Xidiga
xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa diyaar
u noqon kara in uu ciyaaro finalka UEFA Super Cupka ay kooxaha Real Madrid iyo
Manchester United iskaga hor iman doonaan bilawga xili ciyaareedka cusub. In
Xulka qaranka Portugal lagu raabay afar dhamaadka FIFA Confederations Cupka
isla markaana uu waliba Ronaldo fasax ka qaatay qarankiisa in aanu u ciyaarin
kulanka kaalinta saddexaad ayaa fursad wayn u ah CR7.
Cristiano Ronaldo ayaa haddaba bilawday fasaxa xagaaga wuxuuna
markiiba waqti la qaatay carruurta mataanaha ah ee udhashay waqtigii uu Russia
ugu maqnaa waajibaadka xulka qarankiisa Portugal, laakiin markii hore waxaa la
filayay in Ronaldo aanu diyaar u noqon karin finalka UEFA Super Cupka ee
kooxaha Manchester United iyo Real Madrid.
Cristiano Ronaldo ayaa qayb ka noqon kara kulamada saaxiibtinimo
ee ay Real Madrid ku ciyaari doonto USA oo ay ka mid yihiin kulamada ay la
ciyaari doonto Barcelona iyo Manchester United taas oo xidiga ree Portugal siin
doonta in uu u diyaar garoobi karo finalka UEFA Super Cupka.
Laakiin su’aasha ugu wayn ayaa ah in haddii uu Cristiano Ronaldo
diyaar u noqdo finalka UEFA Super Cupka kooxda uu u ciyaari doono- Real Madrid
mise Manchester United?. Mustaqbalka Ronaldo ayaa ilaa hadda cirka ku shareeran
kadib markii uu si xun uga cadhooday dacwadii maxkamada Spoain ugu soo oogtay
in uu lacag cashuur ah lunsaday.
Laakiin Real Madrid ayaa doonaysa in ay wax kasta u samayso sidii
ay Ronaldo u dajin lahayd oo ay kooxdeeda ugu sii hayn lahayd balse taasi ma
aha mid la hubo in Ronaldo uu badali doono go’aankii uu sida lama filaanka ah u
qaatay iyada oo maalmaha Iniinta iyo talaadada ay kulan wada yeelan doonan
madax wayne Florentino Perez oo isku dayi doona in uu Ronaldo dajiyo.
Laakiin sida ilaa hadda muuqata Ronaldo ayaa diyaar u noqon kara
finalka UEFA Super Cupka oo aan markii hore la filayn in uu ciyaari doono iyada
oo waliba Manchester United wali ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xidigii hore
Old Traffrod wacdaraha uga soo dhigay.
0 comments:
Post a Comment
ka fa idaysi wanagsan walaal