Boqorku waxa uu dhalay
gabar Allah isugu daray qurux, akhlaaq wanaag iyo waliba diin, waxa loogu wan
qalay magaca Maryam.
Maryam waxa maalin maalmaha kamid ah ay si lama filaan ah u gaday silsilad dahab ah oo ay lahayd aadna qaali u ahayd si ay Masaajid hor Allah ugu dhisto.
Maryam waxa maalin maalmaha kamid ah ay si lama filaan ah u gaday silsilad dahab ah oo ay lahayd aadna qaali u ahayd si ay Masaajid hor Allah ugu dhisto.
Waqti yar kadib
masjidkii markii gacanta sidaa looga qaaday waxay ay doontay inay maalin soo
fiiriso, shaqaalihii ayaa amar lagu siiyay inay faaruqiyaan masaajidka. Kadib
ayay soo gashay oo ay indhaha ka siibtay naqaabkii si ay ugu raaxaysato quruxda
guriga ay aaqiro kasii dhisatay.
Mid kamid ah
shaqaalihii ka shaqaynayay masjidka oo kor saarnaa ayaa lagu ilaaway oo
masjidka ku baaqi noqday, waxa uu arkay quruxdeeda kadibna qalbigiisii taagta
darnaa markiiba waa uu raacay, gurugiisii ayaa uu ku noqday isaga oo maalinba
maalinta ka dambaysay jacaylka uu u hayo inanta boqorku kusii kordhayay illaa
uu sariirta dul dhigay oo uu bukaan noqday.
Shaqaalahan oo
magiciisa la odhan jiray Cali waxa dhashay hooyo da’ ah oo aad iyana u
taagdaran, cid kalana aan lahayn isaga mooyaane.
Hooyadii ayaa waydiisay Cali: wiilkaygiiyoow sidee laguu hayaa waadigan furaashka ka kici waayaye?
Cali: Maamo waxa aan jeclaaday gabarta boqorku dhalay, waan jeclaaday hadii aan guursan waayona waan dhimanayaa.

Hooyadii da’da
ahayd iyada oo aad u dareemaysa xanuunka wiilkeeda ayaa ay u jihaysatay dhankii
ay ka xigtay inanta boqorku dhalay, waxa ay ku tidhi iyada oo rajo beeshay
waxaan kuula socdaa arin aad la yaabi doonto, wiilkayga ayaa ku arkay
maalintaad masjididka soo booqatay, waa uu ku jeclaaday adiga la’aantaana masii
noolaandoono.
Maryam ayaa si qabaw ugu jawaabtay: waan aqbalay.
Maryam ayaa si qabaw ugu jawaabtay: waan aqbalay.
Hooyadii: waan
aqbalayaa?!!!!!!!
Maryam: Haa
waan aqbalay balse hal shardi waa inuu fuliyaa, waa inuu 40 habeen salaatu layl
oo aan kala go’ lahayn kadibna diyaar ayaan ahay anigoon wax aduun ah ku
xidhaynin.
Sidii ayay
hooyadii Cali iyadoo faraxsan u baqooshay dhinacii gurigeeda iyo wiilkkeedii oo
warkii si dagdag iyo farxad badan ugu sheegtay.
Wiilkii oo
farxad iyo raynrayn ka muuqato ayaa yidhi marxaba hooyo shardigaa waan
fulinayaa.
Habeenkii
koowaad ayaa taag darri awgeed uu fadhiga ku tukaday, habeen labaad iyo sadexaadkiina
sidii oo kale isagoo qalbigiisu ku maqan yahay Maryam.
Cali habeenba
habeenka kusii xiga waxa uu usii dhawaanay dhanka Allah isaga oo qalbigiisu ku
sii xirmayay Allah SWT oo awood usii kordhaysay.
Jacayl kale
ayaa qalbigiisa ku abuurmay, waa jacaylka Allah SWT isaga oo uu ka tirtirmay zzz
tagnaa inantii boqorka ?
tagnaa inantii boqorka ?
Cali: Hooyo
macaan wax baahiya oo ina haysaa ma jirto imaka, dhabahaantii waxa aan
jecelahay Allah SWT oo ah abuuraha dhamaan dunuda iyo korkeeda, isaga ayaa igu
filan.
Mansha Allah.. Bal fiiri Allah kacabsiga gabartaas, waxa ay garatay in dawada Cali u baahan yahay ay tahay Iimaan iyo Kalgacalka Allah SWT.
WLL SII SHARE GARE
BY:DHIIRIYE MAGZINE
Mansha Allah.. Bal fiiri Allah kacabsiga gabartaas, waxa ay garatay in dawada Cali u baahan yahay ay tahay Iimaan iyo Kalgacalka Allah SWT.
WLL SII SHARE GARE
BY:DHIIRIYE MAGZINE
0 comments:
Post a Comment
ka fa idaysi wanagsan walaal