SHANTA LAPTOP EE UGU BATERYGA FIICAN AMA DABKA KAYDSAN KARA MUDO DHEER

Sababaha ugu muhiimsan ee laptop lagu xusho waxaa ka mid ah cimriga batariga, Dad badan ayaa ku dhib qaba batariga dhakhso dhamaanaya. Shirkado badan ayaa bilaabay inay soo saaraan laptop yo dabka hayn kara mudo dheer.
Qormadaan waxan ku eegi doonaa laptop yada leh batari cimri dheer:
                      Lenovo ThinkPad X260
laptop-ka ThinkPad X260 ee ay soo saarto shirkadda Lenovo waxa uu dabka hayn karaa mudo 17 saacadood ah. Maalintii oo dhan ayaad ku shaqayn kartaa waana khafiif oo meel kasta ayaad u qaadan kartaa.
                       Lenovo ThinkPad T460
        Waxa uu leeyahay botoomo aad u fiican waxaana uu dabka hayn karaa 17 saacadood. 
                               Apple MacBook Air
    
 Waxaa uu dabka hayn karaa 14 saacadood, waxaa ku jira barnaamijyo badan oo tayo leh. Ballaca  shaashadiisu 13 inch.
                    Acer Aspire One Cloudboo
Waa laptop aad u raqiis ah, waxaana uu dabka hayn karaa mudoo 14 saacadood iyo 45 daqiiqo ah
                        Dell Chromebook 13
 Qoloftiisa kore waxay ka samaysan tahay karboon waana sababta uu fududyahay. Waxaa uu leeyahay  awood badan howl-gudasho fiican Cimriga batarigiisu waa 13 Saacadood.





0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal