Hadii aad dooneeyso inaad
noqoto qof dadka kale ka soocan oo mustaqbal fiican leh waxaa jiro qodobo eey
tahay inaad raacdo si aad u noqoto qof dadka kale ka duwan oo mustqbalkiisana
ifaayo:
1. Dhoolacadeey xili walbo hadii aad faraxsantahay iyo hadii
aad murugeeysantahay .
2. Iska iloow wixi hore ee aad kasoo gudubtay sababtoo ah
xasuusashada wixi hore dib u dhac ayeey kugu keeni kartaa, hada si fiican
u dadaal si mustaqbalkaada u noqdo mid qurxoon.
3. Ku cibro qaado khaladaadaka dadka kale eey sameeyeen si
aadan ugu dhicin khaladkaas oo aad isaga ilaaliso.
4. Dhageeyso wanaada dadka kale sababtoo ah qofka kuwaaninaya
waxaa laga yaabaa inuu horay u soo maray qodobka uu kaa waaninaayo ama uu ogyahay
dhibka ka imaanaya.
5. Ka faa’iideeyso fursadaha kusoo mara maxaa yeelay fursad
hal mar kaliya ayeey kusoo mareeysaa.
6. Dadka kale haku deeysan shakhsiyadaada isdhis.
7. Noqo Qof daacad ah lana saaxiib mabaadida kuu dagsan, naftaadana
ku kalsoonaaw.
8. Marwalbo xiliga aad ku jirto xaaladeeda ku noolaaw haka
fikirin bari iyo waxa dhacaya.
9. Iska cafi dadka dhibka kuu geeysta, hana ku saamoobin
fikirada dadka kale, hadalka dadka kalana waxaad ka dhigataa jaran jar aad ku
gaareeyso hadafkaada.
10. Dadka kale ula dhaqan qaab wanaagsan oo ixtiraam ku
dheehanyahay Diinteena Islaamkana waa eey na fareeysaa dhaqanka wanaagsan.
Sidookale Waxaa jira talooyin hadii aad raacdo aad ku noqon
karto qof dadka kale ka duwan kana saameeyn badan:
Taladda
1aad: U shaqeey qaab eey daacadnimo ku jirto maxaa yeelay qofka
aad shaqada u qabaneeyso iyo adigaba dan ayeey idin tahay
Taladda 2aad: Xooji rabitaankaaga adigoo ku
xoojinaayo fikirka saliimka ah, dhacdooyinka ku soo mara noloshaada, Inaad sii
wado dadaalka iyo inaad waajahdo culeeysyada nolosha oo aad u dulqaadato.
Taladda 3aad: Wax isbar adigoo akhrinaya
buugaagta cilmiyada, taariikhdi umadihi hore iyo qaabka eey u dhaqmi jireen,
Sidookale waxaad barataa ku hadalka luqado kal duwan sababtoo ah luqadu waxeey
ka mid tahay qaabka eey dadka ku wada xariiraan
Taladda 4aad: Ixtiraam dadka kale sidookale
ixtiraam ra’yigooda hadii xataa eey ka hor imaanayaa mabaadidaada ka dhageeyso
oo la falanqeey, hadii fikir kaa khaldanaa laguu saxana iska badal oo fikirka
saliimka ah qaado. Hormarka socdo la soco.
Thank you so much brother Jazakallah
ReplyDelete