Indhaha oo ka mid ah lixda
dareeme ee aanu aadamuhu nolol maalmeedkiisa uga maarmi Karin, waxa ay dhinaca
kalana qurux u yihiin muqaalka wejiga ee qofka, quruxdooda iyo caafimaadkooduna
waxa uu dhammaystir iyo astaan u yahay quruxda wejiga oo ay u muujin karaan
dhalinyaro ama gabow, caafimaad ama xanuun, farxad ama murugo, firfircooni ama
caajis iwm. Haddaba haddii caafimaadka indhaha iyo quruxdooda si fiican loo
daryeelo, waxa aanay ku xidhan tahay hadba sida loo daryeelo caafimimaadkooda
iyo badqabkooda.
Qormadan oo aynu ka soo xiganay Shabakadda wararka ee
Alcarabiya waxa ay ka hadlaysaa noocyo ka mid ah cuntada oo kaalin mug leh ka
qaata caafimaadka iyo quruxda indhaha, tusaale ahaan wanaajiya aragga, qurxiya
muuqaalkooda isla markaana ka ilaaliya coodh-coodhka, madow ku samaysma
hareerahooda ama hoostoosa oo kiish yar oo xaydh ururtay ahi ku samaysmo sida
dad badan lagu arko, sidoo kale ka hortaga in timaha sunnayaashu dhammaadaan
iyo in indhuhu bararaan. Waxa aana ka mid ah:
1. Baradhada: Baradhadu waxa ay si yaab leh uga takhalustaa
madowga ku samaysma indhaha hareerahooda, waayo maaddooyinka baradhada ku jira
qaar badan oo ka mid ah ayaa caddayn dabiici ah ku sameeya maqaarka.
Isticmaalka – Baradhada ayaa diirka sare laga dhilayaa, kadibna
sida sharaabka caadiga ah loo shiidayaa, kadibna tallaagadda / Qaboojiyaha lagu
ridayaa. Baradhadaas sida sharaabka loo shiiday oo aad u qabow ayaa inta cudbi
yar oo nadiif ah la geliyo la marinayaa indhaha hareerahooda muddo 15 daqiiqo
ahna lagu deynayaa, markaa kadib biyo nadiif oo aan waxba lagu darin lagaga
maydhayaa.
2. Shaaha cagaaran (Shaah Akhtar): Shaaha cagaaran waxaa ku jira
maaddooyin caawinaya dabcinta muruqyada ku xeeran indhaha, yaraynayana in ay
bararaan.
Isticmaalka – Kiish yar oo ka mid ah Shaah Akhtarka (Lipton
sidiisa u xidhan) ooh ore loo isticmaalay ayaa lagu ridayaa
tallaagada/Qaboojiyaha muddo saacad ahna lagu deynayaa, kadibna indhaha inta la
isku qabto isaga oo qabow dusha laga saarayaa marba il. Waxa ay muddo gaaban
kadib indhuhu yeelanayaan dhalaal iyo qurux saayid ah.
3. Biyaha Maa’ Wardi: Gobal yar oo cudbi ah ayaa lagu qoynayaa
biyaha Maa’ Wardiga loo yaqaanno oo hadda laga helo dalkeenna dukaamada
alaabada dabiiciga ah iibiya, kadibna waxaa la dul saarayaa indhaha oo la isku
xidhay, muddo saacad ah ayaa lagu deynayaa. Waxa ay dabcinayaan muruyada
indhaha, waxa ay ka tirtirayaan dhammaan calaamadaha daalka iyo diifta, sidoo
kale waxa ay indhuhu ka helayaan Faytamiinka nooca E looyaqaanno oo indhaha u
kordhinaya dhalaal iyo qurux dheeraad ah.
4. Caanaha: Caanuhu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu
fiican ee indhaha lagaga nadiifin karo ciidda, saxarka, iyo weliba
hadhaaga bootarrada iyo walxaha is dhalaalinta lagu sameeyo (Make up).
Isticmaalka- Gobal yar oo cudbi ah ayaa caano lagu ridayaa,
kadibna la marinayaa cidhifyada indhaha iyo ilyarada (Halka xafajada laga soo
qabto), iyada oo si aad u laddifan oo isha la dhowrayana loogu masaxayaa. Muddo
5 daqiiqo ah ayaana lagu deynayaa, kadibna biyo caadiya lagaga maydhayaa.
Waxa ay indhaha ka soo saarayaan wax kasta oo ay qalad tahay in ay ku jiraan,
sida qashinka iwm.
5. Faasliinta: Faasliintu waxa ay ka midtahay dufannada jidhka
duxda fiican siiya, waxa ay sidoo kale nafaqaysaa timaha.
Isticmaalka – In yar oo faasliin ah ayaa lagu darayaa 10 dhibcood
oo ah saliidda nooca loo yaqaanno saliid lawska oo ka mid ah waxyaabaha hadda
iib ahaan looga helo dalka, kadibna isku jirkan ayaa iyada oo la adeegsanayo
cudbi yar waxaa la marinayaa gunta hoose ee timaha sunnayaasha iyo xitaa
xirribaha, habeen kasta, waxa ay ka daweynaysaa daadashada.
6. Malabka: Malabka saafiga ahi waxa uu qurxiyaa indhaha, waxa
uu tirtiraa hadhaaga boodhka iyo saxarrada ee indhaha ku jira, waxa aanu u
sameeyaa dux u soo kordhisa dhalaal iyo qurux.
Isticmaalka – Dhibco malab ah ayaa isha lagu shubayaa, muddo 5
daqiiqo ah kadibna waxaa lagaga maydhayaa biyo cad. Waxaa muhiim ah in la
hubiyo in malabku uu saafi yahay.
0 comments:
Post a Comment
ka fa idaysi wanagsan walaal