddana waxaa laga yabaa in aysan sidaas mar waliba suuragal aheyn.

In wax laga barto sida loo xalliyo ama loo qanciyo lamaanahaaga waa cilmi dheer oo u baahan daalacasho badan, si looga bad-baado kala tag deg deg ah intiiba suuragal ah.
Kibirka ama is-adkeysku waa mid ka mid ah wadooyinka loo maro guul darrada.
Ceeb iyo wax xun toona maahan in aad u jillicsanaato qofka aad xiriir wadaaga tihiin,waxaase sidookale muhiim ah iyo ixtiraamka uu ka yimaado labada dhinac.
Sida caadiga ah dadku waxay ku kala duwanyihiin aragtida iyo garashada,qof walibana waxaa uu xaq u leeyahay inuu cabirro dareenkiisa haddii aysan wax u dhimeynin Diinta iyo Dhaqanka.
Sidookale waa lagu kala duwanaan karaa aragtida, waana dabciga aadamaha oo dhan.
Aragtideyda, qodobadan waa qeyb ka mid ah sida loola hadlo lamaanahaaga,marka uu dareemo xanaaq ama xumaan,sidooakle muhiim maahan in aad is-adkeyso xitaa hadddii lagaa khaldanyahay, waayo xalka mararka qaar waxuu hoos galaa in aad adiga qaadato dambi aadan laheyn.
Waxaa laga yaabaa in Telfoonka laguugu damiyo, oo xitaa aan laguu ogolaanin wax hadal ah,fadlan haka daallin inaad fariin qoraaleed u dirto lamaanahaaga,si aad u muujiso in aad la dareemeyso xanuunka hayo,taas ayaa xal noqon karta.
Qodobaddan waa qaar ka mid ah qaabka loo maro raali gelinta lamaanaga,waa laga yabaa in aad adigane fikir kale heyso.
1-Qalbigeygu wuu dilaacay, dhiig ayaana ka socda, lagasoo bilaabo illaa xilligii aan waxyeelo kuu geystay oo aad weysay farxaddaada,fadlan duug godadka ka qodmay qalbigaaga, kuna dabool cafis naxariis leh.
2-Waxaa ii farxad ah inaad noqoto lamaanaheyga,wehelka nolosheyda,kamana daali doono inaan kugu dhaho Sorry ”raali noqo” oo i cafi, xiili kasta,Lamaane.
3-Waxaan dareemayaa inaan wax u dhimay aaminaadaada,waxaan sidookale musiibo geliyay oo murugo u sababay nafsadeyda,laakiin haddana waxaan xaqiiqsanahay in jaceylkaaga oo dhan uu ka buuxo qalbigeyga, waan ka xumahay tacadigeyga
4- Ogow xaq ayaad u leedahay inaad carooto,haddana ha hilmaamin in anigane aan farxad dareemi doonin ilaa aad iga aqbasho raali-gelinteyda,
5- Waxaan ku eedeynayaa nafteyda xanuunka aan u geystay noloshaada,waxaan haddana diyaar u ah inaan sameeyo wax kasta oo aan kugu raali gelin karo,aadna ku farxi karto,waxaan doonayaa inaan baabi’iyo farqiga inoo dhaxeeya oo dhan,
6- Waxaan kugu sababay xanuun,waan kaa oohin siiyay,waan ku dhaawacay,waan kaa xanaajiyay,dhacdadaan darteed waxaan eedeynayaa nafteyda,si weyn ayaan ugu murugeysanahay in aad farxad la,aan noqoto,waaan ogahay waxii aan sameeyay waa wax aad u xun,lakiin marnaba ujeedadeydu ma’aheyn inaan ku xumeeyo,waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa.
7- Waxaan doonayaa in waqtiga nolosheyda oo dhan aan adiga kula qaato,kumana fikiraayo inaan daqiiqad ku waayo.
8- Kama xishoonaayo inaan ku jeclahay,kamana weyni inaan ku raali geliyo,taas waa sababta aan u go’aansaday in aan nolol kula wadaago.
9- Waxaad tahay fallaarta ugu iftiinka badan nolosheyda oo dhan,xanaaqaaga waxuu iga dhigaa mugdi,fadlan waxaan sugayaa jawaabtaada,waxaan xaqiiqsanahay in aad i aaminsantahay.
10- Waxaad u dhadhameysaa sida malabka oo kale,waxaad u nuureysaa oo aad u dhalaaleysaa sida dayaxa oo kale,fadlan aqbal raali-gelinta,anigane waan qaadanayaa dhamaan khaladka aad tabaneyso.
11- Waxaad leedahay oo Alle kugu manneystay muuqaalka ugu wanaagsan ee uu noole yeesho,mana jirto cid lagula simo oo dunida joogto.
12- Ma aqaan waxii igu dhacay,waan ogahay sidaan sameeyay in ay aheyd wax laga xumaado,waxaan ahay naf ku jecel,diyaarna u ah noloshaada.
13- Fadlan xiriirkeena aan kusoo celino sidii hore,sidaas waxaa ku jirta danteena,waxaa ku jira hormarkeena,waana farxadda qof waliba oo naga mid ah.
14- Waan seexan waayay,mana awoodo inaan cunto cuno,waxaan dareemayaa dhibaato xoggan,waxaan aaminsanahay in dhibaatadaan oo kale ay daawo u tahay farxaddaada,Lamaane ii dhoola caddey iina sheeg in aad ii faraxsantahay.
15- Waxaan u soo dirayaa farrintan inaan ku qanciyo oo aan muujiyo sida aan ugu murugeysanahay dhibkaaga,waad qaadan kartaa ama ka tagi kartaa raali-gelintan,lakiin haddii aadan qaadanin waxaan kusoo diri doonaa farriimo kale oo badan illaa aan ka dareemo farxadaada.
16- Waxaad tahay qofka ugu macaan uguna quruxda badan,waxaan ogahay inaad sameyn doonto qaab kasta oo aad igu cafineyso,waan hubaa waad I cafin doontaa,miyeysan sidaas aheyn??
17- Waxaan dareemayaa inaan ahay qofka ugu xun dunida,si dhab ah ayaan xanuunsanayaa,waxaan kaa ballan qaadayaa in arrintan aysan dib u dhici doonin.
18- Waxaad tahay saaxiib qaali igu ah oo ay adagtahay in la,aantiis ay farxad dareento niyadeyda.
19- Haddii aan ka fogaan karo waxii dhacay waan sameyn lahaa,lakiin maadaama aan sidaas sameynin waxaan diyaar u ahay inaan bixiyo raali-gelinta buuxda.
20- Ma garaanayo waxaan dhaho,lakiin raali-gelinta ayaa ah dawada khalad la sameeyay,waxaan rajeynayaa inaad eegi doonto wanaaga ka dambeyn doona xanaaqa,waan ku jeclahay,cafintu waa dawada ugu wanaagsan ee uu leeyahay xiriirka saaxiibtinimo.
21-  Waqtiga iyo da’duba way socdaan lakiin jaceylka aan kuu qabo wuu sii jiri doonaa haddane sii xoogeysan doonaa.

22-Waxaan jeclaan lahaa in maalintii oo dhan aan kugu qaado dusheyda,kuguna haayo gacamheyga,waxaan hubaa in aan marnaba dareemi doonin daal, qofkii ku helaa nasiib leh.

                                           BY:DHIIRIYE MAGAZINE

WAA KUMA NINKA RAGGA AHI?

Ninka Raga ah waa qeyb ka mid ah Abuurta Alle ee quruxda badan
Wuxuu bilaabaa dhex-dhexaadnimo isagoo aad u yar

Wax ay naftiisa u baahneyd ayu siiya dadka kale
Wuxuu u huraa naftiisa & riyadiisa oo dhan Waalidkii inuu dhoolacadeyn wejigooda ku arko
Wuxuu ku bixiyaa lacagtiisa xaqul-jeebka ah inuu hadiyad ugu iibiyo haweeneyda uu jecel yahay si uu u arko iyadoo faraxsan
Wuxuu u huraa dhalinyaranimadiisa oo dhan Xaaska & caruurtiisa isagoo habeenki xilli dambe shaqeynaya cabasho la’aan
Wuxuu u shaqeeyaa si uu u daryeelo kuwa mas’uuliyada ka saaran tahay.
Wuxuu dhisaa mustaqbalkooda isagoo Bankiga deyn ka soo qaata taasoo ku qaadata inuu dib isaga bixiyo cimrigiisa.
Wax badan ayuu halgamaa wuxuuna u dulqaataa canaanta waalidkii, qoyskiisa & madaxdiisa.
Noloshiisa wuxuu ku dhameystaa inuu u adeego naftiisana u huro farxadooda.
Sidaas oo ay tahay hadana Ninkaa Raga ah waxaa loo arkaa sidan:
Haduu baxo, waa careless
Haduu guriga joogo, waa mid caajis ah.
Haduu caruurta canaanto, waa qabiid, aan naxariis aqoon.
Haddii uusan canaanan, waa qayru-mas’uul.
Haddii uu afadiisa ka joojiyo inay shaqeyso, waa mid aan kalsooni qabin.
Haddii uusan ka joojin inay shaqeyso, waa mid u nool in xaaskiisa biisho.
Haddii uu Hooyadii maqlo, waa Ciyaal Mama
Xushmee nin kastoo Raga oo Noloshaada qeyb ka ah. Ma garan kartid waxa uu dartaa u hurayo.


ERAYO JACAYLA OO KU HABOON QOFKAAD JECESHAHAY

v  Ma hayo erayo aan kugu faah-faahiyo jaceylka aan kuu qabo , maxaa yeelay waxaan haysataa qof aad khatar u ah oo wax fahmeysa xattaa aamusnaanteyda .
v  Maalin waliba qof ayaa la kulmaa balse waligeey ma helin qof adiga oo kale ah , waa run in dunida ay dad ka buuxaan balse ma jiro qof kula mid ah oo ku bar bareyn kara .
v  Ma aqaan sababta balse waan ku jeclahay , ma jecli in aan qof la wadaago wax yaabaha ii gaarka ah balse waxaan doonayaa in aan adiga kula wadaago dhamaan xasuusaha farxadeyda maxaa yeelay ma aqaan sababta balse waan ku jeclahay .
v  Waxaan magacaada ku qoray cirka balse dabeysha ayaa qaaday , waxaan magaacada ku qoray dhulka balse bacaadka ayaa qaaday , ka dib waxaan ku qoray qalbigeyga waligiisana waa ku qornaanayaa .

v  Ma ihi qof daciif ah , qaali adiga ayaa ah xoogeyga , inta aad adiga tahay jaceylkeyga ma jirto wax dunidaan yaal oo u ruxi kara ama i gil gili kara , waan ku jeclahay

Waa kuma ciyaaryahanka ugu fiicnaa kubada cagta Messi Mise Ronaldo halkan ka ogow !

Ku dhawaad kala bar aqristayaasha goal.com ayaa u codeeyay in ciyaaryahanka reer Argentina iyo kooxda Barcelona
uu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa caalamka ee Lionel Messi , waxa uuna ka horeeyaa ciyaaryahanka abaalmarinta
50 gool ku guulaystay ee C.Ronaldo .
Xidiga Barcelona Lionel Messi ayaa kaga adkaaday Cristiano Ronaldo codbixinta ciyaryanka ugu fiicanaa 10 kii sano uu dambaysay .
29 jirkan afka hore ka ciyaara ayaa waxaa u codeeyay in ka badan 27, 000 aduunka oo idil ah cod bixinta yaana xirmaysay 12.00CET
ee malinimadii shalay oo talaado ahayd .
Cristiano Ronaldo ayaa galay kaalinta labaad isago helay codod gaaraya 10,234 oo u dhigmata 39 % .
Indres Iniesta iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa helay 3% cod, ciyaaryahanka qadka dhexe kaga ciyaara Iniesta ayaa helay 851  ,
halka ciyaaryahanka reer Swedish u helay 693 cod .
Lixda musharax ee kale ayaa helay mid kiiba 1% tiro u dhigmata oo kala ah sidan Sergio Ramos ayaa helay 379 waxa uuna
galay kaalinta 5 aad , waxa uuna 39 dhibcod kasara maray
Xavi oo helay 340 cod .

Neymar ayaa helay 228 cod isagoona ka horeeya 12 oo u ka horeya Arjen Robben (216), Thomas Muller (214),  oo u ka horeeo 14 cod .

MASKAXDA BINU ADAMKA!!

Weligaa ma la yaabtay faraqa u dhexeeyo maskaxdaada iyo maskaxda maroodiga? Maskaxda maroodiga cabbirkeedu waxa uu saddex jibaar ka wayn yahay maskaxda bani-aadamka haddana bani-aadamku waxay si aad uga caqli badan yihiin maroodiga.
Hadaba su’aashu waxay ay tahay sababma ayay bani-aadamku uga caqli badan yihiin maroodiga inkastoo maskaxdoodu aad uga yartahay tan maroodiga? Jawaabtu waxay tahay xidhiidhka ay leeyihiin unugyada maskaxda bani-aadamku waxay aad uga badan yihiin tan maroodiga.

MAXAAD U GUURSAN WAYDAY WALAAL?

Maa Uu guursan Najmu diin oo ahaa amiirkii Tikriit waqti dheer.
Walaalkii Asadu diin ayaa waydiiyay: walaalo maxaad u guursan waydsy.
Najmu diin: Wali ma hayo mid ii wacan.
Asadu diin: Ma kuu doonaa gabarta uu dhalay boqor Shah bintu suldaan ama inanta boqorka wasiirkiisa.
Najmu diin: Iyaguna iima wacna.
Asadu diin: Hadaba yaa kuu wacan waayee?
Najmu diin: Waxaan rabaa sawjad saalixa, gacanta i qabata illaa Jannada oo ii dhasha walad saalix ah oo noqda geesi Qudus dib ugu soo celiya Muslimiinta.
Asadu diin muu cajabin hadalkani, waxa uu si adag u waydiiyay, yaa waxaa kuugu sheekeeyay?
Najmu diin: Qofka Allah niyad barax tiran ku tala saarta, Allah ayaa ku arsaaqa wuxuu rabo.
Maalin maalmaha kamid ah Najmu diin oo la fadhiya Masaajidka Tikriit mid kamid ah culimada wadanka, ayaa waxa uu maqlay gabar sitaarada masjidka gadaasheeda kala hadlaysa Sheekha.
Sheekhii ayaa ka cudur daartay Najmu diin si uu ula hadlo gabarta.
Najmu diin ayaa hadalkoodii soo gaaray.
Sheekhii: Gabaryahay maxaad u diiday ninkaan kuusoo diray.
Gabartii: run ahaantii waa nin Allah isugu daray qurux, lacag iyo mansab, balse iima wacna.
Sheekhii: Oo hadaa maxaad rabtaa?
Gabartii: Waxaan rabaa nin gacantayda ii qabta ilaa Jannada oo aan u dhalo walad tarbiyad wacan lagu soo koriyay noqdana geesiga Muslimiinta usoo celiya Qudus.
Allahu Akbar, waa isla weedhihii uu walaalkii ku lahaa.
Najmu diin wuxuu diiday ina boqor iyo ina Suldaanba.
Iyaduna waxay diiday nin qurux,mlacag iyo mansab isku haysta.
Labadooduba waxay ka doorbideen ruux gacantooda qabta ilaa Jannada una dhala wiil Muslimiinta Qudus usoo celiya.
Najmu diin ayaa markuu soo noqday sheekhii waydiistay waxaan rabaa gabartaas inaan guursado.
Sheekhii: Waa miskiinad kamid ah saboollada magaalada.
Najmu diin: Miskiinaduba waa taan raadinayay.
Sidii ayuu ku guursaday Najmu diin gabartii, waxa ay u dhashay wiil Muslimiinta wax badan u taray una soo celiyay Qudus, waa Salaaxuddiin Al Ayuubi.

Waataas taariikhda iyo dhaxalka ay tahay inaynu uga waranno caruurteena, dadka ay tahay inaynu ku xidhno.