XANUUNADA AY SABABTO HURDO LA,AANTU

Hurdadu waxey muhiim u tahey guud ahaan nolosha Aadamaha, hurdo yaraantuna waxey keentaa dhibaatooyin badan oo xag caafimaad iyo xag muuqaal ahaanba laga dareemi karo.
Waxaaney dhibaatadani wax yeelo badan gaadhsiisaa shaqsiga marka ay muddo badan jirto ee seexan waa ku dhaco qofka bani aadamka ah.
Dhibaatooyinka waaweyn ee laga dhaxlona waxa ka mid ah, daal iyo tabcaan, caajis, madax wareer, cadho iyo  jidh-xanuun. waxa intaa dheer xanuuno waaweyn oo ay  kamid yihiin xusuus-guur, waali iyo haliso kale oo badan, hadaba qormadan waxeynu ku faaleyn doonaa qodobadaa oo faahfaahsan.
Dhimasho Dagdag ah: cilmi baadhisyo badani waxey cadeeyeen in  dhimashada kusoo boodada ah ee loo yaqaan mawtalqafle uu ku badan yahey dadka hurdada yar amaba aan si fiican u seexan marka loo eego dadka seexda saacadaha loogu talo galey.
Shilalka baabuurta: hurdo yaraantu waxey keentaa in uu maskaxda jiheeyihii ka daciifo iyo daal badan taas oo qofka dhaxalsiin karta inuu naftiisa iyo nafo kaleba galaafto.
Caafimaadka: hurdo yaraantu waxey si toos ah u curyaamisaa caafimaadka iyadoo keenta cuduro badan amaba u saamaxda inay jidhka si sahlan u soo galaan kadib markii uu daciifo difaacii loogu talo galay, cuduradaas waxa ka mid ah.
  • Macaan
  • Maskaxda oo qaybi shaqeyn waydo
  • Cudurada wadnaha
  • Wadna istaag
  • Dhiig kar
Fahan la,aan: marka ay hurdadu yaraato waxa hoos u dhacaya heerkii soo jeedka kaas oo keenaya inuu yaraado fahanka iyo cilmi korodhsigu
Buurni: hurdo yaraanta waxey keenta hilib siyaado ah, kaasi oo ka dhasha khalkhal ku yimaada hoormoonada sheega dharaga iyo gaajada, kaas oo uu bato hoormoonka gaajada sheegayaa si siyaado ah wax loo cunayo
Saameyn jidh ahaaneed: habeen kaliya ood soo jeedo ayaad wajigaaga ka dareentaa daal iyo indho godgodnaan, haddii aan la helin hurdo ku filan waxa dhaca is badal ku yimaada dubka waxaana  ka mid ah Haaraha, Coodhcoodhka iyo godad ku sameysma wajiga.
Ilawshiiyo: maskaxda Aadamuhu waxey leedahay laba kayd oo kala ah mid ku meel gaadha iyo mid rasmiya, wax kasta waxa la geeyaa kaydka ku meel gaadhka ah inta uu qofku soo jeedo, marka laseexdo ayaa wixii loo baahnaa loo gudbiyaa kaydka rasmiga ah, haddii aan la helin hurdo ku filana waxa dhaceysa in la haleeliba waayo kaydkii rasmiga ahaa, macluumaadkiina ay si sahlan u lumaan.

W/Q: Hibo Ciise


0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal