gabadha wax jecel

astaamaha lagu garto gabadha wax jecel!!

finanka wajiga

SIDEE LOO SAWEEYA FINANKA WAJIGA

MOBILE DATA

sidee loo yareeya lacagta aad mobileka ku isticmaalayso

XANUUNKA SHUBAN BIYOODKA{CHOLERA}

Xanuunkan sidee looga badbaada loogana hor tagaa

FAAIIDOOYINKA TIMIRTA

timirta iyo faaiidooyinka faraha badan ay leedahay wax ka ogow

Showing posts with label caafimaadka. Show all posts
Showing posts with label caafimaadka. Show all posts

AHMIYADA AY LEEDAHAY JOOGTEYNTA BEEDKA/UKUNTA


ugu horey waad salaamantihiin mahadoo dhan waxa iska leh allah (swt) marka xigta waxa mahadle
akhristayaasha sharafta badan ee ku xidhan shabakadan dhiiriye magazine maanta waxaan ka hadli doona 
ahmiyada ay leedahay cunida beedku/ukun ee ka faidaysi wanaagsan zaaxiipayaal

Dad badan ayaa isweydiiya beedka iyo muhiimadda caafimaad ama khatarta uu keeni karo, waxa kale oo aalaaba dadka madow ka gala in uu jiro xaddi u cayiman in aanu qofku ka badin beedka uu cunayo, haddaba sida ay sheegayso qormo lagu daabacay shabakadda Brights side oo arrimaha caafimaadka wax ka qortaa beedku waxa uu leeyahay faa’idooyin badan oo caafimaad, waxa aanay talada dhakhaatiirtu tahay in qofku uu maalintii cuni karo laba xabbo oo beed ah. Weliba ay fiican tahay in cuntada maalinlaha ah ee qofka ugu yaraan hal mar uu beed ku jiro.
Faa’idooyinka caafimaad ee beedkana waxaa ka mid ah:

1. Maskaxda: Curiyaha kiimikaad ee Fosforos oo xaydh ama dufan leh ayaa uu Alle ugu talogalay in ay caawiyaan isku xidhnaanta unugyada maskaxda, waxa aanu ka kooban tahay maadadda kiimikaad ee Choline oo beedka laga helo. Waxa aanu cilmigu caddeeyey in Faytamiinkan ama maadaddan kiimikaad uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan dhisidda maskaxda.
Sidaa awgeed in maalintii uu qofku cuno laba xabbo oo beed ahi, waxa ay damaanad qaadaysaa in jihdku uu helo maadaddan Choline oo haddii ay jidhka ku yaraato saamayn taban ku leh awoodda xusuusta qofka.
2. Maadadda Lutein: Cilmibaadhiso cusub ayaa daahfuray in beedka digaaggu uu hodan ku yahay maadadda Lutein oo si weyn u caawisa caafimaadka indhaha iyo aragga. Haddii ay maadaddani jidhka ku yaraato waxa ay isbedello burburin ah ku keentaa nudaha aragga, waxa aanay dhaawacdaa aragga.
3. Faytamiin D: Beedku waxa uu qani ku yahay  faytamiin D  in kasta oo ay khubaradu sheegayaan in xaddiga Faytamiinka ah ee laga helayo beedku ay ku xidhan tahay hadba nooca cunto ee ay digaagaddu quudato. Faytamiin ‘D’ waxa uu caawiyaa Kalshiyaamtu ay jidhka gasho iyo in lafaha iyo ilkuhu xoogaystaan.
faytamiin D
4. Wadne Xanuunka: Cilmibaadhiso cusub ayaa muujinaya in Kalastaroolka beedka ku jiraa uu ku dheellitran yahay Fosforoska dufanaysan ee ku jira, sidaa awgeed aanu wax dhibaato ah u geysanayn caafimaadka qofka, isla markaana uu ka hortagayo in jidhku uu soo saaro Kalastarool dhibaato leh.
Beedka waxaa ku jira maadadda Omega3 oo yareeya heerka dufanka saddexan, kana hortaga in qofka ay ku dhacaan xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.
5. Miisaanka: Saynisyahanno Maraykan ah ayaa baadhitaanno ay sameeyeen ku ogaaday in qofka oo ay ku kulmaan cuntooyin ay ku yar yihiin Kaloorisku iyo laba xabbo oo beed ah oo uu subax kasta cunaa ay dhaqso u ridayso miisaanka dheeraadka ah, maadaama oo qofku aanu cunto badan cunayn beedka oo dhereg badan dareensiinaya awgeed.
6. Kansarka: Maadadda kiimikaad ee Choline oo aynu hore uga soo warannay in ay beedka ku jirtaa waxa ay lagama maarmaan u tahay maskaxda iyo shaqadeeda, waxa aanay si aad ah uga hortagtaa in maskaxda uu ku dhaco cudurka Kansarku. Sida lagu ogaaday cilmibaadhiso la sameeyey, dumarka marka ay da’da koritaanka ku jiraan si joogto ah u cuna beedka waxaa aad ugu yar in uu ku dhaco cudurka kansarka naasaha.
7. Da’da: Saynisyahanno u dhashay dalka Holland ayaa cilmibaadhis ay sameeyeen ku ogaaday in dumarka da’doodu u dhexeyso 35 illaa 40 ee joogteeya cunista beedka ay boqolkiiba 87 ay ku yaraadeen baraha iyo calaamadaha kale ee da’da muujiya, maqaarkooduna uu giijismay oo cood-coodh aanu yeelan.
Marka ragga laga hadlayana waxa ay daraasaddu muujisay in cunista beedku ay qudhooda si aad u muuqata uga yaraysay coodh-coodhka indhaha hareerahooda ku samaysma.


soxigasho: daryeel magazine                                                          DHIIRIYE MAGAZINE

WAA MAXAY CUNTOOYINKA KOBCIYA CAQLIGA?


Cuntada uu qofku qaato ayaa saamayn weyn ku leh, koritaanka qofka, iyo caqligiisba. Cuntada uu ku badan yahay Karbonhaydrate ayaa qofka ka caawisa in si caadi ah oo firfircoon u qabtaan.
Cilmi baadhis ay sameeyeen khubaro kala duwan ayaa lagu cadeeyay in koritaanka maskaxda Aadamigu  ay wanaagsan tahay cuntooyinka ay ku jiraan madada Zink.
Waxa kale oo ay sheegeen , in sonkorta , hilibka digaaga, toonta, iyo caanuhuba ay maskaxda koritaankeeda ka qayb qaataan.
Maadada la yidhaahdo colin oo laga helo beedka iyo beerka ayaa muhiim u ah koritaanka caqliga banii’aadamka, kuwaasi oo ay ku badan yihiin Vitamn B,  C  E.

Dhamana cuntooyinka nafaqada leh oo dhami waxay kor u qaadaan caqliga oo u baahan in si gaar loo ilaaliyo madaama uu yahay kan xukuma jidhka intiisa kale.


                                                    BY: DHIIRIYE MAGAZINE

FAAIIDADA JIMICSIGA!

Daraasad ay dhowaan soo saareen khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa lagu sheegay in qofka oo jimicsadaa uu ka caafimaad bato qofka aan jimicsan,gaar ahaana dhanka maskaxda,iyaga oo intaasi ku daray inuu sidoo kalena ka da’ yaraado dadka kale ee aan jimicsan.
Khubaradan ayaa sheegay in uu qofka jimicsiga joogteeyaa ka badbaado xanuuno badan oo maskaxda ku dhaca,isaga oo sidoo kalena ka da’yaraada dadka aan jimicsan 10 sanno,kana xusuus wanaagsanaada.
Kooxdan daraasada samaysay oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Miami University ayaa sheegay in ay jirto xidhiidh ka dhexeeya caafimaadkiisa guud ee qofka iyo sidoo kalena caafimaadka maskaxda ee qofkaasi.
Waxaanay baadhitaankooda ku sidkeen baadhitaano daraasadeed oo hore loo soo sameeyey,kuwaas oo ay soo sameeyeen kooxo hore,waxaana tijaabada daraasadahan marka laysu geeyo ka qayb galay dad gaadhaaya ilaa 876 kooxood,kuwaas oo da’ahaan gaadhaayey ilaa 71 sanno jir.
Kooxahan ayaa markii tijaabadu dhamaatay eegaayey dhanka xusuusta iyo sidoo kalena dhanka maskaxda,iyaga oo sidoo kalena eegaayey caafimaadka guud ee dadkaasi,waxaanay sheegeen in ay dadkaasi ahaayeen kuwo caafimaad ahaan aad u sareeya,waxaana la mariyey tijaabooyin kala du duwan.

Tijaabooyinka socodka ayaa lagu sameeyey meelo beero ah,kuwaas oo marna la ordaayey marna la soconaayey,halka mararka qaarkoodna la guclaynaayey,waxaanay khubarada daraasdan waday sheegeen in ay ogaadeen in dadka aan jimicsani ka hor gaboobaan dadka jimicsada,sidoo kalena ka xanuuno badan yihiin.

XANUUNADA AY SABABTO HURDO LA,AANTU

Hurdadu waxey muhiim u tahey guud ahaan nolosha Aadamaha, hurdo yaraantuna waxey keentaa dhibaatooyin badan oo xag caafimaad iyo xag muuqaal ahaanba laga dareemi karo.
Waxaaney dhibaatadani wax yeelo badan gaadhsiisaa shaqsiga marka ay muddo badan jirto ee seexan waa ku dhaco qofka bani aadamka ah.
Dhibaatooyinka waaweyn ee laga dhaxlona waxa ka mid ah, daal iyo tabcaan, caajis, madax wareer, cadho iyo  jidh-xanuun. waxa intaa dheer xanuuno waaweyn oo ay  kamid yihiin xusuus-guur, waali iyo haliso kale oo badan, hadaba qormadan waxeynu ku faaleyn doonaa qodobadaa oo faahfaahsan.
Dhimasho Dagdag ah: cilmi baadhisyo badani waxey cadeeyeen in  dhimashada kusoo boodada ah ee loo yaqaan mawtalqafle uu ku badan yahey dadka hurdada yar amaba aan si fiican u seexan marka loo eego dadka seexda saacadaha loogu talo galey.
Shilalka baabuurta: hurdo yaraantu waxey keentaa in uu maskaxda jiheeyihii ka daciifo iyo daal badan taas oo qofka dhaxalsiin karta inuu naftiisa iyo nafo kaleba galaafto.
Caafimaadka: hurdo yaraantu waxey si toos ah u curyaamisaa caafimaadka iyadoo keenta cuduro badan amaba u saamaxda inay jidhka si sahlan u soo galaan kadib markii uu daciifo difaacii loogu talo galay, cuduradaas waxa ka mid ah.
  • Macaan
  • Maskaxda oo qaybi shaqeyn waydo
  • Cudurada wadnaha
  • Wadna istaag
  • Dhiig kar
Fahan la,aan: marka ay hurdadu yaraato waxa hoos u dhacaya heerkii soo jeedka kaas oo keenaya inuu yaraado fahanka iyo cilmi korodhsigu
Buurni: hurdo yaraanta waxey keenta hilib siyaado ah, kaasi oo ka dhasha khalkhal ku yimaada hoormoonada sheega dharaga iyo gaajada, kaas oo uu bato hoormoonka gaajada sheegayaa si siyaado ah wax loo cunayo
Saameyn jidh ahaaneed: habeen kaliya ood soo jeedo ayaad wajigaaga ka dareentaa daal iyo indho godgodnaan, haddii aan la helin hurdo ku filan waxa dhaca is badal ku yimaada dubka waxaana  ka mid ah Haaraha, Coodhcoodhka iyo godad ku sameysma wajiga.
Ilawshiiyo: maskaxda Aadamuhu waxey leedahay laba kayd oo kala ah mid ku meel gaadha iyo mid rasmiya, wax kasta waxa la geeyaa kaydka ku meel gaadhka ah inta uu qofku soo jeedo, marka laseexdo ayaa wixii loo baahnaa loo gudbiyaa kaydka rasmiga ah, haddii aan la helin hurdo ku filana waxa dhaceysa in la haleeliba waayo kaydkii rasmiga ahaa, macluumaadkiina ay si sahlan u lumaan.

W/Q: Hibo Ciise


DHIBAATADA KABAHA CIDHIBTA DHAADHEER!

Dumar badan oo casrigaan jooga ayaa ad u jecel inay xirtaan kabaha ciribta dheer iyagoo ku xarragooda islamarkaana isku dheereeya gaar ahaan waqtiyada ay xafladaha tagayaan balse ma ogtahay dhibaatooyinka iyo xanuunada laga qaado xirashada kabaha ciribta dheer?
Qormadaan waxaynu kaga hadlaynaa dhibaatooyinka ka dhasha xirashada kabaha cirbaha dhaadheer:
Cagta: Marka qofka uu xirto kabo dhaadheer, waxuu culeyska iskugu tagaa cagta meesha faraha u dhaw, tan waxay sababtaa in lafahaas jilicsan iyo seedahaas uu dhaawac gaaro oo qofka hadhow awooddii culeys dheellitirka cagta inay dhunto ama uuba yimaado tarar galo lafaha yaryar ee cagta.
Cidhibta iyo Kubka: Marka  qofka uu kabaha ciribta dheer gashan yahay, cagtu waxay u janjeersataa horay, tan waxay keentaa in murqaha kubka ay joogto u giigsanaadaan, tanina waxay sababta in qulqulka dhiiga uu lugta ku yaraado, sidaas daraadeed dumarka si  joogtada ah u xirto kabaha dhaadheer, lugahoodu way ka dhuudhuuban yihiin dumarka kale, tanina waxay ka dhalatay dhiiga uu ku yaraaday lugaha, hadduu qofkaas dhaawac cagta ama agagaarka kubka uu ka gaaro, nabaradaas dhakhso uma bogsadaan sababtoo ah qulqulkii dhiiga ee qaadi lahaa nafaqada iyo daawada ayaa la howlgabiyay.  Waa la arkay haddii uu qofku u barto xirashada kabaha ciribta dheer inuu hadhow si caadi u socon kari waayo sababtoo ah murqaha lugta waxay la qabsadeen inuu qofku si khaldan u socdo ama u taagnaado.

Jilbaha: Jilibku wuxuu ilaaliyaa culayska, wuxuuna sahlaa inuu si dheelitiran uu jirka ugu qeybiyo. Hadduu qofku joogteeyo xirashada Kabaha Ciribta dheer dhaawac ayaa gaaro carjawda jilibka iyo seedihiisa, waxaana yimaado xanuunka riixa ee afka qalaad loo  yaqaanno “Osteoarthritis” oo ah cudur waxyeeleeyo halka ay xubnaha iska galaan oo baab’iyo carjaw laabatada, sida jilbaha, sinaha iyo laf-dhabarka.

Sinaha: Marka qofku uu xiran yahay kabaha cirbaha dhaadheer waxaa miskaha galo qallooc, taasoo sinaha horay u janjeeriso, dhabarkane uu yeesho xagal qalloocan, Qalloocaas oo adkeeyo seedaha iyo murqaha sinaha. Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday haddii qallooc miskaha ku yimaado waxay keentaa kafka miskaha inuu yaraado tanoo dhib ku noqoto in haddii ay hooyada uur yeelato in ay foosha ku dhibaatooto.

Dhabarka: Waa halka ugu badan ee dhibaatadu gaarto, lafdhabarka aadamahu waxay u habaysan tahay qaab jidhka u leh dhowr faa’iido, oo ay ka mid tahay sixidda qaab muuqaalka qofka, xifdinta neerfaha lafdhabarta dhex maro, xambaarista culeyska feeraha iyo uur-ku-jirta iyo faa’iidooyin kale oo aan lasoo koobi karin. Waxaa xaqiiq ah in xirashada kabaha ciribta dheer ay bedesho habkaas dabiiciga ah ee Allah (SW) ugu talo galay sidaas daraadeed waxay sababtaa dhibaatooyin faro badan waxa ugu daran xanuunka loo yaqaan “Sciatic nerve” oo ah Xanuun ku dhaco neerfe / dareensidaha ugu dheer jirka bani’aadamka oo ah kan ka soo bilowda qaarka dambe ee dhabarka, sii dhex mara sinta illaa uu gaaro suulka lugta.

8 CUNTO EE KA HOR TAGA KANSARKA

Wargeyska Daily Mail ayaa waxa uu daabacay liiska siddeed noocyo cunto ah oo uu sheegay in ay ka hortagaan kansarka, cudurkaas oo nolosha tiro badan oo qabta iyo qoysaskooda cadaab ku haya.
Waxa ogaanshaha hore ee cudurkani uu yahay habka ugu fiican ee lagu dabar goyn karo koridiisa. Si kastaba ha ahaatee, cunidda cunto caafimaad leh waxa ay ka hortagi kartaa haleelitaankiisa ama waxa ay ka weecin qofka in ay ku dhacdo cududdiisu.
1. Cauliflower (ubaxa dhirta)
Geedkan (Cauliflower) waxa ku jira maadada (asalaforaven) oo ah mid ka sameysan kiimiko raad wayn ku leh ka hortaga kansarka. Marka la jabiyo geedkan waxa soo baxaysa maadadan, sidaas darteed waxaa lagu talinayaa in la calaliyo ka hor inta aanan la liqin.Maadadan kiimikada ka sameysan waxa ay ka shaqeysaa raadinta iyo baabi’iyo unugyada kansarka iyadoo aan wax yeelo gaadhsiinaynin unugyada caafimaadka qaba.

 2. Carrot(kaaro)
Inkaste oo uu caan ku yahay Carrot-ku in uu wanaajiyo aragtida, waxa cilmi baaris la sameeyey tobankii sano ee la soo dhaafay ay muujisay sidoo kale in uu ku wanaagsan yahay ka hortagida noocyo ka mid ah kansarka, oo uu ku jiro kansarka kaadi haysta.
3. Avocado:
Dad badan ma jecla miraha noocaan oo kale ah, laakiin cunista avocado waxa ay leedahay faa’iidooyin , xitaa wargeyskan  waxa uu ku taliyay in uu qayb ka noqdo cuntada aad karsato.
Avocado waxaa ku jira tiro badan oo nafaqooyin ah oo u badan maadooyinka antioxidants oo ka hortaga dhaawacyo soo gaadha unugyada,waxana la xaqiijiyay wax tarka ay uu leeyahay yareeynta halista qaar kamid ah nuucyada kansarka.

4. Broccoli
Geedka Broccoli waa mid ka mid ah maadooyinka dabiiciga ee la dagaalama noocyo badan oo kansarka ah, gaar ahaan kansarka midhicirka. Haddii broccoli-gu uu yahay daray ama la qaboojiyey oo uu xarkagsan yahay ama la kariyay tayada ugu badan ee nafaqadiisa ma seego

5. Yaanyada
Yaanyadu waa miro macaan isla markaana caafimaad ah. yaanyadu waxa ay ka caawisaa jirka bini’aadamka soo saarista dheecaanka lycopene ka oo ah maado antioxidants ah taasoo wax waxtar u leh la dagaalanka ka cudurka kansarka.Waxa jira siyaabo badan oo loo cuno yaanyada, waxa la cuni karaa iyada oo cayriin ama la kariyey ama sida cabitaan loo sameeyo.
6. Midhaha looska
Haddii aad rabto in aad naftaada ka ilaaliso kansarka naasaha ama ka kaadi haysta, waa in aad cuntaa miraha looska. Waxa ay ka kooban yihiin Acidka dufanka leh ee omega-3, oo ah nooc ka mid ah dufanka waxtarka u leh caafimaadka dadka, waxana uu yareeyaa halista cudurada loo yaqaano coronary artery disease ee ku dhaca halbowlayaasha dhiig mareenada oo keena xanuunada wadnaha iyo wadna joogsiga, waxa kale oo uu hoos u dhigaa subagga aadka u sareeya. Loosku waa miro qiimo weyn leh oo la cuni karo quraacda ama noqon kara cunto fudud oo deg deg ah (snacks) ee u dhexeeya cuntooyinka ugu muhiimsan.
7. Garlic (Toonta)
Toonta cuniddeedu waxa ay u leedahay faa’iidooyin caafimaadka, kuwasoo dambcan ay ku jiraan ka caawinta ka hortago kansarka. Toontu waxa ay awood u leedahay in ay joojiso koritaanka unugyada kansarka iyo ku faafitaanka jirka. Waxaa intaa dheer, in ay leedahay sifooyin gaar ah oo ay kaga hortagto virus yada iyo bakteri yada (jeermisyada),.
8. Sanjabiil
Daraasado ayaa waxa ay muujiyeen in sanjibiishu  si fiican oo haboon uu uga shaqeyso dawooyinka kansarka ee lagula dagaalamo unugyada kansarka, gaar ahaan unugyada kansarka qanjirka.
Waxa intaa dheer in sanjibiishu  ay leedahay maadooyin gaar ah oo uu kaga hortago bararka, waxa kale oo uu kaa caawiyaa bogsiinta cudurada dhaqdhaqaaqa.Hadii aad ka cabanayso cudurada dhaqaaqa, waxa kaliya oo aad u baahan tahay cunista sanjibiil engegsan/qalalan ama sanjibiil cabitaan ah oo aad biyo ku sameyso ama mid shaah ku sameyso

EDDITING BY: DHIIRIYE MAGAZINE




SIDEE LOO DAWEEYA FINANKA WAJIGA??

Finanka  waxa ay ka soo bixi karaan sanka kaliya ama wajiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.

Qaar ka mid ah sababaha keena finanka:

Qofka  oo wajigiisu nooca dufanka isla markaana aan aqoon sida loo nadiifiyo.
Qofka oo marka uu wajiga dhaqanayo xoog uruga wajiga taas oo keenaysa in qanjiradii soo daynaye dufanka in ay sii siyaadshaan
Cuntoyinka qaar sida shukulaatada cunada leh karbohaydareetka, fiitamiinka A iyo E-ga
Qofka oo finkii kasoo baxaba ganaha la’aada kadib dillaaciya taas oo keenta meeshii in raad kuharo madoow ah
Heerka hormoonada qofka
Qofka oo aan hurdo iyo nasiino fiican helin hadana kudarsada fakkar iyo walbahaar.
Hababka Dabiiciga ah ee loo Daaweeyo Findoobka:

Biyaha Liin dhanaanta: waxay u fiican yihiin baaba’inta summadda finanka, si doo kale waxaa ku jira fitamin C badan, kaas oo ka dhigaya maqaarka mid siman oo iftiimaya Mari biyaha liin maqaarka xiliga fiidkii. Kadib dhaq 20 daqiiqo kadib adigoo isticmaalaya biyo diiran.
Khalka Tufaaxa: Waxaad isticmaali kartaa khalka tuffaaxa adiga oo isticmaalayaa suuf ama cudbi midkaa utaqaan kana fogeenaya gacnaha wajiga khaasatan finka.
Malab iyo qorfe la isku shiiday: sida aan horay uga soo hadalnay labadaan daawo waxay aad ula dagaallamaan caabuqa noocyadiisa kala duwan khaasatan kuwa maqaarka ku dhaca. 2 qaaddo oo malab ah iyo 1 qaaddo oo qorfe ah ayaad isku shiidaysaa markay xanjo camal noqdaan ayaad ku dhajinaysaa meelaha nabraha ay kaaga yaallaan muddo 10 daqiiqo ah, kadibne waad ka dhaqaysaa. Ogow waa in malabku uu yahay mid dabiici oo saafi ah.
Dacarta: Dacartu waxay leedahay dawo wanaagsan, waxay ka hortag taa caabuqa iyo saameynta bakteeriyada, sidoo kale waxay hormarineysaa dib usoo kabsashada maqaarka. Dacarta kala jeex, oo mari wajiga waxa jiijiid meysa ee ka imaneysa meesha adka kala jeexda, ama soo iibso jelka ka sameysan dacar boqolkiiba boqol, oo mari meesha maqaar ee finanka leh ama guduudatay.

Maxaa ufiican finanka raadka uureebo sida madmadowga iyo daldaloolada?


Waxa aad tijaabin kartaa ukunta qeybteeda cad iyo qaaddo aad uyar liin dhanaan iyo 1 qaaddo oo malab asli nadiif ah, intaa ayaa isku garaacaysaa kadib wajiga ayaad marinaysaa sug inta uu ka qallalayo 15 illaa 20 min. Waxaad isticmaali kartaa 1 mar maalintii muddo 2 week adiga oo aan isticmaalayn wax saabuun ama waxyaaba kale.

SIDE LOO DAWEEYA AMA LOOGA HOR TAGAA SALIIDA WAJIGA EE DABIICIGA

Waa maxay saliida wajigu?
Wajiga saliida leh dad badan ayaa ka sheegto, khaasatan markii qofka wajiga ku yeesho findoob ama haaro.

Eebe wuxuu oogada biniaadanka ku abuuray qanjirro howshoodu ay tahay inay soo daayaan saliid si ay u subkaan maqaarka kore, loogana hortago kor qallaylka.
Qanjirradaas oo loo yaqaano "
Sebaceous glands", saliida ay soo saaraane waxaa loo yaqaanaa "Sebum", hadii qanjirradaasi si saa'id ah u shaqeeyaan qofka wuxuu yeesha maqaar saliiddu ku badan tahay khaas ahaan wajiga.

Maxaa keeno Waji Saliidka?

  • Dhaxal: dadka ugu badan waxay arrintaan ugu dhacdaa dhaxal ahaan, kuwaasoo ku dhasho qanjir saliid firfircoon.
  • Welwelka: wuxuu kiciyaa qanjirrada saliida.
  • Isbadallada hormoonka: waxay keentaa in saliid soo saarista qanjirrada ay badato ama wajiga ay ka soo yaacaan finan, waxaana xaaladaan la dareemaa xilliga caadada, kadibne way baaba'daa.
  • Safarka: qofka galo safarrada badan, una kala goosho wadamo kala duwan cimilladooda waxay keentaa in maqaarkiisu uu saliida ku bato.
  • Daawooyinka la isku qurxiyo, qaar badan oo ka mid ah waxay keenaan waji saliid.
  • Daawada looga hortago uurka, waxay keenaan waji saliidka
  • Nafaqo darrida, waxay keentaa waji saliidka.
  • Hawada sumaysan ama magaalooyinka ay warshadaha ku badan yihiin dadka ku nool waxay u bataan waji ku saliidlayaal.

Maxay dhibaato ah ayuu keenaa saliida wajigu?
Dhibaatada ugu badan waa in wajiga uu yeesho nabro ama haaro kuwaas oo si dhakhso ah u faafi karo,

Sidee looga hortagaa saliida wajiga? ama lagu yareeyaa?


  • Jooji waji dhaqista badan: tan waa qaladka ugu horreeyo oo lagu dhaco, dadku waxay aaminsan yihin hadduu qofka uu wajiga dhaqo in badan in saliiddu ay yaraanayso, waa caksi, saliidda waa sii badataan, marka waxaa wajigaaga dhaqdaa labo jeer kaliya, markaa soo kacdid iyo markaa seexanayso, taasoo dareensiinayso qanjirka saliidda in baahi wayn aysan jirin.
  • Ku dhaq wajigaaga biyo diirran: qaladka labaad waa in wajigaaga aad ku dhaqdaa biyo kulul ama qabow, taasoo labadoodaba wajiga qallajiya, hadduu qalleel yimaadane saliidu waa imaanaysaa.
  • Haddii aad wajigaaga saliid ka dareento, ku tirtir maro khafiif ah oo jilcan oo wajigaaga aanan dhaawacaynin aad u qallajinaynin
  • Cabitaanka badso: cabitaanka badan waxuu jirka ka ilaaliyaa qallaylka, wuxuuna hoos u dhigaa shaqada qanjirrada saliidda soo saaro, ogow haddii biyo cabitaankaagu uu yar yahay, saliida way jiraysaa.
  • Yarey sonkorta, cusbada, dufanka iyo cunnada shiilan: kullamaa cuntada aad cunayso ay caafimaad leedahay, kullamaa shaqada jirkaagu uu dabiici yahay.
  • Ka fogow in aad isticmaasho waxyaabo ay ku jiraan saliid ama dufan oo wajiga la marsado.
  • Ka fogow sigaar cabista: sigaarku wuxuu cariiriyaa xididada dhiiga siiyo maqaarka, tan waxay keentaa kor qallayl iyo saliid badan.
  • Waxaa jiro waxyaabo badan oo dabiici ah oo ay dadka qaar sheegaan in ay wax iskaga garteen sida wajiga oo lagu tirtiro ama la mariyo khalka ama dheecaanka tufaaxa, malabka, karootada iyo waxyaabo kale oo badan.
  • Ku dadaal in aad hesho hurdo kugu filan, tan waa muhiim.


WAKHTIYADA UGU FIICAN IN BUNKA LA CABO


Dad badan ayaa caado ay u tahay in isla marka ay hurdada ka kacaan indhaha ku kala furan koob bun ah, waayo waxa ay aaminsan yahay in koobkani uu ka caawinayo firfircoonaynta jidhka. Bunka in badan ayaa ay khubarada caafimaadku siyaabo aad u kala fog uga warramaan waxtarkiisa ama waxyeelladiisa caafimaad. Cilmibaadhistan soo socota  ayaa ka jawaabaysa, su’aasha in badani isweydiin karto ee ah, “Waqtigee ugu fiican cabitaanka bunka”
Waa run in bunku uu dhadhan fiican yahay, awoodna u leeyahay in uu beddelo dabeecadda iyo jawiga qofka, waxa aanay khubarada caafimaadku sheegeen in xilliga bunka ku habboon oo aad cabtaa ay keenayso in qofku uu sida ugu habboon uga faa’idaysto faa’idooyinkiisa caafimaad, oo ay ka mid tahay in ay ku jiraan maaddooyin ku liddi ah xanuunka macaanka iyo in dadka bunka caba aanu inta badan ku dhicin cudurka maskaxda isku dhexdaadiya, laakiin su’aashu waxa ay tahay waqtigaasi waa goorma?
– Si Jidhku u helo faa’idooyinka caafimaad ee subaxdii laga helo cabista bunka, waxa ay cilmibaadhayaashu ku taliyeen in waqti fiican loo dhexeysiiyo ka soo kicista hurdada iyo cabitaanka bunka” Xeeldheerayaashani waxa ay sheegeen in marka uu qofku ka soo kaco hurdada ayaa qanjidhada Adrenal jidhka ku soo daayaan dheecaanka Cortisol oo loo yaqaanno hormoonka sakatiga iyo warwarka, waxa aanu hormoonkani jidhka ka caawiyaa in uu soo ceshado awooddii ay xubnuhu shaqooyinkooda caadiga ah ku qabsan kari lahaayeen, isla markaana waxa uu jidhka siiyaa tamarta uu u baahan yahay oo dabiici ah. Haddaba qofka oo isla marka uu hurdada ka kaca koob Bun ah cabaa waxa ay keentaa in si xadka dabiiciga ah ka baxsan uu mar keliya kor u kaco xaddiga tamarta jidhka ku jirta, maadaama oo ay ku kulmayaan tamartii dabiiciga ahayd ee waqtigan iman lahayd iyo tan ka dhalanaysa cabbista bunka, taasina waxa ay keeni kartaa dhibaatooyin kale, sidaa awgeed waxaa fiican in qofku waqti u dhexeysiiyo soo toosidda iyo bun cabista.
– Haddii qofku uu ka soo kicista hurdada iyo cabitaanka bunka u dhexeysiiyo laba saacadood waxa uu jidhku ka helaa tamar dheeraad ah, waayo saacaddaas iyo iyo wixii ka dambeeya waxaa aad hoos ugu dhaca tamarta dabiiciga ahayd ee jidhka oo sida aynu kor ku xusnay aad kor ugu kacday markii uu qofku toosay, laakiin laba saac kadib hoos u soo dhacda.
– Haddii aad doonayso in aad duhurka kadib bun cabto waxa ay dhakhaatiirtu kugula talinayaan in aad ka dhigato qadada kadib oo laakiin waqti badani u dhexeeyo cashada, si aad u ilaaliso isu dheelli-tirnaanta tamarta jidhkaaga.
Digniin: Khubarada caafimaadku waxa ay ka digeen in bunka/kafeega la cabo hurdada ka hor, waayo maadadda Caffeine ee ku jirtaa waa baraarujiye ka hortaga hurdada taas oo aanu macnuhu ahayn in maadaddani gama’a uun qofka ka hor istaagayso, balse sidoo kale marka uu gam’o waa ay u diidaysaa in uu hurdo xeeldheer seexda.
Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in koobka u danbeeya ee aad bun ka cabtaa uu saacadda hurdadaada habeennimo ka horreeyo ugu yaraan Lix saacadood. Ugu dambayntiina waxaa fiican in qofku uu ka taxaddaro bun/kafee cabista badan oo la og yahay in uu keeno hurdo xumo, noqdana balwad lala qabsado iyo sidoo kale in qofka ay dabeecaddu ka xumaato.

SHUBAN BIYOOD




TIMIRTA IYO FAAIIDOOYINKA TIRADA BADAN AY LEEDAHAY