SIDEE MUUSKA JIDHKA LOOGU QURXIYAA?

Inta badan waxa jira Daraasaado wakhtiyo kala duwan lagu ogaado waxyaabo badan oo qarsoonaa hadaba akhriste maxad ka ogtahay In uu Muuska yahay shayga Ugu fiican ee aad Jidhkaaga Ku Habyn Karto Soona Saraya Quruxdaada.
Muusku wuxu leeyahay faa`idooyin badan iyo fiitamiino caawinaysa maqaarka dadka, kana dhigaya mid jilicsan oo dabacsan, sidaa darteed waxu kaa cawinayaa in aad quruxdaada ku ilaaliso isticmaalka muuska.
Shirkadaha Caalamiga ah ayaa soo ban dhigay hada in uu Muuska yahay shayga Ugu fiican Dhinaca Qurxinta Jidhka loo adeegsan karo (natural pant) waxana tijaabo ku sameysay shirkadaha dalka Engiriiska qaarkood.
Habka loo isticmaalayo muuska jidhka lagu qurxiyo:
-Waxaad jarjartaa muuska kadib wajiga saar mudo 20 daqiiqo ku dhow, sidaa ayuu wajigaagu ku nuugayaa saliida iyo fiitamiinka ku jira muuska.
-Xeelad kale: soo qaado moos bisil kadib ku rid baaquli, ku burburi qaado kadib ku dar hal qaado oo malab ah iyo hal qaado oo liin dhanaan ah, isku qas. Wajiga iska maydh dabadeedna shukumaan ku qallaji. Wajiga saar mooski, liintii iyo malabkii aad isku qastay adigoo isticmaalaya faro nadiif ah, hakuu saarnaado mudo 15 daqiiqo ah kadibna biyo qandac ah isaga maydh. Waxaa uu wajigaaga ka baabi’inayaa dhibcaha madow iyo finanka isagoo ka dhigayaa mid dhalaalaya
-Muuska yaryaree kadib waxaad ku dartaa saliida lawska, kadib isku walaaq, kadibna timahaaga mari oo kudaa 15 daqiqadood. Markaad maydho timahaaga oo aad dhawr jeer sidaas u isticmaashidna waxaad dareemi doontaa is badal wayn, timahaaguna waxa ay noqon doonaan qaar jilcsan oo dhalaalaya.
-Si ilkahu kuugu cadaadaan, Sooqaado qobka mooska adigoo ku daligaya qeybtisa hoose ilkahaga muddo dhan laba daqiiqo, adigoo isticmaya caday ama burushka ilkaha. Ogsoonow in in macdanta ku jirta ee ay ka midka yihiin: magnesium, calcium, iyo potassium ay qayb libaax ka qadanayaan cadeynta ilkaha. Moosku waa midka mida qayraadka ugu balaran ee kabaxa dalkena.
-Si gacmahaagu u dabcaan waxaad samaysaa muuska markaad jarjartid ayaad kula walaaqi badhar, kadib gacmaha ayaad marin sidii inaad fara xalanaysid oo kale, daqiiqado kadib markaad iska maydhid, waxaad dareemi doontaa siday gacmahaagu u jilcaan. Intaasi oo Kaliya Maaha Fa’iidada Uu jidhka uu leyahay lakiin waxa Cunistiisa Laga helaa Borotiin La xidhidha dhanka Xubnaha Dareeraha Oo Uu joojiyo.



0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal