SIDEE LOO CADEEYAA ILKAHA?

Waxaan akhristaayasha qiimaha badan ee ku xidhan DHIIRIYE MAGAZINE halkaan kula wadaagaynaa sida ilkaha loogu caddeeyo huruud, saliid qumbe iyo fixisada burka.

Huruud:



in kastoo huruuda
lagu yaqaan inay midab huruuda ah u yeesho wax kastoo la mariyo hadana waxay ka mid tahay waxyaabaha dabiiciga ah ee ilkaha lagu caddeeyo.

Huruudu waxay u wanaagsantahay dhibaatooyinka ilkaha, sida ilka xanuunka iyo yiridka (gingivitis) sababtoo ah waxaa ku jirta maado la yiraahdo “curcumin” oo antibiotic ah sidoo kalana jeermiska dhisha

Saliid qumbe:


Saliida qumbaha waxay u wanaagsantahay caafimaadka afka. Waxay dishaa bakteeriyada, waxay daawaysaa ilka xanuunka, neef qarmuunka iyo xanuunada cirridka. Sidoo kale saliida qumbaha waxay dhalaalisaa oo ay caddaysaa ilkaha.





Kicisada burka

Kicisada burka (baking soda) waxay ilkaha ka qaadaa wasaqda, waxay diishaa huurada, waxay yareysaa suuska ilkaha iyo xanuunada cirridka.
Tallaabooyinkaan soo socda raac:
  • Waxaad isku dartaa 4 qaado oo huruud budo ah, 2 qaado oo kicisada burka ah iyo 2 ama 3 qaado oo saliid qumbe.
  • Si fiican iskugu qas.
BY:DHIIRIYE MAGAZINE

0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal