gabadha wax jecel

astaamaha lagu garto gabadha wax jecel!!

finanka wajiga

SIDEE LOO SAWEEYA FINANKA WAJIGA

MOBILE DATA

sidee loo yareeya lacagta aad mobileka ku isticmaalayso

XANUUNKA SHUBAN BIYOODKA{CHOLERA}

Xanuunkan sidee looga badbaada loogana hor tagaa

FAAIIDOOYINKA TIMIRTA

timirta iyo faaiidooyinka faraha badan ay leedahay wax ka ogow

Showing posts with label TECHNOLOGY. Show all posts
Showing posts with label TECHNOLOGY. Show all posts

SIDA COMPUERKAAGA LOOGU ISTICMAALA WATSAPPKA MOBILKEAGA !!

SHANTA LAPTOP EE UGU BATERYGA FIICAN AMA DABKA KAYDSAN KARA MUDO DHEER

Sababaha ugu muhiimsan ee laptop lagu xusho waxaa ka mid ah cimriga batariga, Dad badan ayaa ku dhib qaba batariga dhakhso dhamaanaya. Shirkado badan ayaa bilaabay inay soo saaraan laptop yo dabka hayn kara mudo dheer.
Qormadaan waxan ku eegi doonaa laptop yada leh batari cimri dheer:
                      Lenovo ThinkPad X260
laptop-ka ThinkPad X260 ee ay soo saarto shirkadda Lenovo waxa uu dabka hayn karaa mudo 17 saacadood ah. Maalintii oo dhan ayaad ku shaqayn kartaa waana khafiif oo meel kasta ayaad u qaadan kartaa.
                       Lenovo ThinkPad T460
        Waxa uu leeyahay botoomo aad u fiican waxaana uu dabka hayn karaa 17 saacadood. 
                               Apple MacBook Air
    
 Waxaa uu dabka hayn karaa 14 saacadood, waxaa ku jira barnaamijyo badan oo tayo leh. Ballaca  shaashadiisu 13 inch.
                    Acer Aspire One Cloudboo
Waa laptop aad u raqiis ah, waxaana uu dabka hayn karaa mudoo 14 saacadood iyo 45 daqiiqo ah
                        Dell Chromebook 13
 Qoloftiisa kore waxay ka samaysan tahay karboon waana sababta uu fududyahay. Waxaa uu leeyahay  awood badan howl-gudasho fiican Cimriga batarigiisu waa 13 Saacadood.





TALOOYIN KAA CAAWINAYA INAAD YARAYSO LACAGTA MOBILKE "MOBILE DATA"

Wargeyska Caanka ah ee Star oo ka soo baxa dalka Turkiga ayaa dhowaan qoray talooyin ku jihaysan qof kasta oo ay dhibaato ka haysato dhammaanshaha dhaqsaha ah ee lacagta uu ku shubto adeegsiga Internet ka ee talefankiisa gacanta uu ka gelayo. Talooyinkan  waxa ay qofka u tilmaamayaan tallaabooyinfudud oo qofka qaadaa uu ka badbaadin karo mushkiladdan waxa aanay kala yihiin:
1. Iska xidh ogeysiisyada iyagu is-wada (Automatic Notifications) ee inta badan qofka u soo dhaca marka email ama farriin facebook ku soo dhacdo.
2. Iska xidhi soo dejinta is-wadda (Automatic downloadka) ee sawirrada iyo fiidyowyada kugu soo dhaca WhatsApp ka, kana dhig talefankaagu in uu soo dejintan tooska ah sameeyo keliya marka aad internet ka isticmaalayso WiFi.
3. Cusboonaysiinta (Updating) waxa aad ka dhigtaa in aanay shaqayn marka aad internet ka isticmaalayso kaadhkaaga, isla markaana dhammaantood xidh, si ay u shaqeeyaan oo keliya marka aad WiFi isticmaalayso.
4. Kaydso (Save) bogagga internet ka ee aad sida joogtada ah u booqato si furistoodu u fududaato, iyo faylashada aad mar kasta soo dejintooda u baahan tahay, si ku noqoshadoodu aanay ugu baahan internet.
5. Iska xidh barnaamijyada aanad isticmaalayn ama shaqada joojiyey cillad awgeed, waayo waxa ay isticmaalayaan dab badan iyo internet dheeraad ah.
6. Ku dadaal in aad Fiidyowyada iyo codadka aad rabto ku soo dejisato internet WiFi ah oo keliya, haddii aad ku qasbanaato in aad kaadhka talefankaaga ka isticmaasho, dooro tayada hoose (Low quality) sawirrada ah, si aad markaas uun ugudan gaadho waayo tayada sare (Hight quality) waxa ay kaa isticmaalaysaa internet dheeraad ah.
7. Ka digtoonoow in aad talefankaaga gacanta ka isticmaasho barnaamijyada culus ee internet ka badan u baahaay, caadi ahaan barnaamijyada Android iyo iOS waxa ay waxa leeyihiin meel aad ka yarayn karto muddada barnaamiijyada culusi shaqayn karaan marka aad internet ka talefankaaga ka isticmaalayso.
8. Iska masax barnaamijyada aanad sida joogtada ah u isticmaalin, gaar ahaan kuwa aanad u baahan marka aanad guriga ama xafiiska joogin.
9. Boggaaga Facebook iyo Instegram ka jooji in fiidyowga la soo dhigaa uu iskii isaga dhaqdhaqaaqo/shaqeeyo sida caadi ahaan dhacda, iskana jir fiidyow aad taabatay in isaga oo aan cod samaynayn haddana uu iska sii dhaqdhaqaaqo waayo waxa uu isticmaalayaa Internet dheeraad ah.