Finanka waxa ay ka
soo bixi karaan sanka kaliya ama wajiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro
maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo
maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna bararaan markii la riixane
waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.
Qaar ka mid ah
sababaha keena finanka:
Qofka oo wajigiisu
nooca dufanka isla markaana aan aqoon sida loo nadiifiyo.
Qofka oo marka uu wajiga dhaqanayo xoog uruga wajiga taas oo
keenaysa in qanjiradii soo daynaye dufanka in ay sii siyaadshaan
Cuntoyinka qaar sida shukulaatada cunada leh
karbohaydareetka, fiitamiinka A iyo E-ga
Qofka oo finkii kasoo baxaba ganaha la’aada kadib dillaaciya
taas oo keenta meeshii in raad kuharo madoow ah
Heerka hormoonada qofka
Qofka oo aan hurdo iyo nasiino fiican helin hadana kudarsada
fakkar iyo walbahaar.
Hababka Dabiiciga ah
ee loo Daaweeyo Findoobka:
Biyaha Liin
dhanaanta: waxay u fiican yihiin baaba’inta summadda finanka, si doo kale
waxaa ku jira fitamin C badan, kaas oo ka dhigaya maqaarka mid siman oo
iftiimaya Mari biyaha liin maqaarka xiliga fiidkii. Kadib dhaq 20 daqiiqo kadib
adigoo isticmaalaya biyo diiran.
Khalka Tufaaxa:
Waxaad isticmaali kartaa khalka tuffaaxa adiga oo isticmaalayaa suuf ama cudbi
midkaa utaqaan kana fogeenaya gacnaha wajiga khaasatan finka.
Malab iyo qorfe la
isku shiiday: sida aan horay uga soo hadalnay labadaan daawo waxay aad ula
dagaallamaan caabuqa noocyadiisa kala duwan khaasatan kuwa maqaarka ku dhaca. 2
qaaddo oo malab ah iyo 1 qaaddo oo qorfe ah ayaad isku shiidaysaa markay xanjo
camal noqdaan ayaad ku dhajinaysaa meelaha nabraha ay kaaga yaallaan muddo 10
daqiiqo ah, kadibne waad ka dhaqaysaa. Ogow waa in malabku uu yahay mid dabiici
oo saafi ah.
Dacarta: Dacartu
waxay leedahay dawo wanaagsan, waxay ka hortag taa caabuqa iyo saameynta
bakteeriyada, sidoo kale waxay hormarineysaa dib usoo kabsashada maqaarka.
Dacarta kala jeex, oo mari wajiga waxa jiijiid meysa ee ka imaneysa meesha adka
kala jeexda, ama soo iibso jelka ka sameysan dacar boqolkiiba boqol, oo mari
meesha maqaar ee finanka leh ama guduudatay.
Maxaa ufiican finanka
raadka uureebo sida madmadowga iyo daldaloolada?
Waxa aad tijaabin kartaa ukunta qeybteeda cad iyo qaaddo aad
uyar liin dhanaan iyo 1 qaaddo oo malab asli nadiif ah, intaa ayaa isku
garaacaysaa kadib wajiga ayaad marinaysaa sug inta uu ka qallalayo 15 illaa 20
min. Waxaad isticmaali kartaa 1 mar maalintii muddo 2 week adiga oo aan
isticmaalayn wax saabuun ama waxyaaba kale.
0 comments:
Post a Comment
ka fa idaysi wanagsan walaal