haween badan oo dunida
guudkeeda ku nooli waxa ay in badan ka cawdaan habdhaqanka raggooda oo aad u
adag iyo noloshooda qoysnimo oo ay hadhaysay dabeecad xumo iyo ad adayg xad
dhaaf ah, oo ay raggooda kala kulmaan muddo ka dib marka ay is guursadaan.
marwada iyo sayigeedu
muddo marka ay nolosha wadaagaan waxa soo baxda xaqiiqada dhabta ah ee dabciga
midba leeyahay, waxaana midba midka kale kala kulmaa dabeecadiisa asalka ah ee
uu mudada qarsanaayey, iyada oo xaladu sidaasi ka duwanayd markii ay xidhiidhka
sheeko lahaayeen.
haddaba akhriste waxa
aynu eegidoonaa talooyin dhowra oo ku tusinaya, baahida weyn ee loo qabo in
haweenaydu si aad ah u barato sayigeeda:
·
marka hore waa inaad
xadidaad ku samaysaa oo uu kuu calaamadsanaadaa ninka aad ku riyoonayso in aad mustaqbalka
la wadaagayso, hab run ah naftaada ugu sheeg ceebaha kaaga muuqda ninka aad
sheekada la wadaagayso. miisaankana si xigmadi ku jirto u saar kuna go’aan
qaado waxa kaaga soo baxa baadhitaankiisa
·
mudada aad sheekada la
wadaagayso waxa aad u fiirsataa habka uu ula dhaqmo dadka kale, gaar ahaan
dumarka, ragga ay asxaabta gaarka ah yihiin, kuwa ay qaraabada dhow yihiin iyo
guud ahaan habka uu dadka u ixtiraamo. dhamaan arrimahani waxa ay tilmaan u
yihiin, habdhaqankiisa bulsheed oo aad wax ka ogaato
·
waxa aad u fiirsataa
sida uu ula macaamilo hooyadii, habalaha ay walaalaha yihiin iyo haddiiba ay
jiraan dumar ay walaaladii qabaan, waxa aad ogaataa in aanu qoyskiinu ka
duwanaanayn sida uu qoysaska kale ula dhaqmo
·
ka digtoonow in aad
markaaba si xad dhaaf ah ugu qanacdo oo aad go’aan guur oo deg-deg ah gaadho,
muddo ninka iska hubi oo ha ku deg-degin guurkiisa
·
waanada ugu danbaysaa
waxa ay odhanaysaa, ka fogow nin kasta oo dadka kale yaraysta kulana dhaqma
dabeecad adag iyo qalafsanaan, isla markaana gacanta ka hadla oo dagaalkiisu
badan yahay, caadifaddiisuna sarayso.
“ogsoonow ninka noocan
ahi waxa la ogaaday in aanu ku wanaagsanayn xidhiidh toolmoon oo dhex mara
ragga iyo dumarka inkasta oo taa badalkeeda haween badani jecelyihiin in ay
xidhiidh mustaqbal la wadaagaan ragga kulul”
0 comments:
Post a Comment
ka fa idaysi wanagsan walaal