sida la ogyahay wejiga iyo
xubnaha jirka intooda kale inay yihiin astaan lagu garan karo waxa dhex yaalla
qalbiga, naag jacayl nin u qabta ama nin naag jacayl u qabo waxaa laga arkaa
astaamahaan soo socda
1-xusuus badan mar kasta inaad niyadda ku haysid oo aadan ka
saari karin oo aad ku mashuulsantahay
2- inaad ka sheekayso qofka aad jeceshahay mar walba waxaad
rabtaa inaad xusto
3- in si xoog ah wadnaha u shaqeeyo markaad si kedo ku aragto
qofka aad jeceshahy
4- marka aad u soco kulankiisa waxaad dareemaysaa firfircooni
siyaado ah, marka aad ka soo tagaysidna waxaad dareemaysaa culays iyo tiiraanyo
iyo caga-jiid
5- qofka ku jecel si rasmi kuuma fiirin karo, fiirista ayuu kugu
xadayaa, marka aad dhinac kale u jeedano aad buu kuu fiiriyaa
6- wax kastoo aad nacaybtahay waa ka fogaanayaa qofka ku jecel
adoo aan dhihin ka fogoow
7- wuxuu jecelyahay inuu kuu soo dhowaado marka aad meel wada
joogtaan
8- dadka adiga aad jeceshayna wuxuu jecelyahay inuu ixtiraamo
waxa aad jeceshayna inuu jcelaado, waxaa la sheegay nin ayaa naag jeclaa deris
ayay ahaayeen maalin kaste waxay garaaci jirtay mooye marka uu dhintay
gurigiisa waxaa laga helay 40 mooye, mid kale ayaa la weyddiiyey waxaa lagu
yiri qorraxda ka waran iftiinkeeda markaas ayuu yiri marka heblaay (naagta uu
jecelyahay) gurigeeda ay qabto ayay ugu iftiin badantahay
0 comments:
Post a Comment
ka fa idaysi wanagsan walaal