Way adagtahay waxaad odhan lahayd wiil marku ku sheegto
jaceyl oo adan wax hami ah u heynin
Waa suurta gal in wax badan kula soo gudboonato wiilal aadan
ka helin oo had iyo goor ku daba orda ama ku deyn waaya hadalheynta jaceylka ay
ku qabaan.
Ma fiicna inaa is qasabtid una aqbashid oo kaliya inuu ku
jecelyahay. Ogow wiilasha badankood waxey iska dhaadhiciyan hadaa ka amustid
inaad jaceyl u qabtid.
Waxaba ha walwalin taasi way dhacdaa had iyo goor oo
bani-adan baynu nahay qof kastena kama heli karno, hadaba qodobadan akhri si
aad uga badbaadid:
1-U sheeg inaadan jecleyn, waxa laga yabaa inaad ‘markaa
helin’ oo kaliya u baahatid. Waxa dhacda ineysan saas kugu dhaafin maxa yeelay,
raggu badankood ma fahmaan tusmada maldahan.
2- Qof aanan jirin kasoo qaad, tusaale ahaan haduu kugu
dheegago kasoo qaad inaadan isagaba u jeedin, si kale marki loo dhigo isagoo
dhan inkir.
3- La qabsigisa ku xidh markasta uu kaa dhex galo sheeko aad
wadid, waxa ku filan oo kaliya ‘Fadlan, hasoo dhex galin sheekadeyda’.
4- Kaasho asxaabtada hadey kula ogyihin arintan, si ey kuugu
cawiyan in aad waddo iska marisid kana dhaadhici inaadan wax jaceyl ah haba
yaraate adan u qabin.
5- Ha amaahin macluumadkaga khaaska ah sida Email,
teelefoon, ama meeshad dagantahay. Lana socodsi asxabtada taaso laga yabo inuu
iyaga weeydiisto.
6- Isku xoqidu waa mid raggu had iyo goor ugu soo dhawaadan
gabdhaha. Iska ilaali inuu isku ka xoqo ama kugu tiirsado hada meel wada
fadhiisatan, istaagtaan, ama gacantada ku dhago hadaad salaantid.
7-Ka dhexbax isagoo dhan, tan hadaad si wanaagsan u sameysid
waad ku guuleysan karta inaa niyada ka jabisid uuna ilaawo maleynta uu qabo oo
ah inaad jeceshahay. Isku day inaad isaga fiirisid adoo ku dheegagaya qof ama
wax ka dambeeya. Tani waxey ka dhaadhicineysa inaadan waxaba kasoo qadin isaga
oo uu kula yahay qof caadi ah oo aad inkirtay sugnaantisa.
8- U cudurdaaro haduu ka codsado inuu casho ku kaxeeyo, una
sheeg inaadan waxas diyaar u aheyn waliba isaga hadu booska buuxinayo. Kuna
dheh “in walaaltinimo oo kaliya iney idinka dhaxeyso xaajadu ku fiicnaan
laheyd”.
9- Ka raalli gali haduu kaa arkay calaamado muujinaya jaceyl
aad u qabtid, una sheeg iney khalad ahaayeen.
10- Ugu dambeynti had iyo goor u sheeg inuu khalad ka galay
marku ku weydistay xidhiidhka noocas ah
.
0 comments:
Post a Comment
ka fa idaysi wanagsan walaal