JUVENTUS OO SI RASMIYA MAANTA UFASAXAYSA DANI ALVES XILLI WAKIILKA DANILO UU KU SUGANYAHAY ITALY

Qandaraaska Dani Alves ee Juventus ayaa si rasmi ah loo burburin doonaa maanta, xilli la sheegayo in wakiilka daafaca midig ee Real Madrid Danilo uu ku sugan yahay Italy.
Daaficii hore ee Barcelona ayaa durbaba macsalaameeyay jamaahiirta Bianconeri kaliya hal sanno uu kooxda joogay.
Xiddiga reer Brazil waxa uu Manchester City kula midoobi doonaa macalinkiisii hore Pep Guardiola, waxaana ay jariirada Corriere della Sera ay sheegtay in maanta si rasmi ah loogu dhawaaqi doono inuu ka tagayo Juventus.
Waxaana ay taasi keeneysaa in boos uu ka banaanaado booska daafaca midig ee Marwada Duqda ah, waxaana wargeyska uu xusay inay socdaal wadahadalo ay kula jiraan Danilo.
Waxaa la rumeysan yahay in Juve ay ku dalbatay daafaca 15 milyan yuro oo kaash ah iyo lacago dheeri ah oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedkiisa, halka Real Madrid ay dalbaneyso 30 milyan yuro.

Wakiilka Danilo ayaa la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Italy, waxaana uu la kulmi karaa Bianconeri si ay uga wadahadlaan heshiiska.

0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal