FAAIIDADA JIMICSIGA!

Daraasad ay dhowaan soo saareen khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa lagu sheegay in qofka oo jimicsadaa uu ka caafimaad bato qofka aan jimicsan,gaar ahaana dhanka maskaxda,iyaga oo intaasi ku daray inuu sidoo kalena ka da’ yaraado dadka kale ee aan jimicsan.
Khubaradan ayaa sheegay in uu qofka jimicsiga joogteeyaa ka badbaado xanuuno badan oo maskaxda ku dhaca,isaga oo sidoo kalena ka da’yaraada dadka aan jimicsan 10 sanno,kana xusuus wanaagsanaada.
Kooxdan daraasada samaysay oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Miami University ayaa sheegay in ay jirto xidhiidh ka dhexeeya caafimaadkiisa guud ee qofka iyo sidoo kalena caafimaadka maskaxda ee qofkaasi.
Waxaanay baadhitaankooda ku sidkeen baadhitaano daraasadeed oo hore loo soo sameeyey,kuwaas oo ay soo sameeyeen kooxo hore,waxaana tijaabada daraasadahan marka laysu geeyo ka qayb galay dad gaadhaaya ilaa 876 kooxood,kuwaas oo da’ahaan gaadhaayey ilaa 71 sanno jir.
Kooxahan ayaa markii tijaabadu dhamaatay eegaayey dhanka xusuusta iyo sidoo kalena dhanka maskaxda,iyaga oo sidoo kalena eegaayey caafimaadka guud ee dadkaasi,waxaanay sheegeen in ay dadkaasi ahaayeen kuwo caafimaad ahaan aad u sareeya,waxaana la mariyey tijaabooyin kala du duwan.

Tijaabooyinka socodka ayaa lagu sameeyey meelo beero ah,kuwaas oo marna la ordaayey marna la soconaayey,halka mararka qaarkoodna la guclaynaayey,waxaanay khubarada daraasdan waday sheegeen in ay ogaadeen in dadka aan jimicsani ka hor gaboobaan dadka jimicsada,sidoo kalena ka xanuuno badan yihiin.

0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal