gabadha wax jecel

astaamaha lagu garto gabadha wax jecel!!

finanka wajiga

SIDEE LOO SAWEEYA FINANKA WAJIGA

MOBILE DATA

sidee loo yareeya lacagta aad mobileka ku isticmaalayso

XANUUNKA SHUBAN BIYOODKA{CHOLERA}

Xanuunkan sidee looga badbaada loogana hor tagaa

FAAIIDOOYINKA TIMIRTA

timirta iyo faaiidooyinka faraha badan ay leedahay wax ka ogow

Showing posts with label LOVE. Show all posts
Showing posts with label LOVE. Show all posts

RAALI GALI QOFKAAD JECESHAHAY

Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaantiimba saaxiibayaasha ku xidhan dhiiriye magazine, kuna soo dhawaada qormo gaar ah oo aan todobaadkaan diiradda ku saarayo  dhambaal raali galin qof aad jeceshahay, ama qofka uu idiinka dhaxeeyo xiriirka saaxiibtinimo,marka uu khilaaf idiin soo kala dhex-galo maadaama isku-dhaca uu qeyb ka yahay nolol maalmeedka dadka ama lamaanaha.
Qof waliba waxuu jecelyahay nolol leh farxad joogta ah,haddana waxaa laga yabaa in aysan sidaas mar waliba suuragal aheyn.
In wax laga barto sida loo xalliyo ama loo qanciyo lamaanahaaga waa cilmi dheer oo u baahan daalacasho badan, si looga bad-baado kala tag deg deg ah intiiba suuragal ah.
Kibirka ama is-adkeysku waa mid ka mid ah wadooyinka loo maro guul darrada.
Ceeb iyo wax xun toona maahan in aad u jillicsanaato qofka aad xiriir wadaaga tihiin,waxaase sidookale muhiim ah iyo ixtiraamka uu ka yimaado labada dhinac.
Sida caadiga ah dadku waxay ku kala duwanyihiin aragtida iyo garashada,qof walibana waxaa uu xaq u leeyahay inuu cabirro dareenkiisa haddii aysan wax u dhimeynin Diinta iyo Dhaqanka.
Sidookale waa lagu kala duwanaan karaa aragtida, waana dabciga aadamaha oo dhan.
Aragtideyda, qodobadan waa qeyb ka mid ah sida loola hadlo lamaanahaaga,marka uu dareemo xanaaq ama xumaan,sidooakle muhiim maahan in aad is-adkeyso xitaa hadddii lagaa khaldanyahay, waayo xalka mararka qaar waxuu hoos galaa in aad adiga qaadato dambi aadan laheyn.
Waxaa laga yaabaa in Telfoonka laguugu damiyo, oo xitaa aan laguu ogolaanin wax hadal ah,fadlan haka daallin inaad fariin qoraaleed u dirto lamaanahaaga,si aad u muujiso in aad la dareemeyso xanuunka hayo,taas ayaa xal noqon karta.
Qodobaddan waa qaar ka mid ah qaabka loo maro raali gelinta lamaanaga,waa laga yabaa in aad adigane fikir kale heyso.
1-Qalbigeygu wuu dilaacay, dhiig ayaana ka socda, lagasoo bilaabo illaa xilligii aan waxyeelo kuu geystay oo aad weysay farxaddaada,fadlan duug godadka ka qodmay qalbigaaga, kuna dabool cafis naxariis leh.
2-Waxaa ii farxad ah inaad noqoto lamaanaheyga,wehelka nolosheyda,kamana daali doono inaan kugu dhaho Sorry ”raali noqo” oo i cafi, xiili kasta,Lamaane.
3-Waxaan dareemayaa inaan wax u dhimay aaminaadaada,waxaan sidookale musiibo geliyay oo murugo u sababay nafsadeyda,laakiin haddana waxaan xaqiiqsanahay in jaceylkaaga oo dhan uu ka buuxo qalbigeyga, waan ka xumahay tacadigeyga
4- Ogow xaq ayaad u leedahay inaad carooto,haddana ha hilmaamin in anigane aan farxad dareemi doonin ilaa aad iga aqbasho raali-gelinteyda,
5- Waxaan ku eedeynayaa nafteyda xanuunka aan u geystay noloshaada,waxaan haddana diyaar u ah inaan sameeyo wax kasta oo aan kugu raali gelin karo,aadna ku farxi karto,waxaan doonayaa inaan baabi’iyo farqiga inoo dhaxeeya oo dhan,
6- Waxaan kugu sababay xanuun,waan kaa oohin siiyay,waan ku dhaawacay,waan kaa xanaajiyay,dhacdadaan darteed waxaan eedeynayaa nafteyda,si weyn ayaan ugu murugeysanahay in aad farxad la,aan noqoto,waaan ogahay waxii aan sameeyay waa wax aad u xun,lakiin marnaba ujeedadeydu ma’aheyn inaan ku xumeeyo,waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa.
7- Waxaan doonayaa in waqtiga nolosheyda oo dhan aan adiga kula qaato,kumana fikiraayo inaan daqiiqad ku waayo.
8- Kama xishoonaayo inaan ku jeclahay,kamana weyni inaan ku raali geliyo,taas waa sababta aan u go’aansaday in aan nolol kula wadaago.
9- Waxaad tahay fallaarta ugu iftiinka badan nolosheyda oo dhan,xanaaqaaga waxuu iga dhigaa mugdi,fadlan waxaan sugayaa jawaabtaada,waxaan xaqiiqsanahay in aad i aaminsantahay.
10- Waxaad u dhadhameysaa sida malabka oo kale,waxaad u nuureysaa oo aad u dhalaaleysaa sida dayaxa oo kale,fadlan aqbal raali-gelinta,anigane waan qaadanayaa dhamaan khaladka aad tabaneyso.
11- Waxaad leedahay oo Alle kugu manneystay muuqaalka ugu wanaagsan ee uu noole yeesho,mana jirto cid lagula simo oo dunida joogto.
12- Ma aqaan waxii igu dhacay,waan ogahay sidaan sameeyay in ay aheyd wax laga xumaado,waxaan ahay naf ku jecel,diyaarna u ah noloshaada.
13- Fadlan xiriirkeena aan kusoo celino sidii hore,sidaas waxaa ku jirta danteena,waxaa ku jira hormarkeena,waana farxadda qof waliba oo naga mid ah.
14- Waan seexan waayay,mana awoodo inaan cunto cuno,waxaan dareemayaa dhibaato xoggan,waxaan aaminsanahay in dhibaatadaan oo kale ay daawo u tahay farxaddaada,Lamaane ii dhoola caddey iina sheeg in aad ii faraxsantahay.
15- Waxaan u soo dirayaa farrintan inaan ku qanciyo oo aan muujiyo sida aan ugu murugeysanahay dhibkaaga,waad qaadan kartaa ama ka tagi kartaa raali-gelintan,lakiin haddii aadan qaadanin waxaan kusoo diri doonaa farriimo kale oo badan illaa aan ka dareemo farxadaada.
16- Waxaad tahay qofka ugu macaan uguna quruxda badan,waxaan ogahay inaad sameyn doonto qaab kasta oo aad igu cafineyso,waan hubaa waad I cafin doontaa,miyeysan sidaas aheyn??
17- Waxaan dareemayaa inaan ahay qofka ugu xun dunida,si dhab ah ayaan xanuunsanayaa,waxaan kaa ballan qaadayaa in arrintan aysan dib u dhici doonin.
18- Waxaad tahay saaxiib qaali igu ah oo ay adagtahay in la,aantiis ay farxad dareento niyadeyda.
19- Haddii aan ka fogaan karo waxii dhacay waan sameyn lahaa,lakiin maadaama aan sidaas sameynin waxaan diyaar u ahay inaan bixiyo raali-gelinta buuxda.
20- Ma garaanayo waxaan dhaho,lakiin raali-gelinta ayaa ah dawada khalad la sameeyay,waxaan rajeynayaa inaad eegi doonto wanaaga ka dambeyn doona xanaaqa,waan ku jeclahay,cafintu waa dawada ugu wanaagsan ee uu leeyahay xiriirka saaxiibtinimo.
21- Waqtiga iyo da’duba way socdaan lakiin jaceylka aan kuu qabo wuu sii jiri doonaa haddane sii xoogeysan doonaa.
22-Waxaan jeclaan lahaa in maalintii oo dhan aan kugu qaado dusheyda,kuguna haayo gacamheyga,waxaan hubaa in aan marnaba dareemi doonin daal, qofkii ku helaa nasiib leh.


W/Qo: Maxamed Cisman Xabiib

WAX KA BARO KALA DUWANAANSHAHA JACAYLKA RAGGA IYO DUMARKA

       
     marka  hore waad salamantihiin dhamaan akhristyaasha ku xidhan boggan   dhiiriye magazine
     maanta  waxan ka hadli doona kala dawanaashaha kala duwanashaha jacaylka ragga iyo dumarka


  • ninku jacaylkiisa u horeeya wuu ilaawi karaa laakiin gabadha suurto gal maaha inay ilowdo
  • gabadhu waa cadaabta jacaylka balse ninku waa jacaylka cadaabta
  • gabadhu ninkay jeclaato waxay ku bilowda hadal balse lkn ninku gabadhu jeclaado eray kulama dhaco
  • markay gabadhu wax jeclaato waa sida gool hilib haysata lkn ninku waa sida guduudane adhi haysta
  • ninku jacaylka ma qarsan karo mudo ka badan 1 sano, laakiin gabadhu waxay awooda inay waligeed qarsato

W/Q: HAMZE SULEIMAN HASHI


                      BY: DHIIRIYE MAGAZINE

UBADKAAGU WAY KU EEGANAYAAN!!

                           kusoo  dhawaada barnaamijka xasuus qor dhakhtar ilkood  

                                     DRS HIBAAQ C.RAXMAAN BUUBAAL

                                                kusoo dhawaada barnaamika  


                                                             dawasho wacan


                                                      riix halkan si aad u daawato

QISO JACAYLA OO DHABA!

Qisadaani waa qiso jaceyl ah oo ay ku dhacdey gabadh soomaaliyeed inakstoo ay magaceeda naga codsatey in aan la sheegin ayadoo inoogu soo dirtey email ahaan haddaba ayadoo ka hadleysa waxey ku bilaawdey sida tan waa adinka iyo sheekada ka bogasho wacan..
Asc salan kadib waxan ahay gabar somaliyed magaca nadar waxan kudhashay wadanka somali gar ahaan muqdisho sanadka marku ahaa 1986 waxan wax basasha kuso qatay dugsiga hoyga xamar waxaan is baranay wiil lagu magacabo c/ shakuur sheekh maxamed waxaan u qaday jacayl baxaadle asne sido kale habeen habenada kamid ah ayan waxan kuriyoday c/ shakuur oo mel aad uqurux badan joogo canug yarna haysta ana an leyahay keen aan qabtee riyo ahaanta aniga madhalin canugta subaxdi ayan ushegay riyadi c/ shakuur aad ayuu uqosoley waxaan sidaas ahaano c/ shakur ayaan habeen habenada kamid ah wacay
mobeyl kiisa waana marki igu horeysay on waqtigaas okale waco waxaa iga qabtay naag waxan kuiri igu dhiib qofka lahaa tellka waxay iweydisay waxan karabo iyo qofka aan ahay waxan ku iri waxan ahay walaashis wax dhib ahna majiran e igu dhiib waxan ogaday iney wax jiran wan kudamiyey tellka markaan ku damiyey tellka ayey iga soo daba gashey oo isoo wacdey ayadoo igeysatay aflagado waxan ku iri adigaaba nasiible oo c/shakur agtada jiifa e inaad labada dhaban kashumiso ee iseexo niyadane qeyr usheeg
intii aan wada soconay c/ shakur ima usan shegin inuu xaas leyahay xataa wan weydiyey wuxuuna igu yiri malihi xaas almuhim c/ shakuur imasoo wicin malinta iyo malinta xigtayba waan ka ahaan wayey malintii sadexad waan wacay gacaliyaheygii iqayaanay waxaa dhacday inaan aniga raali geliyo sababtoo ah aad ayaan u jeclaa
c/shakur wuxuu iishegay malintas inu xaas leyahay iyo hal canug owna iishegay cunugta yarna ay tahay midi an kuriyoday dhalashadeedii
markaan arkey xaalada meesha ay mareyso oo jaceylna igu jabey qalbigeygana uu usocda dhanka c/shakuur wadnaheygii ayaa ka ahaan waayey waxaan noqdey qof maqane jooge ah waan ka ahaan waayey jaceylkeygii uu isiiyey waxeyna danta igu kaliftey inaan qalbigeyga dhiso jaceylkii uu siiyeyna aan sii wato

waxaan meshi kawadanay jacaylki waxan dhexgalnay marxalad aad u macan waxan kuheshinay guur
haben habenada kamid ah ayaa waxa ii yimid c/ shakur iyo laba wiil o saxibadiisa ah aad ayan u soo dhaweyay waxan fadhiisiyey qolkii martida c/ shakurne qolkisi qaaska ahaa waxa iga go ay adeegi martida inkasto suuqa inaga fogaa waxan donay adeegi anigo aanan ushegin c shakur inan bananka aday marki an kuso labtay gurigi ayan waxan arkay martidi o kaso baxeyso ilinkii guriga aad ayan u naxay waxan kuiri maxa dhacay waxayna dhehen waxba walaal waxan so abaray qolki c shakuur waxan arkay c shakur o asne tagan qolki iridisa waxan ku iri marka hore fadhiiso waxan arkay inuu careysan yahay waxan ushegay halka an aday waxan kacod saday inuu martida so celiyo iga raali ahado hadi ow qalad iga fahamay c/ shakur waxu hadal igu yiri wan baxa asago careysan aad ayan ubaryay waxan ushega jacaylka an uqabo iyo inaan dana kale ubixin ilaa tan martida maahane almuhim c shakuur meshi ayuu iga tagay anigo ilmeynayo meshi ayan kumiir dabolmay muda kadib ayan soo baraarugay waxan wacay c shakuur nasiib daro igama qaban telki subixi ayan wacay waxana ila soo dirsay murugo aad uweyn iyo anigo anan waxba sameyn inuu mel cidla ah iga tago gacaliyahaygi owna ogyahay jacaylka aan uqabo iyo herka an kajogo mudadi gurkane lajogo inu waxan micno lahayn igaga tago almuhiim subaxdi ayan wacay waxan kacod saday inuu ishego wixii sababay kalatagii xalay ee murugta lahaa wuxuu igu yiri anaa kuso wacaayo
markale ayaan wacay anigo wax natiija ahna kahelin waxaa dhacaday inuusan iso wicin hadaan wacane wuxuu ileeyahay anaa kuso wacayo oo been ah waxaan galey xaalad aad u xun waxaan ku aruuray sariir
mudo dhowr bilood kadib ayaa maalin maal maha kamid ah ayuu isoo wacay c/shakur salan kadib wuxuu isheegay inuu xaskii furay aad ayaan uga naxay arintaas canaan kadib c/shakuur horay wuu umaqlay inaan ad u xanusaday una qalbigeyga dhib u geystay asaago tii iga raali galinaayana ayaan go.aan ku gaarney inaan halkii kawadano jacaylki
aniga aad ayaan ujeclaa asigane waa qawda maqashi waxna ha uqaban mararka qaar wuxui ileeyahay hadalo niyad jab ah iyo adiga wad gabantahay hadii an kahadlo xageyga magabni waxaan ahay dhex dhexad lakiin asaga dhirirkisa ayaa saa,id ah ana waxay igu noqotoy cuqdad waxan arkaa mararka qaar dad igu dhahaayo adaa iga dheere iso qabo waxaas waan layaba waxaan isku qaatay inaan adunka ugaa banahay xataa hadan arko dad an kadherahay ma aaminayo almuhiim waxaan galay nolol tii uxumeyd waxaa arinti maqlay hooyadey oo joogta wadanka sacudiga waxayna ii dalabtay fiiso waxaan imid wadanka sacudiga markan imid wadankan xaladeydi way kadartay markan maalmo joogay ayan wacay
c/shakuur anigo ka go,ay wax kasta oo qof kunoolaado anigoo hadalkisa kadhiganayo dawo alaa daawo hayee
waxaan ilaah kacod saday inuu qalbigeyga katiro c/shakuur waxan badiya salaatu-leylka iyo ducoyinka wuuna iga aqbalay ilaahey subxaanahu watacaala
waxan go,aan kugaray inaan jacayl iska daayo anigoo og inuu raga isku mid aheyn
balse ana go,aan gaaray
waxaan kula talinayaa dhamaan dhalinta soomaliyeed iney marka hore bartaan qof ay naftu rabto wiil iyo gabadhba waayo qalbigu waa qaali marka hore qofka dabeecadihiisa waa inaad barataa adigoo ka baaran dagaayo mustaqbalkaaga
waxaana halkaan ku eg qisadii jaceylka aheyd
DHAMBAAL: Raali Galin Qof Aad Jeceshahay

Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaantiimba saaxiibayaal, kuna soo dhawaada qormo gaar ah oo aan todobaadkaan diiradda ku saarayo  dhambaal raali galin qof aad jeceshahay, ama qofka uu idiinka dhaxeeyo xiriirka saaxiibtinimo,marka uu khilaaf idiin soo kala dhex-galo maadaama isku-dhaca uu qeyb ka yahay nolol maalmeedka dadka ama lamaanaha.
Qof waliba waxuu jecelyahay nolol leh farxad  joogta ah,haddana waxaa laga yabaa in aysan sidaas mar waliba suuragal aheyn.

In wax laga barto sida loo xalliyo ama loo qanciyo lamaanahaaga waa cilmi dheer oo u baahan daalacasho badan, si looga bad-baado kala tag deg deg ah intiiba suuragal ah.
Kibirka ama is-adkeysku waa mid ka mid ah wadooyinka loo maro guul darrada.
Ceeb iyo wax xun toona maahan in aad u jillicsanaato qofka aad xiriir wadaaga tihiin,waxaase sidookale muhiim ah iyo ixtiraamka uu ka yimaado labada dhinac.
Sida caadiga ah dadku waxay ku kala duwanyihiin aragtida iyo garashada,qof walibana waxaa uu xaq u leeyahay inuu cabirro dareenkiisa haddii aysan wax u dhimeynin Diinta iyo Dhaqanka.
Sidookale waa lagu kala duwanaan karaa aragtida, waana dabciga aadamaha oo dhan.
Aragtideyda, qodobadan waa qeyb ka mid ah sida loola hadlo lamaanahaaga,marka uu dareemo xanaaq ama xumaan,sidooakle muhiim maahan in aad is-adkeyso xitaa hadddii lagaa khaldanyahay, waayo xalka mararka qaar waxuu hoos galaa in aad adiga qaadato dambi aadan laheyn.
Waxaa laga yaabaa in Telfoonka laguugu damiyo, oo xitaa aan laguu ogolaanin wax hadal ah,fadlan haka daallin inaad fariin qoraaleed u dirto lamaanahaaga,si aad u muujiso in aad la dareemeyso xanuunka hayo,taas ayaa xal noqon karta.
Qodobaddan waa qaar ka mid ah qaabka loo maro raali gelinta lamaanaga,waa laga yabaa in aad adigane fikir kale heyso.
1-Qalbigeygu wuu dilaacay, dhiig ayaana ka socda, lagasoo bilaabo illaa xilligii aan waxyeelo kuu geystay oo aad weysay farxaddaada,fadlan duug godadka ka qodmay qalbigaaga, kuna dabool cafis naxariis leh.
2-Waxaa ii farxad ah inaad noqoto lamaanaheyga,wehelka nolosheyda,kamana daali doono inaan kugu dhaho Sorry ”raali noqo” oo i cafi, xiili kasta,Lamaane.
3-Waxaan dareemayaa inaan wax u dhimay aaminaadaada,waxaan sidookale musiibo geliyay oo murugo u sababay nafsadeyda,laakiin haddana waxaan xaqiiqsanahay in jaceylkaaga oo dhan uu ka buuxo qalbigeyga, waan ka xumahay tacadigeyga
4- Ogow xaq ayaad u leedahay inaad carooto,haddana ha hilmaamin in anigane aan farxad dareemi doonin ilaa aad iga aqbasho raali-gelinteyda,
5- Waxaan ku eedeynayaa nafteyda xanuunka aan u geystay noloshaada,waxaan haddana diyaar u ah inaan sameeyo wax kasta oo aan kugu raali gelin karo,aadna ku farxi karto,waxaan doonayaa inaan baabi’iyo farqiga inoo dhaxeeya oo dhan,
6- Waxaan kugu sababay xanuun,waan kaa oohin siiyay,waan ku dhaawacay,waan kaa xanaajiyay,dhacdadaan darteed waxaan eedeynayaa nafteyda,si weyn ayaan ugu murugeysanahay in aad farxad la,aan noqoto,waaan ogahay waxii aan sameeyay waa wax aad u xun,lakiin marnaba ujeedadeydu ma’aheyn inaan ku xumeeyo,waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa.
7- Waxaan doonayaa in waqtiga nolosheyda oo dhan aan adiga kula qaato,kumana fikiraayo inaan daqiiqad ku waayo.
8- Kama xishoonaayo inaan ku jeclahay,kamana weyni inaan ku raali geliyo,taas waa sababta aan u go’aansaday in aan nolol kula wadaago.
9- Waxaad tahay fallaarta ugu iftiinka badan nolosheyda oo dhan,xanaaqaaga waxuu iga dhigaa mugdi,fadlan waxaan sugayaa jawaabtaada,waxaan xaqiiqsanahay in aad i aaminsantahay.
10- Waxaad u dhadhameysaa sida malabka oo kale,waxaad u nuureysaa oo aad u dhalaaleysaa sida dayaxa oo kale,fadlan aqbal raali-gelinta,anigane waan qaadanayaa dhamaan khaladka aad tabaneyso.
11- Waxaad leedahay oo Alle kugu manneystay muuqaalka ugu wanaagsan ee uu noole yeesho,mana jirto cid lagula simo oo dunida joogto.
12- Ma aqaan waxii igu dhacay,waan ogahay sidaan sameeyay in ay aheyd wax laga xumaado,waxaan ahay naf ku jecel,diyaarna u ah noloshaada.
13- Fadlan xiriirkeena aan kusoo celino sidii hore,sidaas waxaa ku jirta danteena,waxaa ku jira hormarkeena,waana farxadda qof waliba oo naga mid ah.
14- Waan seexan waayay,mana awoodo inaan cunto cuno,waxaan dareemayaa dhibaato xoggan,waxaan aaminsanahay in dhibaatadaan oo kale ay daawo u tahay farxaddaada,Lamaane ii dhoola caddey iina sheeg in aad ii faraxsantahay.
15- Waxaan u soo dirayaa farrintan inaan ku qanciyo oo aan muujiyo sida aan ugu murugeysanahay dhibkaaga,waad qaadan kartaa ama ka tagi kartaa raali-gelintan,lakiin haddii aadan qaadanin waxaan kusoo diri doonaa farriimo kale oo badan illaa aan ka dareemo farxadaada.
16- Waxaad tahay qofka ugu macaan uguna quruxda badan,waxaan ogahay inaad sameyn doonto qaab kasta oo aad igu cafineyso,waan hubaa waad I cafin doontaa,miyeysan sidaas aheyn??
17- Waxaan dareemayaa inaan ahay qofka ugu xun dunida,si dhab ah ayaan xanuunsanayaa,waxaan kaa ballan qaadayaa in arrintan aysan dib u dhici doonin.
18- Waxaad tahay saaxiib qaali igu ah oo ay adagtahay in la,aantiis ay farxad dareento niyadeyda.
19- Haddii aan ka fogaan karo waxii dhacay waan sameyn lahaa,lakiin maadaama aan sidaas sameynin waxaan diyaar u ahay inaan bixiyo raali-gelinta buuxda.
20- Ma garaanayo waxaan dhaho,lakiin raali-gelinta ayaa ah dawada khalad la sameeyay,waxaan rajeynayaa inaad eegi doonto wanaaga ka dambeyn doona xanaaqa,waan ku jeclahay,cafintu waa dawada ugu wanaagsan ee uu leeyahay xiriirka saaxiibtinimo.
21-  Waqtiga iyo da’duba way socdaan lakiin jaceylka aan kuu qabo wuu sii jiri doonaa haddane sii xoogeysan doonaa.

22-Waxaan jeclaan lahaa in maalintii oo dhan aan kugu qaado dusheyda,kuguna haayo gacamheyga,waxaan hubaa in aan marnaba dareemi doonin daal, qofkii ku helaa nasiib leh.

                                           BY:DHIIRIYE MAGAZINE

ERAYO JACAYLA OO KU HABOON QOFKAAD JECESHAHAY

v  Ma hayo erayo aan kugu faah-faahiyo jaceylka aan kuu qabo , maxaa yeelay waxaan haysataa qof aad khatar u ah oo wax fahmeysa xattaa aamusnaanteyda .
v  Maalin waliba qof ayaa la kulmaa balse waligeey ma helin qof adiga oo kale ah , waa run in dunida ay dad ka buuxaan balse ma jiro qof kula mid ah oo ku bar bareyn kara .
v  Ma aqaan sababta balse waan ku jeclahay , ma jecli in aan qof la wadaago wax yaabaha ii gaarka ah balse waxaan doonayaa in aan adiga kula wadaago dhamaan xasuusaha farxadeyda maxaa yeelay ma aqaan sababta balse waan ku jeclahay .
v  Waxaan magacaada ku qoray cirka balse dabeysha ayaa qaaday , waxaan magaacada ku qoray dhulka balse bacaadka ayaa qaaday , ka dib waxaan ku qoray qalbigeyga waligiisana waa ku qornaanayaa .

v  Ma ihi qof daciif ah , qaali adiga ayaa ah xoogeyga , inta aad adiga tahay jaceylkeyga ma jirto wax dunidaan yaal oo u ruxi kara ama i gil gili kara , waan ku jeclahay

MAXAAD U GUURSAN WAYDAY WALAAL?

Maa Uu guursan Najmu diin oo ahaa amiirkii Tikriit waqti dheer.
Walaalkii Asadu diin ayaa waydiiyay: walaalo maxaad u guursan waydsy.
Najmu diin: Wali ma hayo mid ii wacan.
Asadu diin: Ma kuu doonaa gabarta uu dhalay boqor Shah bintu suldaan ama inanta boqorka wasiirkiisa.
Najmu diin: Iyaguna iima wacna.
Asadu diin: Hadaba yaa kuu wacan waayee?
Najmu diin: Waxaan rabaa sawjad saalixa, gacanta i qabata illaa Jannada oo ii dhasha walad saalix ah oo noqda geesi Qudus dib ugu soo celiya Muslimiinta.
Asadu diin muu cajabin hadalkani, waxa uu si adag u waydiiyay, yaa waxaa kuugu sheekeeyay?
Najmu diin: Qofka Allah niyad barax tiran ku tala saarta, Allah ayaa ku arsaaqa wuxuu rabo.
Maalin maalmaha kamid ah Najmu diin oo la fadhiya Masaajidka Tikriit mid kamid ah culimada wadanka, ayaa waxa uu maqlay gabar sitaarada masjidka gadaasheeda kala hadlaysa Sheekha.
Sheekhii ayaa ka cudur daartay Najmu diin si uu ula hadlo gabarta.
Najmu diin ayaa hadalkoodii soo gaaray.
Sheekhii: Gabaryahay maxaad u diiday ninkaan kuusoo diray.
Gabartii: run ahaantii waa nin Allah isugu daray qurux, lacag iyo mansab, balse iima wacna.
Sheekhii: Oo hadaa maxaad rabtaa?
Gabartii: Waxaan rabaa nin gacantayda ii qabta ilaa Jannada oo aan u dhalo walad tarbiyad wacan lagu soo koriyay noqdana geesiga Muslimiinta usoo celiya Qudus.
Allahu Akbar, waa isla weedhihii uu walaalkii ku lahaa.
Najmu diin wuxuu diiday ina boqor iyo ina Suldaanba.
Iyaduna waxay diiday nin qurux,mlacag iyo mansab isku haysta.
Labadooduba waxay ka doorbideen ruux gacantooda qabta ilaa Jannada una dhala wiil Muslimiinta Qudus usoo celiya.
Najmu diin ayaa markuu soo noqday sheekhii waydiistay waxaan rabaa gabartaas inaan guursado.
Sheekhii: Waa miskiinad kamid ah saboollada magaalada.
Najmu diin: Miskiinaduba waa taan raadinayay.
Sidii ayuu ku guursaday Najmu diin gabartii, waxa ay u dhashay wiil Muslimiinta wax badan u taray una soo celiyay Qudus, waa Salaaxuddiin Al Ayuubi.

Waataas taariikhda iyo dhaxalka ay tahay inaynu uga waranno caruurteena, dadka ay tahay inaynu ku xidhno.

SIDEED U KASBAN KARTAA JACAYLKA NINKAAGA?

Waxa aan marnaba muran gali karin in gabar kastaaba ay jeceshahay in uu saygeedu koolkooliyo ama la amaano, arinkan oo faaido u leh farxada iyo wanaaga lamaanaha nolosha wadaagaya, waxa hadalka dabacsan ee ninku xaaskiisa ugu roonaadaa kor u qaadaa kalsoonida xaaskiisa, waxa ay dareentaa in ay tahay in uu dunida ugu jecel yahay iyada.
dhinaca kale hadii hadal quruxbadan ay ka waydo xaasku saygeeda waxa ka dhasha kala fogaanshiyaha lamaanaha iyo waliba guud ahaanba qoyska aayahiisa dambe.
Hadaba qaabka ugu wanaagsan uguna fudud ee ay gabadhu ku kasban karto kalgacalka iyo muxubbada ninkeeda ayay bahda faaido qodobbadan idiinku soo uruurisay:
  1. Dareensii camalka wanaagsan ee uu qabto:
    Qaab qurxoon ugu mahadnaq waxyaabaha aad jeclaatay ee uu kuu sameeyay.
  2. Ugu roonow dhunkashada (Shumis):
    Waxaad isku daydaa mar kaste oo aad fusad u hesho inaad ninkaaga dhunkato ka faaidaysato, waxaad arki doontaa midhaha arinkan mudo kooban.
  3. U qurxi qolka hurdada:
    Habeennada qaar u diyaar garee qolka hurdada qaab qurxoon, hadii ay suurto gal tahay filim wacan oo jacayl ah oo aad wada daawataan u daar.
  4. Waydii nooca dharka hoosta laga xidho (Kastuumo) ee uu jecelyahay:
    Hadii runta laga hadlo ninka dareenkiisu cirka ayuu isku shareeraa hadii uu arko xaaskiisa oo ku labisan maro uu jecelyahay, sidaa awgeed fursad u sii inuu kula dooro dookha uu ka helo.
  5. Dhagta u saar hadal macaan oo cod hoose ku ladhan:
    Adiga oo adeegsanaya weedhba weedha ay ka dabacsan tahay dhagta u saar, arinkan ayaa waxa uu ninkaaga ku beeraya dareen aan xuduud lahayn.
Marwo, dhamaan ragu waxa ay jecel yihiin in xaaskoogu u muujiso qadarin iyo kalgacal, ugu dadaal arimahan iyo wax kaste oo wanaagsan, waxaad ka dheefi doontaan labadiinuba nolol farxad iyo jacayl badan.

   
BY: DHIIRIYE MAGAZINE

WAA MAXAY JACAYLKU ?

Doodi kama taagna in dunida aynu ku nool nahay in ay Jaceyl ku dhisan tahay , mana jiraan laba qof oo isku haysta in waxa la yiraahdo Jaceylka uu yahay mid jira laakiin qof waliba macna gaar ah ayuu u yeelaa gaar ahaan qof uu cudurkaasi ku dhaco .

Waxaana adag in si dhab ah loo micneeyo Jaceylka ama la ogaado macnaha dhabta ah ee saxda ah ee uu leeyahay inkastoo qoraayaal badan ay isku micno u soo dhaweeyeen .
Haddii aad qof weydiiso waxaa maxay Jaceylka waa adag tahay in uu ka jawaabo weyna adag tahay in xiligaasi aad jawaabta hesho .
Laakiinse jawaabta dhabta waxa ay noqoneysa in Jaceylka uu yahay magacyada kuwo la sameeyo kan ugu mac , waxaan kaloo u dhigi karnaa sidaan:
Jaceylka waa Koob ay ka buuxdo Hawo qof walba oo wadna sahqeynayana leh uu doonayo in uu Cabbo ,waana sida qaboow iyo kuleel sida uu kuu so maro , waa uuna ka dheereeya Ileyska dhab ahaan , waana asaaska wax walba oo qeyr ah oo Fiican .


Jaceylka waa sida Doon Bilaa shiraac ah oo badda mowjadaheeda si amaan ah ku mareysa marna waa gilgilaha Dunida oo buuraha Fulkaano ka qarxiya .
Jaceylka waa Cudur , Guurkana waa Caafimaad , Cudur iyo Caafimaadna meel ma wada kulmaan .
Jaceylka dhabta waa sida Catar ama Barfuun oo raadkiisa ama caraftiisa iska taagan tahay oo aan baaba`eyn waligiisa.
Jaceylka waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana Jaceylka waa hanasho waa jamasho waa hiloow.
Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka kaasi oo qofka qof kale u soo jeeda si ay u garaan wada noolaasho .
Ma ah Jaceylka in aad ku tiraah qofka wana ku jeclahaya balse waa in uu lahaada ficil oo la qaadaa talaabooyin si ugu dambeeyntii loo gaaro dhadhaminta macaanka nolosha lagu askumay Jaceylka dhabta ah .
Qofka wax jeclna waxa uu sameeyaa inta karaankiisa sidii uu soo jeedin lahaa nafta kale isaga oo ku saleeynaya dareemo ah in ay wada yihiin hal naf , hal caqli , hal gacan , hal jir iyo hal urur .
Macnaha Jaceylka ma ah mid lagu soo koobi karo maqaal ama laba maqaal laakiinse waan filiyaa in nuxur badan ama macno badan aad kala bixi doonin .
Calaamadaha Jaceylka:
Inkastoo qof waliba oo uu soo maray Jaceyl dhab uu u leeyahay calaamado gaar ah hadana inta badan waxa la isku raacay calamadahaan Dhidid fara badan, farxada la`aan , Fikir xad dhaaf ah , dhibsiga hadalada dad kale , in si weyn ugu oomanaato in lagaaga sheekeeyo qofka aad jeceshahay(gabar ama Wiil) iyo in aad aragto muuqiisa , cunnada oo ka xeranta , iyo waliba aqrinta sheekooyinka la xariira Jaceylka .
Wax Yaabaha Jaceylka Sara U Qaada: daacadnimo . adkeeynta balanta, ihtimaam siin ama daryeel, Runta , kalsooni .
Wax Yaabaha Jaceylka Bur Buriya:Qiyaanada waa mid ugu horeeysa ee ugu weyn in uu bur buro Jaceylka , Beenta iyana waa qeyb ka mid ah sababaha keena fashilka Jaceylka, Balan la`aan , in aadan daneyn qofka Jaceylka kaala dhaxeeyo , iyadoo Mowjadaha Jaceylka aad qof kula jirto in aan meel kale isku dayin in aad gasho taasi micnaheedu wa Damac qof kele.
Haddii aan Xaraf xafar ukala qaadno Jaceylka Soomaali ahaan waxa aynu u dhigi karnaa J(Jahwareer) A(Amakaag) C(Calaalncal)A(Ahmiyad) Y(Yaab) L(Luul) dhanka Carabta erayga (EiKC ) waxa ay u dhiagaan sida EiKEI waxa ay u taagan tahay Wareer halka EiCEI-na un taagan taagan tahay Cudur .
Erayga Jaceylka Ciyaar ma in aad ku dhawaaqdo waxaase asxaabta maqaalkaan fursad u hesha in ay aqristaan ku boorinayaa iyadoo aan Jaceyl hayn in qof kale ku yiraahdaan waan ku jeclahay iyadoo suura gal ah in qofka aad ku leedahay waan ku jeclahay uu dhab u qato ugu dambeeyntii cidlo uga tagto .

fikirkaaga nooguso dir email  
khadar.yuusuf10@gmail.com

SIDEE KU OGAAN KARTAA JACAYLKA KHIYAANADA WATA??

Waa dabiici marka uu xiriirkagu cusubyahay uu aad u macanyahay oo so jiidasho badan kuu muuqato. Waxa laga yaaba si fudud inaa ku saadalisid inuu xiriir fiican noqon doono oo jaceyl wanaagsan ka dhex abuurmi doono xiriirkaas. Markaad waqti mucayana la dhaafo oo aad si fiican isku baratan ayaa soo baxa qof kaste wuxu qarinaaye sida dabeecadaha iyo waxa runta ah uu necebyahay nolosha runta ah.
Qodobadan hoos ku xusan ayaad ku ogaan karta qofka aad xiriirka jaceyl la wadid inuu khiyaano wado iyo in kale.
WAQTI :-
Maalmihi hore waxa suurto gal ah inaad xiriirkaga waqti badan isla qaadan jirteen, hadeydan isla joogin xata fariin ama wicitaan telefoon ka heli jirtay, arimahas oo ka hoyda xiriirkina. Banaanko casho isku raacdaan iyo film isla soo dawataan oo meeshi ka baxa, waqtiga wada kulmi jirteen oo is badala ama yaraada. Qofka ku jecel si kasta uu mashquul u yahay wuu awooda inuu ku xiriiriyo ama kula kulmo hadaad isku meel joogtaan.
CAAJIS :-
Caajisnimo aad ka dareenta qofka xiriir la wadid waa tusaale cad in qofkaas xiisuhu ku hayay waqtigiisi dhamaaday. Hadalka aad wada qadatan xeta adinkoo waqti isku haya eey kula noqoto inaad la hadleysid qof aad waqti yar is taqaaneen, ama lugu soo gabagabeeyo ‘meel baan aadaya’, ‘waa daahsanayay’, ‘mashquul ayaan ahay’, ama ‘waa seexanaya’. Hadaad calaamadahan aragtid la fariiso qofka oo weydii waxa is badalay, wajigagana wax niyad jab ah yeysan ka muuqan yeysan kuula gudbin muran iyo wixi dagaal sababi kara oo si dabacsan u hadal.
DAACADNIMADA :-
Xiriirka jaceylka ciyaar ma ahan, dacaadnimo oo ku beermata xiriirka waxey keenta dabacsanaan iyo jaceyl siyaado ah. Kalsoonida uu ku hayay qofkaas oo ka muuqan waaya, sirti iyo hadalki la wadaagay oo meesha ka baxa waa daacadnimadi leysku bartay oo yaraata hadaba go’aan ka qaado qofkas inteysan si xun isku badalin.
KHALADAAD :-
Haduu qofka aad jeceshahay had iyo goor ku mashquulaayo khaladadkaga ha yaraado ama ha weynado khaladkuye, oo had iyo goor weyneynaya ama buunbuuninaya khalad aad gashay. Tan ayaa tusaale kugu filan qofkan inuu khiyaanoole yahay, digtoonow hadaad xiriirkaga calaamadan ku aragtid.
EEDEYN :-
Eedeyn badan oo aad la kulantid oo khalad walbo oo dhaca adiga kugu eedeynayo inaad tahay qofki sababta u aha. Runti qof ku jecel waligiis khalad makugu eedeeyo. Hadaad adi tahay qofka khaladka galay xataa asaga ayaa dusha iskaaga tuura, oo marna makula jecla inaa xumaato dareentid. Eedeyntan ayaa sabab u ah iney daboolan khaladaadkooda oo waqti aad ku hadashid ku suurta galin wayo qofkaas. Kasoo qaad, hadaad soo daahdid sababo gaadiidka owgeed wuxu ku weedinaya meeshad kusoo daahday, qofkas oo wuu kala hor mari su’aasha, asoo si fudud cudurdaar ku siin kara, wuuna kala hor mari si aadan u weydin sababta uu telefoon kaga qaban wayay xalay inteysan imaan su’aashas.
ISBADAL DHAQAN :-
Hadaad aragtid qofka la socotid oo is badal dhinaca labiska ah ku yimaado sida barafuunka ee xirtaan ama qaabka ay u labistaan, indhahaaga fur oo waxa jira qof kale oo eey ka doonayan soo jiidasho ama is tusayaan.

Waxyaabo haboon inaad ka digtoonata had iyo goor, ma ahan inaad isku qaadatid maseerleey/maseerlow hada qodabadan ka feejigantid oo waxa waye inaadan marnaba noqon qofki xiriir uu sameeyay daraadiis ka shalaaya.

QOYSKA BURBURAY WAA QARAN DUMAY!

Waxaa laga yaabaa in aad in badan is waydiisid Soomaalidu maxay dawlad ugu soo noqon la’dahay? Waa su’aal in badan dadka Soomaaliyeed madaxooda ka guuxaysa. Hadaba waa maxay sababtu? Iyadoo ay jiraan siyaabo kala duwan oo lagu macnayn karo sababta, haddana waxaa jira mid ka mid ah sababahaas oo laga yaabo dadka qaarkood inaysanba u arag inay dowladnimada qayb wayn ka tahay. Taasi waa burburka qoysaska Soomaaliyeed iyo caruurta rajadoodii luntay.
Marka laga hadlayo burburka qoys dhisnaa waxaan ka hadlaynaa arrin aad u culus diin ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waa arrin keenaysa  carruur dayacan barbarin ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waana arrin culays ku soo kordhinaysa ehelka qoyska burburay iyo bulshadaba.
Haddaba sideebuu burburkani u kala saameeyaa xubnaha qoyska?
Si aan u raadinno jawaabta su’aashan, aan midmid u fiirinno xubnaha qoyska.
Carruurta
Marka hooyada iyo aabuhu kala tagaan, ilmuhuna waxay noqdaan kuwo dayacan oo kala qaybsan oo aan ku barbarin sidii saxda ahayd ee ay xaqa u lahaayeen niyad ahaan iyo nolol ahaanba. Taas waxaa keena iyadoo  ay ka maqan yihiin daryeelkii iyo jacaylkii ay ka heli lahaayeen waalid wada jira. Taasi waxaa laga yaabaa in ay si wayn saamay ugu yeelato ilmaha mustaqbalkooda, taasoo dabcan bulshadanah saamayn ku yeelanaysa. Waxaan si waaqici ah u aragnay in ilmaha aan si habboon loo barbaarin uu dhibaato wayn u gaysan karo naftiisa, waalidkiisa, dariskiisa, iyo bulshadaba.
Hooyada
Hooyadu waa dhinaca labaad ee ugu nugul saameynta burburka, ugu yaraan labo sababood awgood. Kow: hooyadu si gaar ah ayay ugu nugushahay la’aanshaha qoys buuxa maadaama ay asaas u tahay qiyamka qoyska iyo mujtamacaba. Labo: dulqaadka ay u leedahay hawsha carruurta awgeed, howshaasi iyada ayay ku soo fakataa, taasoo marar badan keenta in ay xataa kaligeed ilmaha koriso. Taas waxaa ina tusi kara hooyooyin  badan oo maalintii oo dhan suuqa taagan si ay kaligood u dabbaraan nolosha ilmaha.
Aabaha
Waxaa la arki karaa in aabayaasha reerkooda si fudud u burburiyaa ay ku danbeeyaan seegseeg iyo saaqidnimo ayagoo noqda kuwo noloshoodu ku kooban tahay raadinta majin qaad ah. Kuwa ugu rooni waxay kasbadaan culays dhaqaale oo dheeraad ah.
Guud ahaan, xubnaha qoyska dumay midkoodna kuma noolaado niyadsami inta badan. Qaran ahaan, jiritaanka qoysas badan oo noocaan ahi waxay la macne tahay qaran asaaskiisa bulsho uu ku jiro tafaraaruq iyo farxad yari.
Gabagabo
Haddaba maxaa xal ah? Dawladda, culamada, waxgaradka kale ee umaddu waa inay ka wada qayb qaataan xal u raadinta dhibkaas. Waa in dib loogu noqdaa qaababka guurka iyo furriinka iyadoo laga dab qaadanayo Shareecada Islaamka.



WAXAAD U BAHANTAHAY QOF KULA WADAAGA RIYADAADA AMA HADAFKAAGA!!

Waxaan halkaan idin kula wadaaga Drs. Hibaaq c.raxman Buubaal, muuqaalkaan waxa ay dhakhtaraddu kaga hadlaysaa ahmiyadda ay leedahay in labada qof ee saaxiibadda ah ama xidhiidhku ka dhexeeyo ay is fahmaan isku hadafna ay ahaadaan:
ynaa muuqaal ka mid ah barnaamijka XUSUUS QOR DHAKHTARAD ILKOOD oo ay diyaariso
Ka faa’iidaysi wacan




WAA MAXAY TILMAAMAHA AY GABDHUHU WIILASHA KU JECLAADAAN?



Toddobaadkii hore waxaan blog-geyga ku baahiyay qormo falanqaynaysay tilmaamaha wanwanaagsan oo ay raggu gabadhaha ku raacaan. Waxaa gar ila noqotay, siixiibbada qaarna ay codsadeen in wax laga dhaho sifooyinka ay gabdhuhu rabi lahayeen in ragga nolosha la wadaagaya ay yeeshaan. Qof walba qofka hadda garab jooga ee uu nolosha la qaybsanayo ama uu damacsan yahay in uu la qaybsado, waa qasab in uu ku qanacsan yahay. Ma jiro qof qof kale si go’an ula dookh ah. Balse waxaa jira dhaqammo iyo astaamo wanwanaagsan oo bani’aadamku isku wada raacsan yahay. Sidaas oo kale, waxaa jira astaamo guud oo ay gabar walba rabto in uu wiilka riyadeedu yeesho. Bal tilmaamahan hoose isha la raac oo arag inta aad ka shinsato.
  1. Naxariis iyo nafhur
Ma waxaa jira dhaqan naxariis iyo nafhur ka wanaagsan ee uu qof yeelan lahaa? Gabadhu waxay rabtaa wiil u turaya, daryeelaya una nafhuraya. Nafhurnimadu waa in aadan anaani ahayn oo ‘wax walba aniga ayay igu fiican yihiin’ aadan dhahayn. Daraasad lagu daabacay The Journal of Social Psychology ayaa waxay tilmaantay in dumarku ay doorbidayaan lammaane nafhur leh marka laga hadlayo xiriirrada dhaadheer. Nafhurnimadu waxay tilmaan fiican ka bixineysaa astaamaha aabbenimo ama hooyanimo ee qofka iyo dabeecaddiisa wanaagsan.
  1. Maad iyo shactiro
Awoodda ka qoslinta ama sheegidda sheeko maad leh ama sameynta fal qosol leh waxay daliil u tahay caqli, halabuur iyo dhug sarreysa. Sidaas waxaa leh daraasad la sameeyay 2010 oo ay ka qaybgaleen 200 wiil iyo 200 gabdhood. Cilmigu wuxuu sheegayaa in kartida wiilku u leeyahay ka qoslinta gabadha ay muhiim u tahay gabadha. Qasab ma aha in aad noqoto sida Boon Xirsi ama Aw Kuukuu (AUN labadoodaba). Laakiin waa in aad xoogaa xariif ku tahay ka qoslinteeda. Ogow gabdhuhu way jecel yihiin wiilka dhibka badan (haddii ay gabar kugu tiraahdo ‘waad dhib badan tahay’ waxay ula jeeddaa ‘waxaad tahay kaftanlow; dhibkaaga waa ku la rabo’) oo ka qoslin kara ilaa ay calooshu xanuunto!
  1. Isku kalsoonaan
Dhaqammada aadka u soo jiita dumarka waxaa ka mid ah kalsoonida qofeed ee uu wiilku ku qaba naftiisa. Sida ay Carly Spindel qabto dumarku waxay ka helaan oo soo jiita ragga isku kalsoon oo falalkooda iyo meesha ay lugta dhigayaanba huba. Hadhow danbe isku kalsoonaantaasi waxay ka soo muuqanaysaa hab-dhaqanka wiilka. Isku kalsoonaantu waa kartida kuu suurtogalinaysa in aad madax bannaan tahay, cid kale wax kuu meerineyn leedahayna hab-dhaqan adiga kuu gaar ah oo lagugu garan karo.
  1. Dhageysi wanaagsan
Abuur ahaan dumarka ayaa ka hadal badan ragga [:)] . Iyaga ayaa hadalka ka faahfaahin og oo tafaasiisha sheekada ku taagtaagsan og, sida ay dad badan qabaan. Saa daraaddeed, gabdhuhu waa ay ka helaan wiilka dhegta u raariciya oo sheekada si wanaagsan uga gura. Gabadhu waxay jeceshahay wiilka dhibkeeda dhageysta oo aan hadalkeeda dhibsan ama aan warka ku celin. Cilmibaadhis ay ka qaybqaateen 1,000 dumar ah oo da’doodu u dhaxeyso 21 iyo 54 ayaa waxaa lagu wayddiinayay in ay sheegaan tilmaamaha ay ragga ku xulan lahaayeen. 53% waxay sheegeen in ay rabi lahaayeen in wiilku uu gabadha daneyn tuso oo uu u dheg raariciyo marka ay la hadlayso gabadhu. Bal ka fakar iyada oo kula hadlaysa adiguna aad moobaylkaaga ku malgan tahay. Iska jir taas oo kale!
  1. Kalgacayl
Gabadhu wax ay ka jeceshahay ma jiraan in wiilku uu u sheego in uu iyada jecelyahay. Kuma filna kaliya in aad dareensiiso kalgacalka aad u hayso, waxaad kaloo u baahan tahay in aad u sheegto. Dadka qaar ayaa ku dooda in gabdhuhu ay daacad u yihiin xiriirrada in ka badan wiilasha. Haddii ay taasi run tahay, jacayl dhab ah oo la dareensiiyo ayaa uun daacadnimadeeda kordhin kara kalsooni xoog lehna ku abuuri kara.
  1. Caqli
Caqligu waa awoodda maskaxeed ee macquulnimada oo aan u adeegsanno fahmidda waxyaabaha nagu hareereysan, kasbashada aqoon iyo xallinta dhibaatooyinka. Gabdhuhu way ka helaan ninka dhugtiisu fiican tahay ee sawirka weyn si sahlan u arki kara. Gabadhu way jeceshahay wiil garaad fiican leh, wax ay ka baran karta oo caqligiisana ku madadaalin kara.
  1. Tixgelin
Qofna ma jecla in hoos loo fiiriyo. Markay arrintu gabar joogto kaba daran. Gabadha waxaa soo jiita wiilka tixgelin dhab ah tusa oo sideeda iyo qof ahaanteeda ugu qanacsan. Sida ay ugu baahan tahay in iyada la xushmeeyo ayay, si la mid ah, waxay ugu baahan tahay in aragtideeda, qoyskeeda iyo qof walboo iyada u dhow la qaddariyo.
  1. Daacad
Dumar fara badan oo ilaa 1000 gaaraya ayaa waxaa la wayddiiyay in ay tixaan 10-ka tilmaan ee ugu horraysa oo ay jeclaan lahaayeen in uu yeesho wiilka ay doonayaan in ay nolosha la wadaagaan. 84% waxay dheheen ‘waa in uu daacad ii yahay.’ Xiriirrada badka qaba waxaa labada gees ka taagan dad lillaahi isu ah, isu kalsan oo aan is dhagrayn.
  1. Labbis qurxoon
Qofka lagama talogeliyo sida wejigiisa ama qaabka jirkiisu u ekeenayo. Hasayeeshee wuxuu ikhtiyaar buuxa u leeyahay dharka u xiranayo iyo sida uu u xiranayo. Ma jirto cid gabdhaha ka fahmi og quruxda waxa ay tahay; waayo waaba aqoon abuur ahaan ay la dhashaan. Dookha wanaagsan ee lebbiska iyo habka xirashada dharka waa qodob dumarka iyo dadkoo dhanba aad u soo jiita. Marka xigta si fiican uga fakar xulashada midabka iyo nooca maryaha aad xiran doonto.
  1. Karti
Ma jiro qof ceeb ka saliin ah. Ma jiro qof dhammeystiran. Balse qof walba dhan u badi. Sidaa ay tahay dumarku waa ay ka helaan wiilka wiilasha ka dhex muuqda oo leh karti ama wax gaar ah oo uu ku fiican yahay.  U fiirso miraha heestan Soomaali sida wiilku uu rabo in uu gabadha ugu faano. Wuxuu isku sheegayaa in uu yahay nin karti leh oo isagu xal u hela dhibaatooyinka.
Qisadii adkaatiyo
Xaajadi qallooc gala
Ka u qiil sameeyee
Loo qeyshadaan ahay.
In aad tahay qof duwan (je ne sais quoi), leh burji sarreeya iyo hab-dhaqan soocan oo dadka kale lagaaga sooci karo waa sifooyin gabadha si fiican kaaga gadaya. Maansayahankii hore ee Soomaaliga ee heesaha sameyn jiray marka uu hees iskula hadashiinayo wiil iyo gabar is xodxodanaya, waxaad arkaysaa in mar walba ay gabadhu wiilka ku xulanaysay kartida iyo astaamaha wanwanaagsan ee uu asaaggiisa kaga sarreeyo. U fiirso tuducyadan hoose oo ay gabar ku heestay:
Sida dhamastu geedaha
Dhirta uga sarreysaa
Adiguna dhammaantood
Qeyrkaa u dhaaftee
…..
Dhool karan hillaaciyo
Dhado lama maseeyee
Dhulka waxa rag joogana
Ma wiil kuu dhigmaa jira?
Geesi lagugu dherershana
Dhab laguma qabanoo
Weli hooyo may dhalin
Jacaylkeennu waa dhab
Waxaa iiga dhimman sharaf
Nasiib iigu kaa dhaca.
Haddii aad hesho wiil ‘aan caadi ahayn’ ha sii deyn.
  1. Kalsooni
Wiilka kula wadaagaya sirta iyo arrimaha noloshiisa oo dhan wuu kugu kalsoon yahay. Haddii qofku uu wax kaa kala reebto, waxay ka dhigan tahay weli waxbaa u harsan. Sida ay daraasad tilmaamayso xiriirka  jacayl ee abadiga ah waa kan ku dhisan kalsooni laba geesood ah. Kalsoonidu waxay labada qof dareensiinaysaa xasilloonni nafeed iyo nabadgelyo. Waa waxa u suurtogelinaya in qofku qofka kale isku halleeyo.
  1. Cunto ma karin taqaan?
Waqti dhow ka hor waxaa la qabay in dumarku aanu jecleyn in raggu uu arrimaha kushiinka faraha la soo galo. Dhaqan ahaan, mar walba hawsha guriga waxaa lagu fiirsadaa gabadha, haddii ay ahaan lahayd hooyo, abbaayo ama afo. Inkastoo laga yaabo in weli ay jiraan dumar raba in wiilku ka fogaado qabashada hawsha guriga, haddana waxaa, taa beddelkeeda, jira dumar fara badan oo soo dhaweynaya in wiilku uu ka caawiyo hawsha guriga sida cunto karin, ilmo hayn ama nadaafad. Nasiibxumo wiilka Soomaaliga intii uu yaraa waxaa hawsha guriga ka xigsaday hooyadii, walaashii ama gabar kale. Haddii aad ka mid tahay, sidayda oo kale [:)] , wiilasha tirada yar ee cunto karin yaqaan, bishaareyso. Adiga iyo qoftaadaba nasiib ayaad leedihiin!
  1. Fahan
Gabadhu, dareen iyo lahasho ahaan wiilka si wayn ayay uga duwan tahay. Waxaa laga yaabaa in wax adiga aad kuula fudud ay iyada ka caraysiin karaan ama si kale ay dareenkeeda u danqin karaan. Dumarku way u aayaan ragga iyaga fahma, dhibkooda dhagaysta ka dibna wax kala qabta. Bayooloji ahaan isbeddelka ku imaanaya jirka gabadha mararka qaar, wuxuu geyeysiinayaa in ay la soo baxdo dabeecad ka duwan teedii caadiga ahayd. Saa dareeddeed ayaad u baahan tahay in aad ogaato marka aan gabadha lala hadlin, marka horteeda aan lagu miriqshaanleyn iyo marka garab loo noqdo oo aan laga ag tegin.
  1. Astaamo kale
Qof ayaa wuxuu weyddiiyay dadka adeegsada bogga Quora su’aal ah ‘waa maxay astaamaha ay gabdhuhu rabi lahaayeen in ay wiilashu yeeshaan?’ Jawaabaha ay dadku bixiyeen, oo gabdho u badnaa, waxaa ka mid ah:
Ixtiraam- in uu kugu ixtiraamayo qofnimadaada.
Kaftanlow- in uu kaa qoslin karo. Ma jiro wax ka fiican in aad hesho qof ay sheekadiisu kaa qoslinayso.
In uu dhul-dhigan yahay oo uusan isla weyneyn, santaag (kibirrow ahayn).
Halabuur- in uu leeyahay halabuur (gabay iyo hees loolama jeedo) oo uu mar walba kaaga yaabsan karo wax cusub.
Dhexdhexaad- in uusan waqtigiisa oo dhan gelinin shaqo ama nasasho. Hadduu shaqo u wada go’o oon marnaba la arkayn waa dhib, taa beddelkeedana waa dhib kale.
In uu qurxoon yahay lacagna leeyahay J.
Maskax, maskax, maskax- in uu caqli leeyahay. Dumar haddii aan nahay waxaan jecelnahay wiil aan wax ka baran karno. Dumarku way jecelyihiin ninka maskaxda furan, xog-ogaalka ah oo wax yaqaan.
Ma jiro qof tusaale ah (ideal) oo dhammeystiran. Qodobbada kore waa uun qaar ka mid ah astaamaha wiil ee gabar soo jiidan kara. Qofka meel ku liita meel ayuu ku wanaagsan yahay. Laba qof oo wada jooga waxaa isku hayn kara isku qanacsanaan, isku kalsoonaan iyo jacayl laba geesood ah. Haddii aad raalli ka tahay oo aad ku qanacsan tahay lammaanahaaga isna jeceshihiin, ma farxad kuu harsan ayaa jirta?
W/Q: Shakir Mohamed Abdullahi
edditing by: DHIIRIYE MAGAZINE