8 CUNTO EE KA HOR TAGA KANSARKA

Wargeyska Daily Mail ayaa waxa uu daabacay liiska siddeed noocyo cunto ah oo uu sheegay in ay ka hortagaan kansarka, cudurkaas oo nolosha tiro badan oo qabta iyo qoysaskooda cadaab ku haya.
Waxa ogaanshaha hore ee cudurkani uu yahay habka ugu fiican ee lagu dabar goyn karo koridiisa. Si kastaba ha ahaatee, cunidda cunto caafimaad leh waxa ay ka hortagi kartaa haleelitaankiisa ama waxa ay ka weecin qofka in ay ku dhacdo cududdiisu.
1. Cauliflower (ubaxa dhirta)
Geedkan (Cauliflower) waxa ku jira maadada (asalaforaven) oo ah mid ka sameysan kiimiko raad wayn ku leh ka hortaga kansarka. Marka la jabiyo geedkan waxa soo baxaysa maadadan, sidaas darteed waxaa lagu talinayaa in la calaliyo ka hor inta aanan la liqin.Maadadan kiimikada ka sameysan waxa ay ka shaqeysaa raadinta iyo baabi’iyo unugyada kansarka iyadoo aan wax yeelo gaadhsiinaynin unugyada caafimaadka qaba.

 2. Carrot(kaaro)
Inkaste oo uu caan ku yahay Carrot-ku in uu wanaajiyo aragtida, waxa cilmi baaris la sameeyey tobankii sano ee la soo dhaafay ay muujisay sidoo kale in uu ku wanaagsan yahay ka hortagida noocyo ka mid ah kansarka, oo uu ku jiro kansarka kaadi haysta.
3. Avocado:
Dad badan ma jecla miraha noocaan oo kale ah, laakiin cunista avocado waxa ay leedahay faa’iidooyin , xitaa wargeyskan  waxa uu ku taliyay in uu qayb ka noqdo cuntada aad karsato.
Avocado waxaa ku jira tiro badan oo nafaqooyin ah oo u badan maadooyinka antioxidants oo ka hortaga dhaawacyo soo gaadha unugyada,waxana la xaqiijiyay wax tarka ay uu leeyahay yareeynta halista qaar kamid ah nuucyada kansarka.

4. Broccoli
Geedka Broccoli waa mid ka mid ah maadooyinka dabiiciga ee la dagaalama noocyo badan oo kansarka ah, gaar ahaan kansarka midhicirka. Haddii broccoli-gu uu yahay daray ama la qaboojiyey oo uu xarkagsan yahay ama la kariyay tayada ugu badan ee nafaqadiisa ma seego

5. Yaanyada
Yaanyadu waa miro macaan isla markaana caafimaad ah. yaanyadu waxa ay ka caawisaa jirka bini’aadamka soo saarista dheecaanka lycopene ka oo ah maado antioxidants ah taasoo wax waxtar u leh la dagaalanka ka cudurka kansarka.Waxa jira siyaabo badan oo loo cuno yaanyada, waxa la cuni karaa iyada oo cayriin ama la kariyey ama sida cabitaan loo sameeyo.
6. Midhaha looska
Haddii aad rabto in aad naftaada ka ilaaliso kansarka naasaha ama ka kaadi haysta, waa in aad cuntaa miraha looska. Waxa ay ka kooban yihiin Acidka dufanka leh ee omega-3, oo ah nooc ka mid ah dufanka waxtarka u leh caafimaadka dadka, waxana uu yareeyaa halista cudurada loo yaqaano coronary artery disease ee ku dhaca halbowlayaasha dhiig mareenada oo keena xanuunada wadnaha iyo wadna joogsiga, waxa kale oo uu hoos u dhigaa subagga aadka u sareeya. Loosku waa miro qiimo weyn leh oo la cuni karo quraacda ama noqon kara cunto fudud oo deg deg ah (snacks) ee u dhexeeya cuntooyinka ugu muhiimsan.
7. Garlic (Toonta)
Toonta cuniddeedu waxa ay u leedahay faa’iidooyin caafimaadka, kuwasoo dambcan ay ku jiraan ka caawinta ka hortago kansarka. Toontu waxa ay awood u leedahay in ay joojiso koritaanka unugyada kansarka iyo ku faafitaanka jirka. Waxaa intaa dheer, in ay leedahay sifooyin gaar ah oo ay kaga hortagto virus yada iyo bakteri yada (jeermisyada),.
8. Sanjabiil
Daraasado ayaa waxa ay muujiyeen in sanjibiishu  si fiican oo haboon uu uga shaqeyso dawooyinka kansarka ee lagula dagaalamo unugyada kansarka, gaar ahaan unugyada kansarka qanjirka.
Waxa intaa dheer in sanjibiishu  ay leedahay maadooyin gaar ah oo uu kaga hortago bararka, waxa kale oo uu kaa caawiyaa bogsiinta cudurada dhaqdhaqaaqa.Hadii aad ka cabanayso cudurada dhaqaaqa, waxa kaliya oo aad u baahan tahay cunista sanjibiil engegsan/qalalan ama sanjibiil cabitaan ah oo aad biyo ku sameyso ama mid shaah ku sameyso

EDDITING BY: DHIIRIYE MAGAZINE




0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal