Waxaa
laga yaabaa in aad in badan is waydiisid Soomaalidu maxay dawlad ugu soo noqon
la’dahay? Waa su’aal in badan dadka Soomaaliyeed madaxooda ka guuxaysa. Hadaba
waa maxay sababtu? Iyadoo ay jiraan siyaabo kala duwan oo lagu macnayn karo
sababta, haddana waxaa jira mid ka mid ah sababahaas oo laga yaabo dadka
qaarkood inaysanba u arag inay dowladnimada qayb wayn ka tahay. Taasi waa
burburka qoysaska Soomaaliyeed iyo caruurta rajadoodii luntay.
Marka laga hadlayo burburka qoys dhisnaa waxaan ka hadlaynaa arrin
aad u culus diin ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waa arrin keenaysa carruur
dayacan barbarin ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waana arrin culays ku soo
kordhinaysa ehelka qoyska burburay iyo bulshadaba.
Haddaba sideebuu burburkani u kala saameeyaa xubnaha qoyska?
Si aan u raadinno jawaabta su’aashan, aan midmid u fiirinno
xubnaha qoyska.
Carruurta
Marka hooyada iyo aabuhu kala tagaan, ilmuhuna waxay noqdaan kuwo
dayacan oo kala qaybsan oo aan ku barbarin sidii saxda ahayd ee ay xaqa u
lahaayeen niyad ahaan iyo nolol ahaanba. Taas waxaa keena iyadoo ay ka
maqan yihiin daryeelkii iyo jacaylkii ay ka heli lahaayeen waalid wada jira.
Taasi waxaa laga yaabaa in ay si wayn saamay ugu yeelato ilmaha mustaqbalkooda,
taasoo dabcan bulshadanah saamayn ku yeelanaysa. Waxaan si waaqici ah u aragnay
in ilmaha aan si habboon loo barbaarin uu dhibaato wayn u gaysan karo naftiisa,
waalidkiisa, dariskiisa, iyo bulshadaba.
Hooyada
Hooyadu waa dhinaca labaad ee ugu nugul saameynta burburka, ugu
yaraan labo sababood awgood. Kow: hooyadu si gaar ah ayay ugu nugushahay
la’aanshaha qoys buuxa maadaama ay asaas u tahay qiyamka qoyska iyo
mujtamacaba. Labo: dulqaadka ay u leedahay hawsha carruurta awgeed, howshaasi
iyada ayay ku soo fakataa, taasoo marar badan keenta in ay xataa kaligeed
ilmaha koriso. Taas waxaa ina tusi kara hooyooyin badan oo maalintii oo
dhan suuqa taagan si ay kaligood u dabbaraan nolosha ilmaha.
Aabaha
Waxaa la arki karaa in aabayaasha reerkooda si fudud u burburiyaa
ay ku danbeeyaan seegseeg iyo saaqidnimo ayagoo noqda kuwo noloshoodu ku kooban
tahay raadinta majin qaad ah. Kuwa ugu rooni waxay kasbadaan culays dhaqaale oo
dheeraad ah.
Guud ahaan, xubnaha qoyska dumay midkoodna kuma noolaado niyadsami
inta badan. Qaran ahaan, jiritaanka qoysas badan oo noocaan ahi waxay la macne
tahay qaran asaaskiisa bulsho uu ku jiro tafaraaruq iyo farxad yari.
Gabagabo
Haddaba maxaa xal ah? Dawladda, culamada, waxgaradka kale ee
umaddu waa inay ka wada qayb qaataan xal u raadinta dhibkaas. Waa in dib loogu
noqdaa qaababka guurka iyo furriinka iyadoo laga dab qaadanayo Shareecada
Islaamka.
T3D Technology Review - TI TIATIC LEARTS AT TIATIC LEARTS
ReplyDeleteTIATIC LEARTS AT TIATIC LEARTS AT TIATIC LEARTS AT TIATIC LEARTS AT TIATIC LEARTS AT TIATIC LEARTS AT TIATIC LEARTS AT TIATIC LEARTS AT TIATIC titanium belly button rings LEARTS titanium fitness AT titanium flask TIATIC LEARTS titanium damascus knives AT TIATIC pure titanium earrings