AHMIYADA AY LEEDAHAY JOOGTEYNTA BEEDKA/UKUNTA


ugu horey waad salaamantihiin mahadoo dhan waxa iska leh allah (swt) marka xigta waxa mahadle
akhristayaasha sharafta badan ee ku xidhan shabakadan dhiiriye magazine maanta waxaan ka hadli doona 
ahmiyada ay leedahay cunida beedku/ukun ee ka faidaysi wanaagsan zaaxiipayaal

Dad badan ayaa isweydiiya beedka iyo muhiimadda caafimaad ama khatarta uu keeni karo, waxa kale oo aalaaba dadka madow ka gala in uu jiro xaddi u cayiman in aanu qofku ka badin beedka uu cunayo, haddaba sida ay sheegayso qormo lagu daabacay shabakadda Brights side oo arrimaha caafimaadka wax ka qortaa beedku waxa uu leeyahay faa’idooyin badan oo caafimaad, waxa aanay talada dhakhaatiirtu tahay in qofku uu maalintii cuni karo laba xabbo oo beed ah. Weliba ay fiican tahay in cuntada maalinlaha ah ee qofka ugu yaraan hal mar uu beed ku jiro.
Faa’idooyinka caafimaad ee beedkana waxaa ka mid ah:

1. Maskaxda: Curiyaha kiimikaad ee Fosforos oo xaydh ama dufan leh ayaa uu Alle ugu talogalay in ay caawiyaan isku xidhnaanta unugyada maskaxda, waxa aanu ka kooban tahay maadadda kiimikaad ee Choline oo beedka laga helo. Waxa aanu cilmigu caddeeyey in Faytamiinkan ama maadaddan kiimikaad uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan dhisidda maskaxda.
Sidaa awgeed in maalintii uu qofku cuno laba xabbo oo beed ahi, waxa ay damaanad qaadaysaa in jihdku uu helo maadaddan Choline oo haddii ay jidhka ku yaraato saamayn taban ku leh awoodda xusuusta qofka.
2. Maadadda Lutein: Cilmibaadhiso cusub ayaa daahfuray in beedka digaaggu uu hodan ku yahay maadadda Lutein oo si weyn u caawisa caafimaadka indhaha iyo aragga. Haddii ay maadaddani jidhka ku yaraato waxa ay isbedello burburin ah ku keentaa nudaha aragga, waxa aanay dhaawacdaa aragga.
3. Faytamiin D: Beedku waxa uu qani ku yahay  faytamiin D  in kasta oo ay khubaradu sheegayaan in xaddiga Faytamiinka ah ee laga helayo beedku ay ku xidhan tahay hadba nooca cunto ee ay digaagaddu quudato. Faytamiin ‘D’ waxa uu caawiyaa Kalshiyaamtu ay jidhka gasho iyo in lafaha iyo ilkuhu xoogaystaan.
faytamiin D
4. Wadne Xanuunka: Cilmibaadhiso cusub ayaa muujinaya in Kalastaroolka beedka ku jiraa uu ku dheellitran yahay Fosforoska dufanaysan ee ku jira, sidaa awgeed aanu wax dhibaato ah u geysanayn caafimaadka qofka, isla markaana uu ka hortagayo in jidhku uu soo saaro Kalastarool dhibaato leh.
Beedka waxaa ku jira maadadda Omega3 oo yareeya heerka dufanka saddexan, kana hortaga in qofka ay ku dhacaan xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.
5. Miisaanka: Saynisyahanno Maraykan ah ayaa baadhitaanno ay sameeyeen ku ogaaday in qofka oo ay ku kulmaan cuntooyin ay ku yar yihiin Kaloorisku iyo laba xabbo oo beed ah oo uu subax kasta cunaa ay dhaqso u ridayso miisaanka dheeraadka ah, maadaama oo qofku aanu cunto badan cunayn beedka oo dhereg badan dareensiinaya awgeed.
6. Kansarka: Maadadda kiimikaad ee Choline oo aynu hore uga soo warannay in ay beedka ku jirtaa waxa ay lagama maarmaan u tahay maskaxda iyo shaqadeeda, waxa aanay si aad ah uga hortagtaa in maskaxda uu ku dhaco cudurka Kansarku. Sida lagu ogaaday cilmibaadhiso la sameeyey, dumarka marka ay da’da koritaanka ku jiraan si joogto ah u cuna beedka waxaa aad ugu yar in uu ku dhaco cudurka kansarka naasaha.
7. Da’da: Saynisyahanno u dhashay dalka Holland ayaa cilmibaadhis ay sameeyeen ku ogaaday in dumarka da’doodu u dhexeyso 35 illaa 40 ee joogteeya cunista beedka ay boqolkiiba 87 ay ku yaraadeen baraha iyo calaamadaha kale ee da’da muujiya, maqaarkooduna uu giijismay oo cood-coodh aanu yeelan.
Marka ragga laga hadlayana waxa ay daraasaddu muujisay in cunista beedku ay qudhooda si aad u muuqata uga yaraysay coodh-coodhka indhaha hareerahooda ku samaysma.


soxigasho: daryeel magazine                                                          DHIIRIYE MAGAZINE

0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal