MAXAAD U GUURSAN WAYDAY WALAAL?

Maa Uu guursan Najmu diin oo ahaa amiirkii Tikriit waqti dheer.
Walaalkii Asadu diin ayaa waydiiyay: walaalo maxaad u guursan waydsy.
Najmu diin: Wali ma hayo mid ii wacan.
Asadu diin: Ma kuu doonaa gabarta uu dhalay boqor Shah bintu suldaan ama inanta boqorka wasiirkiisa.
Najmu diin: Iyaguna iima wacna.
Asadu diin: Hadaba yaa kuu wacan waayee?
Najmu diin: Waxaan rabaa sawjad saalixa, gacanta i qabata illaa Jannada oo ii dhasha walad saalix ah oo noqda geesi Qudus dib ugu soo celiya Muslimiinta.
Asadu diin muu cajabin hadalkani, waxa uu si adag u waydiiyay, yaa waxaa kuugu sheekeeyay?
Najmu diin: Qofka Allah niyad barax tiran ku tala saarta, Allah ayaa ku arsaaqa wuxuu rabo.
Maalin maalmaha kamid ah Najmu diin oo la fadhiya Masaajidka Tikriit mid kamid ah culimada wadanka, ayaa waxa uu maqlay gabar sitaarada masjidka gadaasheeda kala hadlaysa Sheekha.
Sheekhii ayaa ka cudur daartay Najmu diin si uu ula hadlo gabarta.
Najmu diin ayaa hadalkoodii soo gaaray.
Sheekhii: Gabaryahay maxaad u diiday ninkaan kuusoo diray.
Gabartii: run ahaantii waa nin Allah isugu daray qurux, lacag iyo mansab, balse iima wacna.
Sheekhii: Oo hadaa maxaad rabtaa?
Gabartii: Waxaan rabaa nin gacantayda ii qabta ilaa Jannada oo aan u dhalo walad tarbiyad wacan lagu soo koriyay noqdana geesiga Muslimiinta usoo celiya Qudus.
Allahu Akbar, waa isla weedhihii uu walaalkii ku lahaa.
Najmu diin wuxuu diiday ina boqor iyo ina Suldaanba.
Iyaduna waxay diiday nin qurux,mlacag iyo mansab isku haysta.
Labadooduba waxay ka doorbideen ruux gacantooda qabta ilaa Jannada una dhala wiil Muslimiinta Qudus usoo celiya.
Najmu diin ayaa markuu soo noqday sheekhii waydiistay waxaan rabaa gabartaas inaan guursado.
Sheekhii: Waa miskiinad kamid ah saboollada magaalada.
Najmu diin: Miskiinaduba waa taan raadinayay.
Sidii ayuu ku guursaday Najmu diin gabartii, waxa ay u dhashay wiil Muslimiinta wax badan u taray una soo celiyay Qudus, waa Salaaxuddiin Al Ayuubi.

Waataas taariikhda iyo dhaxalka ay tahay inaynu uga waranno caruurteena, dadka ay tahay inaynu ku xidhno.

0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal