1. Ma
rabaan inaad ka badiso. Waxay u arkaan nolosha inay tartan tahay, Yaa caansan,
yaa taajirsan, yaa saaxiibo badan, yaa qurxoon, yaa shaqo fiican. Waxay ka
baqayaan inaad adigu ka dheereyso iyagana loo arko Faashil. Mar kasta oo aad ka
dheereyso neceybkaa u sii siyaadaya.
2. Waxaad leedahay dabeecadaha dadku necbeystaan sida Bakheylnimo, isla weyni, kibir, Been badan, lugooyo, qaraabo goys, iwm.
2. Waxaad leedahay dabeecadaha dadku necbeystaan sida Bakheylnimo, isla weyni, kibir, Been badan, lugooyo, qaraabo goys, iwm.
3. Waxay u heystaan inaadan u qalmin heerka aad joogto. Ma
eegayaan shaqada adag & dhibta aad halkan ku soo gaartay.
4. Ma hilmaami karaan wixi la soo dhaafay. Waxbaa idin dhex
maray beri hore. Laga yaabee inaad isku fiicneydeen balse kala boodeen.
5. Ma heystaan wax kaloo wanaagsan oo Nolosha ay qabtaan. Waxay
maareyn waayeen dhibkooda, waxay ka baqaan is bedelka. Laga yaabee inaysan
adiga shaqsiyan ku necbayn balse ay sida iska yihiin.
6. Waa dad maseyr & xaasid badan. waxay rajeeyaan
inaad soo dhacdo sababtoo ah waxay rabaan inaad weydo waxa aad heysato oo aysan
heysan. Waxay nolosha u arkaan sidi zero-sum game. Waxay u arkaan hadii aad
saaxiibo ama taageerayaal weydo inay iyagu qeyb helayaan.
7. Kuma faraxsana qeyb noloshooda ka mid ah. Way fashilmeen. Waxayna
rabaan in qof kale la dareemo. Ma rabaan inay keligood dhintaan.
8. Waxay rabaan inay attention helaan. Waxa ugu badan ee ay ka
baqaan waa aamusnaanta. Waxay dareemaan inay qof jira yihiin goortii codkooda
aad maqasho. Ha u jawaabin. Hala murmin. Way ka sii helayaan keliya.
9. Laga yaabee inay Qabiilkaada iyo deegaankiina neceb yihiin!
10. Is fahan la’aan. Dad baa
iyagoo qofki aqoon ama arkin iska necbeysta. Waxayna dhahaan “Jinigeygaa neceb”
ama “waa iska sanifay”
W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje
0 comments:
Post a Comment
ka fa idaysi wanagsan walaal