MAJALADA CAAN KA AH EE FRANCE FOOTBALL OO PSG KALA TALISAY WAXA AY TAHAY IN AY KA YEESHO XIDIGA IN UU BAXO DOONAYA EE MARCO VERRATTI

Majalada caanka ah ee France Football ayaa dab ku sii shiday xaalada Marco Verratti ee kooxda PSG waxayna sarre u sii qaaday hamigii uu xidiga ree Talyaani ku doonayay in uu iskaga baxo PSG oo uu ku biiro kooxda uu jecel yahay in uu u ciyaaro ee Barcelona.
Majalada Ballon d’Orka bixisa ee France Football ayaa abuurtay dood kale waxayna la xidhiidha bixitaanka Marco Verratti, waxayna iswaydiiyeen su’aalo ay PSG ugu sheegeen in ay iska iibiso xidigan. PSG ayaan doonayn in ay ogolaato dalabka Verratti ee ah in Barcelona laga iibiyo.
France Football oo ka mid ah majaladaha aduunka ugu caansan ayaa soo dhigay su’aasha ah: ” Maxay tahay in PSG ay samayso? waxayna su’aashan ka keeneen mustaqbalka Marco Verratti waxaana la sii raaciyay su’aal kale oo ah: ” Miyay fikrad fiican tahay in Verratti laga horjoogsado hamigiisa?”.
Laakiin  France Football ayaa sheegay in guusha PSG ay tahay in ay iska iibiso Marco Verratti waxaana in ay iska iibiso Verratti lagu sheegay: ” Guusha PSG”.  France Football ayaa muujisay in Marco Verratti oo laga celiyo hamigiisa Barcelona aanu ahayn fikrada fiican balse ay fikrada fiicani tahay in ay iska iibiso.
Habdhaqanka Marco Verratti uu dabada kaga riixiyo in uu Barcelona ku biiro ayaa ka cadhaysiisay jamaahiirta kooxda ree France iyada oo xataa  France Football bilawday in ay u ololayso sidii Marco Verratti loo iibin lahaa.
Marco Verratti ayaa PSG ku soo biiray sanadkii 2012 kii markaas oo uu 12 milyan oo euros oo kaliya uu kooxda ree France ugu soo biiray. Markaas ayuu madax waynaha PSG ee  Nasser Al Khelaifi ayaa sheegay in Verratti uu noqon doono mustaqbalka talyaaniga

0 comments:

Post a Comment

ka fa idaysi wanagsan walaal