gabadha wax jecel

astaamaha lagu garto gabadha wax jecel!!

finanka wajiga

SIDEE LOO SAWEEYA FINANKA WAJIGA

MOBILE DATA

sidee loo yareeya lacagta aad mobileka ku isticmaalayso

XANUUNKA SHUBAN BIYOODKA{CHOLERA}

Xanuunkan sidee looga badbaada loogana hor tagaa

FAAIIDOOYINKA TIMIRTA

timirta iyo faaiidooyinka faraha badan ay leedahay wax ka ogow

Showing posts with label GUURKA. Show all posts
Showing posts with label GUURKA. Show all posts

MAXAAD U GUURSAN WAYDAY WALAAL?

Maa Uu guursan Najmu diin oo ahaa amiirkii Tikriit waqti dheer.
Walaalkii Asadu diin ayaa waydiiyay: walaalo maxaad u guursan waydsy.
Najmu diin: Wali ma hayo mid ii wacan.
Asadu diin: Ma kuu doonaa gabarta uu dhalay boqor Shah bintu suldaan ama inanta boqorka wasiirkiisa.
Najmu diin: Iyaguna iima wacna.
Asadu diin: Hadaba yaa kuu wacan waayee?
Najmu diin: Waxaan rabaa sawjad saalixa, gacanta i qabata illaa Jannada oo ii dhasha walad saalix ah oo noqda geesi Qudus dib ugu soo celiya Muslimiinta.
Asadu diin muu cajabin hadalkani, waxa uu si adag u waydiiyay, yaa waxaa kuugu sheekeeyay?
Najmu diin: Qofka Allah niyad barax tiran ku tala saarta, Allah ayaa ku arsaaqa wuxuu rabo.
Maalin maalmaha kamid ah Najmu diin oo la fadhiya Masaajidka Tikriit mid kamid ah culimada wadanka, ayaa waxa uu maqlay gabar sitaarada masjidka gadaasheeda kala hadlaysa Sheekha.
Sheekhii ayaa ka cudur daartay Najmu diin si uu ula hadlo gabarta.
Najmu diin ayaa hadalkoodii soo gaaray.
Sheekhii: Gabaryahay maxaad u diiday ninkaan kuusoo diray.
Gabartii: run ahaantii waa nin Allah isugu daray qurux, lacag iyo mansab, balse iima wacna.
Sheekhii: Oo hadaa maxaad rabtaa?
Gabartii: Waxaan rabaa nin gacantayda ii qabta ilaa Jannada oo aan u dhalo walad tarbiyad wacan lagu soo koriyay noqdana geesiga Muslimiinta usoo celiya Qudus.
Allahu Akbar, waa isla weedhihii uu walaalkii ku lahaa.
Najmu diin wuxuu diiday ina boqor iyo ina Suldaanba.
Iyaduna waxay diiday nin qurux,mlacag iyo mansab isku haysta.
Labadooduba waxay ka doorbideen ruux gacantooda qabta ilaa Jannada una dhala wiil Muslimiinta Qudus usoo celiya.
Najmu diin ayaa markuu soo noqday sheekhii waydiistay waxaan rabaa gabartaas inaan guursado.
Sheekhii: Waa miskiinad kamid ah saboollada magaalada.
Najmu diin: Miskiinaduba waa taan raadinayay.
Sidii ayuu ku guursaday Najmu diin gabartii, waxa ay u dhashay wiil Muslimiinta wax badan u taray una soo celiyay Qudus, waa Salaaxuddiin Al Ayuubi.

Waataas taariikhda iyo dhaxalka ay tahay inaynu uga waranno caruurteena, dadka ay tahay inaynu ku xidhno.

SIDEED U KASBAN KARTAA JACAYLKA NINKAAGA?

Waxa aan marnaba muran gali karin in gabar kastaaba ay jeceshahay in uu saygeedu koolkooliyo ama la amaano, arinkan oo faaido u leh farxada iyo wanaaga lamaanaha nolosha wadaagaya, waxa hadalka dabacsan ee ninku xaaskiisa ugu roonaadaa kor u qaadaa kalsoonida xaaskiisa, waxa ay dareentaa in ay tahay in uu dunida ugu jecel yahay iyada.
dhinaca kale hadii hadal quruxbadan ay ka waydo xaasku saygeeda waxa ka dhasha kala fogaanshiyaha lamaanaha iyo waliba guud ahaanba qoyska aayahiisa dambe.
Hadaba qaabka ugu wanaagsan uguna fudud ee ay gabadhu ku kasban karto kalgacalka iyo muxubbada ninkeeda ayay bahda faaido qodobbadan idiinku soo uruurisay:
  1. Dareensii camalka wanaagsan ee uu qabto:
    Qaab qurxoon ugu mahadnaq waxyaabaha aad jeclaatay ee uu kuu sameeyay.
  2. Ugu roonow dhunkashada (Shumis):
    Waxaad isku daydaa mar kaste oo aad fusad u hesho inaad ninkaaga dhunkato ka faaidaysato, waxaad arki doontaa midhaha arinkan mudo kooban.
  3. U qurxi qolka hurdada:
    Habeennada qaar u diyaar garee qolka hurdada qaab qurxoon, hadii ay suurto gal tahay filim wacan oo jacayl ah oo aad wada daawataan u daar.
  4. Waydii nooca dharka hoosta laga xidho (Kastuumo) ee uu jecelyahay:
    Hadii runta laga hadlo ninka dareenkiisu cirka ayuu isku shareeraa hadii uu arko xaaskiisa oo ku labisan maro uu jecelyahay, sidaa awgeed fursad u sii inuu kula dooro dookha uu ka helo.
  5. Dhagta u saar hadal macaan oo cod hoose ku ladhan:
    Adiga oo adeegsanaya weedhba weedha ay ka dabacsan tahay dhagta u saar, arinkan ayaa waxa uu ninkaaga ku beeraya dareen aan xuduud lahayn.
Marwo, dhamaan ragu waxa ay jecel yihiin in xaaskoogu u muujiso qadarin iyo kalgacal, ugu dadaal arimahan iyo wax kaste oo wanaagsan, waxaad ka dheefi doontaan labadiinuba nolol farxad iyo jacayl badan.

   
BY: DHIIRIYE MAGAZINE

QOYSKA BURBURAY WAA QARAN DUMAY!

Waxaa laga yaabaa in aad in badan is waydiisid Soomaalidu maxay dawlad ugu soo noqon la’dahay? Waa su’aal in badan dadka Soomaaliyeed madaxooda ka guuxaysa. Hadaba waa maxay sababtu? Iyadoo ay jiraan siyaabo kala duwan oo lagu macnayn karo sababta, haddana waxaa jira mid ka mid ah sababahaas oo laga yaabo dadka qaarkood inaysanba u arag inay dowladnimada qayb wayn ka tahay. Taasi waa burburka qoysaska Soomaaliyeed iyo caruurta rajadoodii luntay.
Marka laga hadlayo burburka qoys dhisnaa waxaan ka hadlaynaa arrin aad u culus diin ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waa arrin keenaysa  carruur dayacan barbarin ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waana arrin culays ku soo kordhinaysa ehelka qoyska burburay iyo bulshadaba.
Haddaba sideebuu burburkani u kala saameeyaa xubnaha qoyska?
Si aan u raadinno jawaabta su’aashan, aan midmid u fiirinno xubnaha qoyska.
Carruurta
Marka hooyada iyo aabuhu kala tagaan, ilmuhuna waxay noqdaan kuwo dayacan oo kala qaybsan oo aan ku barbarin sidii saxda ahayd ee ay xaqa u lahaayeen niyad ahaan iyo nolol ahaanba. Taas waxaa keena iyadoo  ay ka maqan yihiin daryeelkii iyo jacaylkii ay ka heli lahaayeen waalid wada jira. Taasi waxaa laga yaabaa in ay si wayn saamay ugu yeelato ilmaha mustaqbalkooda, taasoo dabcan bulshadanah saamayn ku yeelanaysa. Waxaan si waaqici ah u aragnay in ilmaha aan si habboon loo barbaarin uu dhibaato wayn u gaysan karo naftiisa, waalidkiisa, dariskiisa, iyo bulshadaba.
Hooyada
Hooyadu waa dhinaca labaad ee ugu nugul saameynta burburka, ugu yaraan labo sababood awgood. Kow: hooyadu si gaar ah ayay ugu nugushahay la’aanshaha qoys buuxa maadaama ay asaas u tahay qiyamka qoyska iyo mujtamacaba. Labo: dulqaadka ay u leedahay hawsha carruurta awgeed, howshaasi iyada ayay ku soo fakataa, taasoo marar badan keenta in ay xataa kaligeed ilmaha koriso. Taas waxaa ina tusi kara hooyooyin  badan oo maalintii oo dhan suuqa taagan si ay kaligood u dabbaraan nolosha ilmaha.
Aabaha
Waxaa la arki karaa in aabayaasha reerkooda si fudud u burburiyaa ay ku danbeeyaan seegseeg iyo saaqidnimo ayagoo noqda kuwo noloshoodu ku kooban tahay raadinta majin qaad ah. Kuwa ugu rooni waxay kasbadaan culays dhaqaale oo dheeraad ah.
Guud ahaan, xubnaha qoyska dumay midkoodna kuma noolaado niyadsami inta badan. Qaran ahaan, jiritaanka qoysas badan oo noocaan ahi waxay la macne tahay qaran asaaskiisa bulsho uu ku jiro tafaraaruq iyo farxad yari.
Gabagabo
Haddaba maxaa xal ah? Dawladda, culamada, waxgaradka kale ee umaddu waa inay ka wada qayb qaataan xal u raadinta dhibkaas. Waa in dib loogu noqdaa qaababka guurka iyo furriinka iyadoo laga dab qaadanayo Shareecada Islaamka.



WAXAAD U BAHANTAHAY QOF KULA WADAAGA RIYADAADA AMA HADAFKAAGA!!

Waxaan halkaan idin kula wadaaga Drs. Hibaaq c.raxman Buubaal, muuqaalkaan waxa ay dhakhtaraddu kaga hadlaysaa ahmiyadda ay leedahay in labada qof ee saaxiibadda ah ama xidhiidhku ka dhexeeyo ay is fahmaan isku hadafna ay ahaadaan:
ynaa muuqaal ka mid ah barnaamijka XUSUUS QOR DHAKHTARAD ILKOOD oo ay diyaariso
Ka faa’iidaysi wacan




WAXKA BARO SIDA LOO OGAADO DABEEECDA IYO HAB DHAQANKA UU LEEYAHAY NINK AAD GUURSANAYSA!!!

haween badan oo dunida guudkeeda ku nooli waxa ay in badan ka cawdaan habdhaqanka raggooda oo aad u adag iyo noloshooda qoysnimo oo ay hadhaysay dabeecad xumo iyo ad adayg xad dhaaf ah, oo ay raggooda kala kulmaan muddo ka dib marka ay is guursadaan.
marwada iyo sayigeedu muddo marka ay nolosha wadaagaan waxa soo baxda xaqiiqada dhabta ah ee dabciga midba leeyahay, waxaana midba midka kale kala kulmaa dabeecadiisa asalka ah ee uu mudada qarsanaayey, iyada oo xaladu sidaasi ka duwanayd markii ay xidhiidhka sheeko lahaayeen.
haddaba akhriste waxa aynu eegidoonaa talooyin dhowra oo ku tusinaya, baahida weyn ee loo qabo in haweenaydu si aad ah u barato sayigeeda:
·         marka hore waa inaad xadidaad ku samaysaa oo uu kuu calaamadsanaadaa ninka aad ku riyoonayso in aad mustaqbalka la wadaagayso, hab run ah naftaada ugu sheeg ceebaha kaaga muuqda ninka aad sheekada la wadaagayso. miisaankana si xigmadi ku jirto u saar kuna go’aan qaado waxa kaaga soo baxa baadhitaankiisa
·         mudada aad sheekada la wadaagayso waxa aad u fiirsataa habka uu ula dhaqmo dadka kale, gaar ahaan dumarka, ragga ay asxaabta gaarka ah yihiin, kuwa ay qaraabada dhow yihiin iyo guud ahaan habka uu dadka u ixtiraamo. dhamaan arrimahani waxa ay tilmaan u yihiin, habdhaqankiisa bulsheed oo aad wax ka ogaato
·         waxa aad u fiirsataa sida uu ula macaamilo hooyadii, habalaha ay walaalaha yihiin iyo haddiiba ay jiraan dumar ay walaaladii qabaan, waxa aad ogaataa in aanu qoyskiinu ka duwanaanayn sida uu qoysaska kale ula dhaqmo
·         ka digtoonow in aad markaaba si xad dhaaf ah ugu qanacdo oo aad go’aan guur oo deg-deg ah gaadho, muddo ninka iska hubi oo ha ku deg-degin guurkiisa
·         waanada ugu danbaysaa waxa ay odhanaysaa, ka fogow nin kasta oo dadka kale yaraysta kulana dhaqma dabeecad adag iyo qalafsanaan, isla markaana gacanta ka hadla oo dagaalkiisu badan yahay, caadifaddiisuna sarayso.

“ogsoonow ninka noocan ahi waxa la ogaaday in aanu ku wanaagsanayn xidhiidh toolmoon oo dhex mara ragga iyo dumarka inkasta oo taa badalkeeda haween badani jecelyihiin in ay xidhiidh mustaqbal la wadaagaan ragga kulul”

FURAYAASHA GUUSHA QOYSKA WANAAGSAN

Waxaa Sanadahan danbe aad kor ugu kacay xaaladaha furitaanka, burburka Qoyska iyo dayacanka Ubadka, hadaba Qoraalkaan ka Aqriso Furayaasha Guusha Qoyska wanaagsan.
Balse waxaa jira qoysas badan oo Guurkoodii raandhiisay, ama sifiican uhirgalay, waxaana hubaal ah in Guurarka guulaystay ayna bilaash ku guulaysanin, balse uu katalaabsaday dhibaatooyin badan oo sababay in guurar kale oo isaga lamid ahaa ay burburaan.
Hadaba waxaa jira furayaal dhawr ah oo keenay guushaas, waxaana kamid ah:
In laxakameeyo khatarta Carabka
Afdhaafka ama carab dheeridu waxay kamid tahay khataraha ugu waaweyn ee nolosha lamaanaha jug weyn gaarsiin kara. Hadaba waxaa aad uhaboon inay labada isqabtaa ku dadaalaan siday uxakamayn lahaayeen Carabkooda, gaar ahaan xaaladaha carada iyo xanaaqa.
Hadalka xun ee soo baxa waqtiga xanaaqa lama iloobo, gaar ahaan haduu yahay mid kujeeda reerka ama qoyska ay kasoo jeedo xaasku. Hadaba Carabku waa xubin yar oo aan laf lahayn lakiin jabin karta laffo xeel dheer, burburin kartana guryo dhisnaa,  kalagayn kartana reero aad isu jeclaa.
Indhahaaga nus fur nusna iskuxir
Waxaa lawada ogyahay in marka lays shukaansanayo qofwaliba kudadaalo inuu muujiyo dhinacyada uu kufiican yahay, ama meelaha uu kaqurux badan yahay, si’uu qofka kale isu jeclaysiiyo.
Marka lays arooso kadibna si dhab ah ayaa laysu bartaa, qofwalbana waxaa usoo ifbaxa ceebaha qofka kale. Rabbina (swt) ma abuurin qof dhamays tiran, ee qofwalba meelo ayuu kaliitaa, ceebana ka leeyahay, hadaba waxaa haboon inaada beegsanin ceebaha iyo iimaha qofka kula nool ee aad fiiriso, dhinacyada uu kufiican yahay, ka qurxan yahay, kuna amaanto meelahaas isuu kuusii jeclaado. (Waqtiga shukaansiga indhahaaga aad uffur, Guurka kadibna indhahaaga nus xir, nusna fur, si’ay nolosha qoysku uhoramarto).
Raadinta Xal dhexdhexaad ah
Marka la dhaafo bish Arooska iyo maalmaha macaanka, waxaa bilaabata noloshii dhabta ahayd, waxaana soo baxa dabeecadihii dhabta ahaa, waxaana dhici karta in lakala boodo ama laysku dhoco.
Markaana waxaa aad loogu baahan-yahay, in lawada hadlo laysuguna yimaado meel dhexe, qofwalbana ogolaado inuu katago qaybo kamid ah, waxyaabihii uu jeclaa ama uu rabay siloo adkeeyo jiritaanka qoyska. Qofka raba inuu helo dhamaan wuxuu jeclaa, waa qof aan dhisi karin nolol qoys, mid bulsho iyo mid urur midna, waxaa layiri waxaa isku bah ah (kaligii noolaade, Kaligii cune iyo kaligii taliye) Ilaahay shartooda hanaga koriyee.
Runtu waa raaxo
Majirto nolol qoys oo kamaran dhibaatooyin laxiriira is faham la´aan ama is eedayn, balse khatarta ugu xumi waa; Beenta, hadal isdaba marinta, Runta oo yaraata iwm. Taasina waxay keenaysaa inay kalsoonidii yaraato, shakigu bato, wax lakala maqli waayo, halkaana waxaa kabilaaban kara khatar kutimaada jiritaankii qoyska. Hadaba Beentu waa xaaraan, waxayna keentaa Shakki, kalsooni dhumid, waana bilowga xumaan oo dhan, Runtuna waa raaxo, kalsooni, xasilooni iyo raalli gelin Rabbi (swt).
Wadaaga shaqada Guriga
Guryaha dhismay ama raandhiisay waxay kucaan bexeen cadaalad kudhaqanka iyo mucaamalo wanaag. Waxyaabaha jacaylka iyo kalsoonida Qoyska abuurana waxaa kamid ah inuu ninkii lawadaago xaaskiisa shaqada guriga sida: ilmo haynta, cunta karinta, alaab dhaqida, nadaafada guriga iwm, gaar ahaan maalmaha uusan shaqo lahayn, ama uusiiyaba maalin ay iyadu nasato isagu shaqada Guriga qabto. Taasina waxay abuuraysaa; hawl wadaag, kalsooni lays dhaafsado ilmihii oo farxa markay arkaan aabihii oo hooyo lashaqaynaya iyo Gurigii oo salka dhigta.
Buuxinta baahidii jacaylka/Sariirta
Danaha Guurka waxaa kamid ah inay labadii qof ugutaan baahidoodii Jacayl sixalaal ah oo raaxa leh, hadii taa lawaayana, dhibaato ayaa bilaabata. Inuu qofkii dareemo inaan baahidiisii ladaboolin ama aan lajeclayn, halkaana waxaa kabilaaban kara fikir xun iyo in lakala niyad jabo. Taasina waa khattar burburisay bururin kartana Guryo fara badan, waxaana lama huraan ah inuu qofwaliba ogaado inay waajib kutahay, xil adagina kasaaran yahay daboolida baahida jacayl ee lamaanihiisa.
Waxaana Xaq ah inuu qofwaliba isu qurxiyo, isu carfiyo, hadalka umacaaneeyo, kana taabto meelkasta oo lamaanihiisu ku farxayo, si’uu jacaylkoodii usii kobco, usii adkaado. Haduu taa kagaabiyana wuxuu noqonayaa qof dayacay waajibkii saaraa, kana gaabiyay xilkii ilaalinta ama adkeynta jiritaanka qoyska wanaagsan.
Adeegsiga luqada jacaylka
Bani aadam kasta wuxuu ubaahan yahay inuu helo ama barto hadallo macaan oo uu dadka kula hadlo, si’uu Bulshada ula qabsado, meel fiicana uga helo. Qoyskaaga iyo Lamaana-haaga ayaana ugu wanaagsan wax hadal macaan lagula hadlo, nasiib darro Bulshada Somalida way ku yartahay adeegsiga luqada jacaylka, qaarna waxayba u arkaan wax laga xishoodo. Hadaba waxaa loo baahan yahay in aad loo adeegsado, kalmadaha: Waan ku jeclahay, waan kaa helay, waan kuu riyaaqay iwm, si’aad lamaanahaaga qalbigiisa farax iyo jacayl ugu dhaliso, reerkaagiina meel fiican ugaarsiiso.
Sidoo kale waa in labadiyo: Salaanta, shuminta, salaaxida, soo dhaweynta iyo ficil kasta oo sii adkaynaya jacaylka lamaanaha. Taasina waa Xaq uu Rabbi (swt)  faray, waxaana kujirta maslada Qoyska, Bulshada iyo Ummada oo dhan, maxayeelay markasta oo reer Muslim ah dhismo guulaysto, Ummadii khayr baa usiyaaday: Markasta oo reer burburana Bulshada waxaa usoo hoyata; dayacan caruureed, dhib waalid, khilaaf beeleed, dagaal qoys, isnac reero isjeclaa, eed iyo hadal xumo fara badan iwm. 
Kalsoonida dhaqaalaha
Khilaafka dhaqaaluhu wuxuu kamid yahay dhibaatooyinka ugu khatarsan ee burburiya guryaha, sidaa darteed waxaa loo baahan-yahay in lahelo kalsooni iyo isqancin dhinaca dhaqaalaha. Iyo in qorshaha dhaqaalaha ee qoyska loo wada maareeyo siwadajir ah, runtana laga sheego Biilkii meeshuu kubaxay, siwadajir ahna looga fikiro baahida jirta sidii loo maarayn lahaa.
Tusaale ahaan qoysaskii Somaliyeed ee qurbaha joogay waxaa burburiyay, baahida kajirta dalkii, oo waxaa laysku dagaali bishaan hooyaday, Biil halloo diro, maye ani Aabahay baa kadaran ee isagaan udiraynaa. Waana arin ubaahan oo kaliya in siwadajir ah/ sinaan ah looga fikiro, danta reerkan qurbaha jooga iyo wax kaqabashada baahida Ehelkii gudaha ku haray.
qoraal: Dr. Axmed Cabdullahi

DUMRKA OO LA OGAADYA INAY JECELYIIN RAGGA DHAADHEER INAY NOLOL LA WADAAGAN MARKA LA BARBAR DHIGO KUWAN GAAGAABAN

daraasad ay in muddo ah ay wadeen jaamacada ku taala wadanka kooriya ayaa ugu danabyn lasoo gabagabeeyay kuwaas oo lagu baadhayay su’alo ay ahyd siday ugu qancaan dumarku raga dhaadheer inay neceb  yihiin iyo jecel yihiin.
khubaradan oo ka shaqaynaayay in muddo ah hawsha tan ayaa lagu sheegay inay khubaradani ay ogaadeen in ay inta hore dumarku xiiseeyaan dharerka dheer, halka ay hadhowna nacaan dharerka, waxayna sheegeen khubaradani in ay muddo 18 sanno ah ku nicikaraan ragga dhaadheer.shirkadan oo daraasadan marinaysay wadamo kala duwan
oo caalamka ah ayaa tijaabo ku samaysay dumar tiro badan oo ku nool wadanka indonessia kuwaas oo tiro ahaan gaadhayay ilaa 7850 dumar ah oo xaasas ah waxaanay dumarkaasi lawaydiinayay
sida ay gabadhu u argto ninka dhararkiisa iyo siday dumarku dabeecad ahaan ka yihiin jacayl iyo nacyb,waxaanay dumarkaasi natiijadii ku sheegeen in marka hore ay dumarku dharerka ninka  xiiseeyaan  ,kadibna uu lumo xiisahaasi mudo kadib.khubarada daraasadan waday ayaa sheegay in ay ilaa hada laayihiin(jawaabta su aasha ah maxay dumarku ujacelyihiin ninka) dharar ahaan ka dheer iyaga,waxa keenay inay kalsoonaato ninkaasi,
waxaanay sheegeen inay bilaabi doonaan daraasad kajawaabaysa su’ aashaasi. daraasad hore oolasameeyay ,
ayaa lagu sheegay in dumarka caalmku 48,9% ay jacel yihiin in ay guursadaan niman dhaadheer , kuwaas oo ay u doorbidayaan marka loo eego ninka gaaban.