MA RABTA INAAD WAJIGAAGA SI DABIICIYA U U CADDAYSID AMA U QURXISID?

Kaarootadu Waxay Ka mid tahay khudaarta qaniga ku ah fitamiinna badan ha ugu horreeyee Vitamin A sidaa darteed waxay in badan ka qayb qaadataa quruxda maqaarka, qofkii marsada wajiga oo kale wuxuu ka helayaa faa’iidooyin badan waxaa kamid ah faa’idooyinkaa :
·         Dhalaal dahabi ah.
·         Nadaafad dheerri ah.
·         Nafaqqo aan la koobi karin.
·         Maqaarka oo noqda smooth .
·         Calaamadaha Gabowga oo aan kugu soo dagdagin.
Qaabka loo Qasso:
1 xabbo kaarooto (carrot) ayaad qolofta ka fiiqaysaa oo aad jarjaraysaa kadibna dabka biyo kussaaraysaa muddo 10 daqiiqo ama kayar kaddib marka ay qabowdo ayaad kudaraysaa caana boore ama kareem culus (full cream, waa kareemka cuntada lagu kariyo) iyo 1 qaaddo oo malab ah siffiican ayaad isugu shiidaysaa, qofkii maqaarkiissu qallayl yahay wuxuu ku darayaa 1 mulqacad oo

                                                       saliidda Almond oil
si aad saliida u aragto
 ah ama wheat germ oil, kaddib waad marsanaysaa illaa muddo 20 daqiiqo kaddib ayaa iska mayraysaaa.
Qofkii wajigiisu dufan iyo finan leeyahay saliidaha yuuna ku darin.
Qofkii joogteeya 21 maalmood  oo kaliya 1 mar maalintii wajigiisa wuxuu ka dareemayaa Insha Allaah farqi illaa 70% idin ma odhanayno100% laakiin waxaan hubaa in aad uu idiin anfici doono Insha Allaah .

0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal