SIDE LOO DAWEEYA AMA LOOGA HOR TAGAA SALIIDA WAJIGA EE DABIICIGA

Waa maxay saliida wajigu?
Wajiga saliida leh dad badan ayaa ka sheegto, khaasatan markii qofka wajiga ku yeesho findoob ama haaro.

Eebe wuxuu oogada biniaadanka ku abuuray qanjirro howshoodu ay tahay inay soo daayaan saliid si ay u subkaan maqaarka kore, loogana hortago kor qallaylka.
Qanjirradaas oo loo yaqaano "
Sebaceous glands", saliida ay soo saaraane waxaa loo yaqaanaa "Sebum", hadii qanjirradaasi si saa'id ah u shaqeeyaan qofka wuxuu yeesha maqaar saliiddu ku badan tahay khaas ahaan wajiga.

Maxaa keeno Waji Saliidka?

  • Dhaxal: dadka ugu badan waxay arrintaan ugu dhacdaa dhaxal ahaan, kuwaasoo ku dhasho qanjir saliid firfircoon.
  • Welwelka: wuxuu kiciyaa qanjirrada saliida.
  • Isbadallada hormoonka: waxay keentaa in saliid soo saarista qanjirrada ay badato ama wajiga ay ka soo yaacaan finan, waxaana xaaladaan la dareemaa xilliga caadada, kadibne way baaba'daa.
  • Safarka: qofka galo safarrada badan, una kala goosho wadamo kala duwan cimilladooda waxay keentaa in maqaarkiisu uu saliida ku bato.
  • Daawooyinka la isku qurxiyo, qaar badan oo ka mid ah waxay keenaan waji saliid.
  • Daawada looga hortago uurka, waxay keenaan waji saliidka
  • Nafaqo darrida, waxay keentaa waji saliidka.
  • Hawada sumaysan ama magaalooyinka ay warshadaha ku badan yihiin dadka ku nool waxay u bataan waji ku saliidlayaal.

Maxay dhibaato ah ayuu keenaa saliida wajigu?
Dhibaatada ugu badan waa in wajiga uu yeesho nabro ama haaro kuwaas oo si dhakhso ah u faafi karo,

Sidee looga hortagaa saliida wajiga? ama lagu yareeyaa?


  • Jooji waji dhaqista badan: tan waa qaladka ugu horreeyo oo lagu dhaco, dadku waxay aaminsan yihin hadduu qofka uu wajiga dhaqo in badan in saliiddu ay yaraanayso, waa caksi, saliidda waa sii badataan, marka waxaa wajigaaga dhaqdaa labo jeer kaliya, markaa soo kacdid iyo markaa seexanayso, taasoo dareensiinayso qanjirka saliidda in baahi wayn aysan jirin.
  • Ku dhaq wajigaaga biyo diirran: qaladka labaad waa in wajigaaga aad ku dhaqdaa biyo kulul ama qabow, taasoo labadoodaba wajiga qallajiya, hadduu qalleel yimaadane saliidu waa imaanaysaa.
  • Haddii aad wajigaaga saliid ka dareento, ku tirtir maro khafiif ah oo jilcan oo wajigaaga aanan dhaawacaynin aad u qallajinaynin
  • Cabitaanka badso: cabitaanka badan waxuu jirka ka ilaaliyaa qallaylka, wuxuuna hoos u dhigaa shaqada qanjirrada saliidda soo saaro, ogow haddii biyo cabitaankaagu uu yar yahay, saliida way jiraysaa.
  • Yarey sonkorta, cusbada, dufanka iyo cunnada shiilan: kullamaa cuntada aad cunayso ay caafimaad leedahay, kullamaa shaqada jirkaagu uu dabiici yahay.
  • Ka fogow in aad isticmaasho waxyaabo ay ku jiraan saliid ama dufan oo wajiga la marsado.
  • Ka fogow sigaar cabista: sigaarku wuxuu cariiriyaa xididada dhiiga siiyo maqaarka, tan waxay keentaa kor qallayl iyo saliid badan.
  • Waxaa jiro waxyaabo badan oo dabiici ah oo ay dadka qaar sheegaan in ay wax iskaga garteen sida wajiga oo lagu tirtiro ama la mariyo khalka ama dheecaanka tufaaxa, malabka, karootada iyo waxyaabo kale oo badan.
  • Ku dadaal in aad hesho hurdo kugu filan, tan waa muhiim.


0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal