MAHAMED SALAH OO KUSOO BIIRAY LIVERPOOL

Liverpool ayaa 39 milyan oo euro kula soo wareegtay Maxamed Saalax oo garabka uga dheelayay kooxda Roma ee Talyaaniga, horayna ugu soo dheelay kooxda Chelsea.
Masrigan 25 jirka ah ayaa kooxda la saxiixday heshiis 5 sano ah, waxaana intii muddo ah isha ku hayay tababare Jurgen Klopp.
Liverpool ayaa xagaagii hore lacag intaa dhan kusoo iibsatay Sadio Mane, oo gacan wey ka geystay in kooxdaasi ay ka mid noqoto afarta ugu horaysa horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay.
Maxamed Saalax ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in kooxdiisa cusub uu la qaadi doono ugu yaraan hal koob xilli ciyaareedka soo socda.
Tababare Jurgen Klopp ayaa ku tilmaamay Maxamed laacib khibrad iyo karti leh, muhiimna u noqon doona kooxda Liverpool.
Xilli ciyaareedkii tegay ayaa waxa uu Maxamed Saalax ka saaciday kooxda Roma in ay gasho kaalinta labaad ee horyaalka Serie A, asagoo u dhaliyay 15 gool 31 kulan oo uu u saftay.


0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal