gabadha wax jecel

astaamaha lagu garto gabadha wax jecel!!

finanka wajiga

SIDEE LOO SAWEEYA FINANKA WAJIGA

MOBILE DATA

sidee loo yareeya lacagta aad mobileka ku isticmaalayso

XANUUNKA SHUBAN BIYOODKA{CHOLERA}

Xanuunkan sidee looga badbaada loogana hor tagaa

FAAIIDOOYINKA TIMIRTA

timirta iyo faaiidooyinka faraha badan ay leedahay wax ka ogow

Showing posts with label DHIIRIGALIN. Show all posts
Showing posts with label DHIIRIGALIN. Show all posts

Maxay Dadka Kale Guul U Gaadhaan Balse Anuu Aan U Gaadhi Waayay? Xalkeedi Ka Faidayso Halkan.

Ma guul ayaad raadinaysaa?

Ma waxaad doonaysaa inaad ku guulaysatid waxbarashadaada? Mise shaqadaada? Mise ganacsigaaga? Mise riyooyinkaaga? Mise kasbashada quluubta dadka? Mise wax kaleba?
 Ma waxaad hiigsanaysaa nolol qurux badan? Mise aakhiro qurux badan?
Waa maxay hawsha aad guusha ka raadinaysaa amba ku raadinaysaa? Hadaf (ujeeddo) ma u samaysattayse?
Ma hammi guul ayaa kaa guuxaya mise hadaf guul? Miyaad rajaynaysaa inaad guulaysatid mise waaba ujjeeddaada dhanba?
Wali ma is waydiisay tallaabada koobaad ee ugu saxsan inaad qaaddo si aad u guulaysatid?

Tallaabada koobaad ee looga baahanyahay inuu la yimaado si uu guusha uu doonayo u gaadhaa waa hadaf iyo ujeeddo uu ka lahaado hawshaas uu gudanaayo.
Maxaa hadaf looga baahanyahay haddii aan hammigii hayo?
Farqi aad u wayn ayaa u dhaxeeya qofka hammiga qudhaata leh iyo qofka isku darsaday hammi iyo hadafba. Qofka hammiga qudhaata hayaa waxa uu la mid yahay qof wax rajaynayaa, waxa uu rajaynayaa meeshaa uu ku hammiyaayo inuu gaadho, hawshaas uu ku hammiyaayo inuu qabto. Wax la rajeynayaana waa 50% oo ay ku khasaari karto iyo 50% ay ku suurtoobi karto. Marka uu qofku rajo leeyahay waxa uu raali kaga yahay goor kasta oo ay u hirgashaba rajaadaasi, waayo wuu rajaynayaay uun markii horeba!
Kuguma filna inaad wax rajaysaa si aad ficil dhab ah ula iman lahayd. Kuguma filna inaad wax rajaysaa si aad go’aan dhab ah ula iman lahayd. Rajadu marna way yaraataa, marna way korodhaa. Rajadu marna way tagtaa marna way soo noqottaa. LAAKIIN go’aanku marna intuu laabto marna masoo noqdo. Go’aanku marna inta uu yaraado marna ma saa’ido, ee barta uu ka bilaabo ayuun buu ku dhammaadaa haddii uu mid dhab ah yahay. Rajadu ma keensatto in uu qof la yimaado ficil dhab ah ee go’aanka weeyaan ka keensadaa. Hadafkuna waxa uu yimaadaa go’aan ka dib. Go’aankuna waxa uu keenaa hadaf. Laakiin go’aanku waxuunbuu ka dhashaa marka lala yimaado hammi dhaafay heerkii rajada kadib.
Waa maxay Hadaf?
Hadaf waa ujeeddo shay/hawl/nolosha laga leeyahay oo loogu talo galay in waqti xaddidan lagu dhammays tiro.
Hadafka saxda ahi waxa uu ku siinayaa go’aan dhab ah, go’aanka dhabta ahina waxa uu ku siinayaa hadaf sax ah. Hadafka saxda ahi waxa uu ku siinayaa qorshe ballaadhan, waxa uu ku siinayaa ficil dhab ah, waxa uu kugu keenayaa is beddel dhab, waxa uu kuu siyaadinayaa doonitaan dhab ah.
Hammi + Rajo/Doonitaan = Rajo
Hammi/Rajo + Go’aan = Ficil (Sax amba Qalad ah)
Hammi/Rajo + Go’aan + Hadaf = Ficil Sax ah = Guul

Marka aad hadaf leedahay natiijada inaad heshid ma sugaysid uun ee waqti ayaad u cayyintay. Waxaad qiimaynaysaa naftaada, ficiladaada, tallaabooyinkaaga, qorshahaaga iyo wax kasta oo ku shuqul leh natiijadaas gaadhisteeda. Marka aad hadaf leedahay waxaad xisaabinaysaa naftaada, waqtigaaga iyo horumarkaaga. Marka aad hadaf leedahay ugumaad talo galin inay wax qaldamaan, waayo haddii xattaa ay wax qaldamaan qorshe labaad ayaad u haysaa oo aad ku baddashid wixii qaldamay. Markaa aad hadaf leedahay natiijada aad doonaysid mooyaanee wax kale lagama yaabo inaad raali ka noqotid oo aad ku koobnaatid. Hadafkaaga oo xaqiijisma mooyee xal kaleba ma aragtid waana dariiqa ugu saxsan ee lagu gaadho guul qurux badan.
Taallaabada koobaad ee ku sugaysa inaad saxdaa waa inaad hammigaaga hadaf u baddashaa, rajadaada go’aan u baddashaa, fadhigaaga ficil u beddeshaa.
Bini aadamku waxay ay xayawaanka kaga duwanyihiin waa caqliga. Bini aadamka gabigiisuna waxay kusii kala duwanyihiin waa hal hadaf, waa ujeeddada laynoo abuuday ee ah inaynu Allah swt cibaadadiisa la nimaadno; taasaa laba u kala jabisay bini aadamka (Gaal iyo Muslim). Hadaba gaalku waxa qudhaata ee uu xoolaha kaga duwanyahay waa ujeeddooyinka uu addunka ka leeyahay, waayo haddii aakhiraba aanuu aaminsanayn, oo aanuu ujeddaadii aduunka loo keenay saxin xoolo ayuun buu ahaan lahaa, laakiin waxa qudhaata ee ka badbaadisay waa ujeeddooyinka iyo ahdaafta uu adduunka ka leeyahay, wax qabadyada iyo is beddelada iyo dedaalkda uu la imaanaayo inta uu addunka joogo. Hadaba Muslimiineey, in badan oo inaga mid ahi ujeeddooyin iyo ahdaafba ma lihin kaas Rabbi swt inoo sameeyay mooyaanee. Bal adigu waxaad is waydiisaa, ka warran haddii halkaas u jeeddana kaa maqnaa ma la mid ahaan lahayd xoolo? Waayo ujeeddo intaas dhaafsiisanba ma lihidee?
Muhiimadda ujeddeeda iyo hadafka waxa caddayn u ah inaan Ilaahay swt bilaa ujeeddo kuu abuurin! Ee bal ADIGUNA bilaa ujeddoo ha noolaanee hadaf samayso!!!!

 By Dhiiriye Magazine

MASKAXDA BINU ADAMKA!!

Weligaa ma la yaabtay faraqa u dhexeeyo maskaxdaada iyo maskaxda maroodiga? Maskaxda maroodiga cabbirkeedu waxa uu saddex jibaar ka wayn yahay maskaxda bani-aadamka haddana bani-aadamku waxay si aad uga caqli badan yihiin maroodiga.
Hadaba su’aashu waxay ay tahay sababma ayay bani-aadamku uga caqli badan yihiin maroodiga inkastoo maskaxdoodu aad uga yartahay tan maroodiga? Jawaabtu waxay tahay xidhiidhka ay leeyihiin unugyada maskaxda bani-aadamku waxay aad uga badan yihiin tan maroodiga.

MA DONEYSDA INAAD YEELATO MUSAQBAL IFAYA??

Hadii aad dooneeyso inaad noqoto qof dadka kale ka soocan oo mustaqbal fiican leh waxaa jiro qodobo eey tahay inaad raacdo si aad u noqoto qof dadka kale ka duwan oo mustqbalkiisana ifaayo:
1. Dhoolacadeey xili walbo hadii aad faraxsantahay iyo hadii aad murugeeysantahay .
2. Iska iloow wixi hore ee aad kasoo gudubtay sababtoo ah xasuusashada wixi hore dib u dhac ayeey kugu keeni kartaa,  hada si fiican u dadaal si mustaqbalkaada u noqdo mid qurxoon.
3. Ku cibro qaado khaladaadaka dadka kale eey sameeyeen si aadan ugu dhicin khaladkaas oo aad isaga ilaaliso.
4. Dhageeyso wanaada dadka kale sababtoo ah qofka kuwaaninaya waxaa laga yaabaa inuu horay u soo maray qodobka uu kaa waaninaayo ama uu ogyahay dhibka ka imaanaya.
5. Ka faa’iideeyso fursadaha kusoo mara maxaa yeelay fursad hal mar kaliya ayeey kusoo mareeysaa.
6. Dadka kale haku deeysan shakhsiyadaada isdhis.
7. Noqo Qof daacad ah lana saaxiib mabaadida kuu dagsan, naftaadana ku kalsoonaaw.
8. Marwalbo xiliga aad ku jirto xaaladeeda ku noolaaw haka fikirin bari iyo waxa dhacaya.
9. Iska cafi dadka dhibka kuu geeysta, hana ku saamoobin fikirada dadka kale, hadalka dadka kalana waxaad ka dhigataa jaran jar aad ku gaareeyso hadafkaada.
10. Dadka kale ula dhaqan qaab wanaagsan oo ixtiraam ku dheehanyahay Diinteena Islaamkana waa eey na fareeysaa dhaqanka wanaagsan.

Sidookale Waxaa jira talooyin hadii aad raacdo aad ku noqon karto qof dadka kale ka duwan kana saameeyn badan:
Taladda 1aad: U shaqeey qaab eey daacadnimo ku jirto maxaa yeelay qofka aad shaqada u qabaneeyso iyo adigaba dan ayeey idin tahay
Taladda 2aad: Xooji rabitaankaaga adigoo ku xoojinaayo fikirka saliimka ah, dhacdooyinka ku soo mara noloshaada, Inaad sii wado dadaalka iyo inaad waajahdo culeeysyada nolosha oo aad u dulqaadato.
Taladda 3aad: Wax isbar adigoo akhrinaya buugaagta cilmiyada, taariikhdi umadihi hore iyo qaabka eey u dhaqmi jireen, Sidookale waxaad barataa ku hadalka luqado kal duwan sababtoo ah luqadu waxeey ka mid tahay qaabka eey dadka ku wada xariiraan
Taladda 4aad: Ixtiraam dadka kale sidookale ixtiraam ra’yigooda hadii xataa eey ka hor imaanayaa mabaadidaada ka dhageeyso oo la falanqeey, hadii fikir kaa khaldanaa laguu saxana iska badal oo fikirka saliimka ah qaado. Hormarka socdo la soco.


XIGMADO CAJIIBA!!!

1.     Dhakhtar ayaa mar yidhii, “Daawada ugu wanaagsan dadka waa Jaceyl.” Qof ayaa weydiiyay, “Ka waran haddii uusan shaqeyn?”
Wuu dhoolacadeeyay wuxuuna ku yiri, “Badso dose-ka, isticmaalka daawada” 
2. Will ayaa Hooyadii weydiiyay: “Sidee baan u heli doonaa haweenayda Saxda ii ah?
Hooyadii ayaa ugu jawaabtay. “Ha ka welwelin helida haweenay sax ah, xooga saar sidi aad u noqon lahayd Ninki Saxda ahaa”
3. Nin ayaa Farmashi soo galay wuxuu ka cabanayay stress badan, welwel, xanaaq, hurdo la’aan & cabsi. Farmashiistihi ayaa ku yiri, “Waxaa u baahan tahay Vitamin Diin si waxan ku haya kaaga ba’aan. Marka Alle ku xirnow, Salaada iyo ducada badi”
4. Gabar ayaa weydiisay Nin Sheekh ah, “Sidee baan ku ogaan karaa in uu si dhab ah ii jecel yahay?” Sheekhi ayaa ugu jawaabay, “Naftaada keliya ha eegin, hubi marka hore in Allihi ku abuuray uu jecelyahay. Sidee buu qof kuu jeclaan karaa ama kuu siin karaa Jaceyl dhab ah, goortii aysan xitaa jeclayn Allihi adiga ku abuuray?
5.  Nin dhalinyaro ah ayaa nin Caaqil ah ku yiri, “Sidee baan Aduunka is bedel ugu sameyn karaa?” Caaqilki ayaa ugu jawaabay, “Haddii aad rabto in aad is bedel ku sameyso Aduunka, samee inta aad keliga tahay. Sababtoo ah guurka ka dib xitaa ma bedeli kartid TV channel.
6. Wiil Dhalinyaro ah ayaa su’aalay oday weyn, “Waa maxay Romance” Caaqilki ayaa ugu jawaabay, “Romance waa in aad reer yeelato, mas’uuliyad weyn isa saarto, ka dibna Reerkaaga aad u shaqeysato”
W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje


MAXAY DADKU II NECEBYIHIIN???

1. Ma rabaan inaad ka badiso. Waxay u arkaan nolosha inay tartan tahay, Yaa caansan, yaa taajirsan, yaa saaxiibo badan, yaa qurxoon, yaa shaqo fiican. Waxay ka baqayaan inaad adigu ka dheereyso iyagana loo arko Faashil. Mar kasta oo aad ka dheereyso neceybkaa u sii siyaadaya.

2. Waxaad leedahay dabeecadaha dadku necbeystaan sida Bakheylnimo, isla weyni, kibir, Been badan, lugooyo, qaraabo goys, iwm.
3. Waxay u heystaan inaadan u qalmin heerka aad joogto. Ma eegayaan shaqada adag & dhibta aad halkan ku soo gaartay.
4. Ma hilmaami karaan wixi la soo dhaafay. Waxbaa idin dhex maray beri hore. Laga yaabee inaad isku fiicneydeen balse kala boodeen.
5. Ma heystaan wax kaloo wanaagsan oo Nolosha ay qabtaan. Waxay maareyn waayeen dhibkooda, waxay ka baqaan is bedelka. Laga yaabee inaysan adiga shaqsiyan ku necbayn balse ay sida iska yihiin.
6. Waa dad maseyr & xaasid badan. waxay rajeeyaan inaad soo dhacdo sababtoo ah waxay rabaan inaad weydo waxa aad heysato oo aysan heysan. Waxay nolosha u arkaan sidi zero-sum game. Waxay u arkaan hadii aad saaxiibo ama taageerayaal weydo inay iyagu qeyb helayaan.
7. Kuma faraxsana qeyb noloshooda ka mid ah. Way fashilmeen. Waxayna rabaan in qof kale la dareemo. Ma rabaan inay keligood dhintaan.
8. Waxay rabaan inay attention helaan. Waxa ugu badan ee ay ka baqaan waa aamusnaanta. Waxay dareemaan inay qof jira yihiin goortii codkooda aad maqasho. Ha u jawaabin. Hala murmin. Way ka sii helayaan keliya.
9. Laga yaabee inay Qabiilkaada iyo deegaankiina neceb yihiin!
10. Is fahan la’aan. Dad baa iyagoo qofki aqoon ama arkin iska necbeysta. Waxayna dhahaan “Jinigeygaa neceb” ama “waa iska sanifay”

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje