WAX KA BARO TAARIIKHDA ISLAAMKA {CUMAR BINU KHADAAB}

Waa Abu Xafs Cumar Ibunl khaddab Al-Qurashi, wxa lagu naanaysi jiray Al-Faaruuq oo macnaheedu yahay kii xaqqa iyo baadilka kala saafay. Waa khaliifkii labaad afarta khulafo ee hanuunsan, waxa uu kamid ahaa asaxaabta rasuulka SCW kuwooga ugu sarreeya waxaanuu ku jiray 10ka qof ee iyaga oo dunida dul jooga jannada loogu bushaareeyay.

Cumar waxa uu kamid ahaa Asaxaabta rasuulka SCW kuwooga ugu cil,miga badan, uguna suhdiga badan, waxa uu muslimiinta u khaliif noqday bishii Jumadil 6aad ee sannadkii 13 Hijriga oo u dhiganta 634 taariikhda dhalashada Nabi Ciise  NKH kadib markuu geeriyooday Abu-bakar Al Sidiiq Allah ha ka raalli noqdo labadoodabae.

Cumar Bin Alkhaddab waxa uu caan ku ahaa cadaalada iyo daryeelka dadka, muslim iyo gaal kay doonaanba ha ahaadeene waana sababta loogu naanaysay magaca AlFaaruuq.

Xilligii uu talada Muslimiinta hayay Cumar waxa ay diintu gaadhay heer aad u sareeya, waxa faafay wanaaga iyo naxariista Islaamka, waxa lagu guulaystay in Ciraaq, Masar, Liibiya, Faaris, Wadammada Asia, iyo waliba Qudus oo markii koowaad ee Islaamku qabsaday ay ahayd xilligiisii.

Cumar waxa uu aad ugu horeeyay uguna maskax badnaa dhinaca abaabulka ciidamada iyo awooda Muslimiinta, waxaana ka marqaati ah siduu u dulleeyay dabcaabudkii Furus (Persia) oo uu muddo 2 sanno ka yar ku burburiyay boqortooyadoodii, waana sababta Illaa hadda Cumar bin Al Khaddaab uu u yahay qofka loogu necebyahay dhulkaa ay maamuli jireen dab caabudku, iyaga oo iska leh ciid ay ku nacdalaan fasax na laga dhigo dhamaan wadanka oo dhan.


Cumar bin Al-Khaddab taariikhdiisa kuma soo koobi karno hal maqaal balse insha Allah inta kale waxaad ka raacan doontaa kutubta siirada oo afaf badan lagu turjumay, kana mid yahay afkeena hodonkaa ee Somaligu.

0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal