SIDEED U KASBAN KARTAA JACAYLKA NINKAAGA?

Waxa aan marnaba muran gali karin in gabar kastaaba ay jeceshahay in uu saygeedu koolkooliyo ama la amaano, arinkan oo faaido u leh farxada iyo wanaaga lamaanaha nolosha wadaagaya, waxa hadalka dabacsan ee ninku xaaskiisa ugu roonaadaa kor u qaadaa kalsoonida xaaskiisa, waxa ay dareentaa in ay tahay in uu dunida ugu jecel yahay iyada.
dhinaca kale hadii hadal quruxbadan ay ka waydo xaasku saygeeda waxa ka dhasha kala fogaanshiyaha lamaanaha iyo waliba guud ahaanba qoyska aayahiisa dambe.
Hadaba qaabka ugu wanaagsan uguna fudud ee ay gabadhu ku kasban karto kalgacalka iyo muxubbada ninkeeda ayay bahda faaido qodobbadan idiinku soo uruurisay:
  1. Dareensii camalka wanaagsan ee uu qabto:
    Qaab qurxoon ugu mahadnaq waxyaabaha aad jeclaatay ee uu kuu sameeyay.
  2. Ugu roonow dhunkashada (Shumis):
    Waxaad isku daydaa mar kaste oo aad fusad u hesho inaad ninkaaga dhunkato ka faaidaysato, waxaad arki doontaa midhaha arinkan mudo kooban.
  3. U qurxi qolka hurdada:
    Habeennada qaar u diyaar garee qolka hurdada qaab qurxoon, hadii ay suurto gal tahay filim wacan oo jacayl ah oo aad wada daawataan u daar.
  4. Waydii nooca dharka hoosta laga xidho (Kastuumo) ee uu jecelyahay:
    Hadii runta laga hadlo ninka dareenkiisu cirka ayuu isku shareeraa hadii uu arko xaaskiisa oo ku labisan maro uu jecelyahay, sidaa awgeed fursad u sii inuu kula dooro dookha uu ka helo.
  5. Dhagta u saar hadal macaan oo cod hoose ku ladhan:
    Adiga oo adeegsanaya weedhba weedha ay ka dabacsan tahay dhagta u saar, arinkan ayaa waxa uu ninkaaga ku beeraya dareen aan xuduud lahayn.
Marwo, dhamaan ragu waxa ay jecel yihiin in xaaskoogu u muujiso qadarin iyo kalgacal, ugu dadaal arimahan iyo wax kaste oo wanaagsan, waxaad ka dheefi doontaan labadiinuba nolol farxad iyo jacayl badan.

   
BY: DHIIRIYE MAGAZINE

0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal